The largest
online collection of Somali poetry
Maxamad
wuxuu curiyey maansadan August 19, 2003 wuxuuna u allifay
lamaantissa oo aad ugu dheer: Wuxuu yidhi:
·
Gacalooy
afkaagiyo
·
eegmadiyo
jalleecada
·
indhahaaga
ugubyehey
·
Geela
aragtidiisiyo
·
waxaa lagu
asteeyaa
·
sidii Faras
araara ah
·
Gammaan urisay
Aaroo
·
dareenkii ku
idilyahay,
·
sanka aalad
gooni ah
·
sunniyaha ku
awlalan
·
irbadkeeda
hoosiyo
·
bu'da
unug-cadkeedii
·
ayrishkiyo
daboolkiyo
·
aragsidaha oo
kali
·
agab lala
hareerdhiga
·
ma aan ilin
intaan jiray,
·
Ifkan aan ku
noollahay
·
indhaheygu mey
qaban,
·
Alloow aadan iil
tagin
·
innagoon aroos
galin
·
Oorideyda aad
noqon.
·
Raxmooy aynigaa
tahay
·
abbaarkiyo
garaaraha
·
gacmahaaga ula
dhabi
·
sidoodii la
eentiray
·
amqaadka
laafyaha
·
dhaxda sidii
aloolkiyo
·
udub toosan oo
kale,
·
luquntaada geed
agan
·
arla dihin ku
yaalliyo
·
itaalkiisa
Toowsigaa
·
huunno lagu
inshaaraa,
·
dibnahaaga
ulaygiyo
·
ustarkiyo
madoowga ah
·
midabkaaga
oog-waa
·
asalkiyo
guduudka ah
·
amma ubax
shindhalad ohoo
·
wali aan
abaarsanin,
·
Alloow aadan iil
tagin
·
innagoon
aroosgalin
·
Oorideyda aad
noqon.
·
Gabdhihii
Ambiyadiyo
·
ka sokoow
asxaabtii
·
Raxmooy adiga oo
kale
·
Ifka hooyo mey
dhalin
·
uur laguma soo
sidin
·
lamma soo
abaabibnin
·
Aabba muu
gardaadinin
·
ragna Arad ummey
noqon
·
timmaheeda muu
arag
·
araxdeeda muu
dhugan
·
Abwaan caashaq
lamma jilin
·
ugaasooy kummuu
oran
·
habeen muu
agjiifanin
·
umma uu
abaalgudin
·
Abboowana kummey
dhihin,
·
ammaantaada
gacalooy
·
ma
idleynkaraayee
·
Alloow aadan iil
tagin
·
innagoon
aroosgalin
·
Oorideyda aad
noqon.
·
Ina-Aadan
Deeqeey
·
qurux
aabbaheedeey
·
indha-caashaqleeyeey
·
ayaan iyo nin
hood lahaad
·
Raxmooy ubad u
qaaddaa
·
ood Arad xalaal
iyo
·
ilmasida u
noqotaa,
·
aqal kaala
toosaa
·
ballantaada
oofshoo
·
immin dhexe
habeenkii
·
timmahaaga
alabsadee
·
oofaha ku
seexdeen
·
naasaha
ibtoodiyo
·
kuu salaaxa
oogadoo
·
adoo godol u
agabdhigay
·
neeftaada udugga
leh
·
sidii ila
durdurayaan
·
afkiisii ka
buuxsada,
·
ujeeddadu waxey
tahay
·
jacayl baa i
abbaaroo
·
Raxmooy aawadaa
baan
·
dummar uga
agaagee
·
eraygeynu
dhiganniyo
·
axdigii ha
eexanin
·
Alloow aadan iil
tagin
·
innagoon
aroosgalin
·
Oorideyda aad
noqon.
|