Home

Saaxiibayaaloow

                                                              Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud [Stanza]

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

 

24 August 24, 2003 ayuu maansadan diiniga iyo dardaaranka ah Maxamed 
curiyey.  Wuxuu yidhi isagoo dhaqankan xun ka hortagaya ka fiicana faraya:
 
·        Sigaarka iyo jaadkiyo
·        khamri lagu sarqaamaa
·        saqaafaha habeenkii
·        inaad saamaleyshaan
·        ama maanka suulood
·        darbiyada salaantaan,
·        ood dumar salaaxdaan
·        sumcad-xummiyo silac iyo
·        dhaqan-suulay weeyaan,
·        saaxiibbayaaloow
·        mowd baa na sugayee
·        salaadaha u sarakaca
 
 
·        Sun weeyaan sigaarkoo
·        sanka qaaca kaa bixi
·        eed sahashaneysee
·        saxansaxa udgoon iyo
·        sagal kuula muuqdana
·        sidayaasha-dhiiggiyo
·        sambabuhuu waxyeelaa
·        kansar seedda-hoosiyo
·        saableyda beerka ah
·        sifriyuu horseedaa,
·        saaxiibbayaaloow
·        mowd baa na sugayee
·        salaadaha u sarakaca
 
 
·        Waxaad jaad ku salashiyo
·        waxaad bari sarqaantiyo
·        waxaad leyl siyaaxdaba
·        waxaad suxulka laabtoo
·        dubaab kugu salcaamaba
·        ama aad sawirataa
·        samma-jeexayaal iyo
·        saro loo suwaaqtago
·        sakan lagu caweeyaa,
·        saaxiibbayaaloow
·        mowd baa na sugayee
·        salaadaha u sarakaca
 
 
·        Saban-hore waxaa jiray
·        gabdha wada suleeqa ah
·        gacan kugu salaameyn
·        sarajoog rag uga kaca
·        sawjiyo hannaankeed
·        Soomaalinimo wacan
·        raggoo sooryo dhiibiyo
·        soddoh iyo xigaaliyo
·        seeddi laga xishoodaa
·        maantana sidey tahay
·        waa lama sifeeyaan
·        saaxiibbayaaloow
·        mowd baa na sugayee
·        salaadaha u sarakaca

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.