Home

SamSam

                                                              Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud [Stanza]

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

 

Heestan waxaa allifay Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud [Stanza].
Wuxuuna curiyay taariikhda markey aheyd: 12 September 2003.
 
                        
·        Suleeqadaan jeclaayeey
·        Samsam seedaheeygiyo
·        sadriga iyo laabtaad
·        sidii sadar ku taalaa
·        socodkiyo tallaabada
·        sanqaroorka dheeree
·        Saaddir kugu maneystiyo
·        simaha timaha joogaan
·        dabeyluhuna seexshaan
·        saanqaadka laafyaha
·        iyo midabka soolka ah
·        xubnahaaga simmanee
·        Samsam meelna laga dhimin
·        waa sharaf sammaawi ah
·        oon salguurin waligeed
·        siduu Eebba kuu dhigay
·        hablo loo sammeeyoo
·        qurux kula sitaan jirin.
 
 
·        Subax waa-baryaayiyo
·        suud lagu ildoogsada
·        sadar qaansaroobaad
·        saymaha cadceeddiyo
·        sagal lagu misaalyeey
·        sabankii la joogaba
·        sammo iyo quluub-furan
·        farxad kugu salaamaa
·        sabi yaad u qaaddaa
·        sawjadiisa noqotaa
·        saqdidhexe habeenkii
·        sariir kugula seexdoo
·        Simman kugu yiraahdaa
·        saacaddii la joogaba
·        suuraddaada daawadoo
·        Samsam kula caweeyaa
·        siduu Eebba kuu dhigay
·        hablo loo sammeeyoo
·        qurux kula sitaan jirin.
 
 
·        Sammirkiyo dulqaadkiyo
·        asluub saa'id iyo sharaf
·        Ilaah baa ku siiyoo
·        sinji baad u leedahay
·        waxaad iila simmantahay
·        ood wali ka sidataa
·        suudda-ubaxa-geedaha
·        saxansaxa udgoon iyo
·        waqal-seermaweyda ah,
·        soddon magac u qalantooy
·        saafi iyo xariireey
·        gabadhaha sanadkan soo kacay
·        Suulidaan ka doortaay
·        jacayl sarakacaayaan
·        laabta kuugu sidayaa
·        cishqigina sidii dhaaf
·        siduu Eebba kuu dhigay
·        hablo loo sameeyoo
·        qurux kula sitaan jirin.
 
 
·        Sanca iyo Ameerkiyo
·        Soomaali guudkeed
·        Suudaan oon ku noolahay
·        saxaraha galbeed iyo
·        dhulkaloon sifeyn karin
·        sahan dumar u aadoo
·        bari ugu socdaaltagay
·        mana saarin caymaha
·        mid quroo sawracaaga ah
·        ma sifraama calafkoo
·        wuxuu Saaddir noo qoray
·        marna seegi meynee
·        sidaa uurka galiyoo
·        ciidda sammo ku sii joog
·        anna waan sabaalini
·        naftaan sii sasabayaa
·        siduu Eebba kuu dhigay
·        hablo loo sammeeyoo
·        qurux kula sitaan jirin.
 
 
·        Samsammeey kalgacalkii
·        jacaylkaagi simmaneey
·        igu noqoy sun iyo waran
·        qalbigeeygaad surantahay
·        daraaddaa ma seexdoo
·        hurdada waan ka salalaa
·        haddii ay sad iyo calaf
·        Samsam inaga hiishaan
·        sabi inaan wadaagnana
·        suuroobi weeydaa
·        sammo iyo wanaag baan
·        huunno kugu sagootiyay
·        hambalyiyo salaan iyo
·        Siraad aayo nolol wacan
·        dusha kuu suraayaa
·        siduu Eebba kuu dhigay
·        hablo loo sammeeyoo
  • qurux kula sitaan jirin

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.