Home

Xaajo Ugub

                                                              Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud [Stanza]

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

February 24, 2002 ayuu maansadana curiyey Maxamed midnimadda iyo 
macaankeeda iyo qabyaaladda iyo qaxarkeeda ayuu ku sifaynayaa.  
Wuxuu ku bilaabay. Waa maansa ka hadleysa midnimada
 
 
·        Waloow aan Abwaan iyo
·        allifaa da'weyn aheyn
·        haddana alifka maansada
·        ma illaawi karayoo
·        Allahii i uuntee
·        adduunyadan i keenaa
·        arwaaxdeyda raacshoo
·        ku abuuray ooftiyo
·        unugyada jirkeygee.
 
·        Haddaan ammalka jiiftada
·        inyar kaaga sheegoon
·        anoon meel u eexanin
·        dhabta kuu abbaaraa
·        ujeeddadiyo faalada
·        halkaan ula danleeyahay
·        indheergarad haddaad tahay
·        waad aqoonsan doontaa,
·        ideylkeen walaal iyo
·        Abti iyo Adeer iyo
·        waxaa nahay ilma-adeer
·        iyo ul iyo diirkeed
·        isu ooman abidkood.
 
·        Ciiddeennu waa urur
·        ubax gacan ku yaaliyo
·        oog iyo hillaac iyo
·        onkad iyo mahiigaan
·        iftiin iyo ileys iyo
·        hashii noo irmaaneyd
·        igar loo hanweynyahay
·        ummad-yahay dhammaantiin
·        wixii dhacay illaawoo
·        noolal-aayatiin-wacan
·        u horseeda qarankiyo
·        ehelkeennan goolmoon.
 
·        Aqoonyahanka joogoow
·        ararteyda guud iyo
·        ambaqaadka sheekadan
·        adigoo u kuurgali
·        abbirkiyo tayada iyo
·        erayada haldoorka ah
·        intaad aad u dhugataa
·        ku illaaw dhib iyo iin,
·        unugyada ka dhaadhici.
 
·        Aaya ma leh qabyaaladi
·        ummad lagu halaagiyo
·        gacal kala irdhoobiyo
·        asaay iyo agoon iyo
·        uur-xummeey aloostaa,
·        Abwaan baa mar hore yidhi
·        waxaa wada ugaarsada
·        labadii is-aaminoo
·        kuwii udubdhig yeeshana
·        uurkoolli weeyaan,
·        oraahdaan udgeysiyo
·        aragtida Abwaanada
·        asxaabyahay tixgaliyaay.
 
·        Ilma-adeerrayaaloow
·        ubixii dalkaa nahay
·        innagaana nala sugi
·        u adeegiddiisee
·        Allaan idinku dhaarshee
·        Ilaahey ka yaaboo
·        gacalyahoow anguugyiyo
·        qabiil ood ha lagu rogo,
·        reer hebasha aasaay
·        danta-guudna eegaay
·        udgoonoow Rasuulkii [NNKH]
·        illinkisi raacaay.
 
·        Ammakaag waxaa ohoo
·        aad iila weyn ani
·        dad hal Aabba uu dhalay
·        oo wada Islaam ohoo
·        ashahaadadana qiri
·        haddana kala irdhooboo
·        is-uurdooxi abidkood
·        waa xaaja-ugub iyo
·        waxaan horaba loo arag!!!
 
 
·        Noolaha if iyo uur
·        Allahii abuuree
·        kaligii arsaaqoow
·        cirkaa tiir adkeyn jirin
·        awooddiisa taagoow
·        Soomaali idilkeed
·        Alloow ay is-raacdaa
·        oo uu calan iftiimoo
·        ayaan lagu dakeeyaa
·        Eebboow kariimmoow,
·        addoonkaagi baan ahay
·        kuu eemmasheegtayoo
·        Abwaan ooyay baan ehee
·        ducadeydan awlalan
·        Xabiiboow ajiiboo
·        ajirkeeda ii celi,
·        akhristoow adiguna
·        aamiinta igu kaab.

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.