The largest
online collection of Somali poetry
Maxamad Cabdiqaadir Daauud
[Stanza] wuxuu heestan curiyay September 20, 1999. Waana hees daadis
ah. La qabso. Wuxuu yidhi:
·
Baryahaan
haweenkaba
·
ballan nama
dhaxtaaloo
·
waan kala
baqoolnaa
·
bas baan idhi
jacaylkii
·
iyo
barashadoodii
·
kuuma baahni
inanyahay
·
waxaad iila
bilic tahay
·
bakhtigooda
xoolaha
·
ku bidhaanshay
gabadhyahay
·
dumar baabka
aa tahay
·
bil horaan
ogaadoon
·
ka
baaraandagoo nacay
·
beerjileeci
mahayoo
·
buseylkii
kalgacalkana
·
ka balfiyay
nafteydoo
·
sammahiina
baayacay
·
barri, maanta
iyo shalay
·
iyo bila
damboo maqan
·
batarkiyo
caweyskiyo
·
bandhiggiyo
cayaaraha
·
inaan wada
barjeeynaa
·
baacuggaaga
yey galin
·
beerlaxawsigaagana
·
ku badbaadi
meysidoo
·
bari hore
ninkaa tagay
·
ragga laguma
buuqee
·
Billaahiye ka
waajee
·
baroortaada
ila dhaaf
·
Baxsigaan
sammeeyiyo
·
baaritaanadeeydii
·
bayaankii
siduu yidhi
·
basariyo waxaa
tahay
·
baali laga
hayaamoo
·
bidhaan
aragtidaadeey
·
indhuhu igu
bukoodaan
·
baysaaniga
hablaha kacay
·
baladkeenna
joogaan
·
kummaan kaa
bidhaan wacan
·
oo wada
bulshaawi ah
·
baxaaliga
qureesh iyo
·
baatir
aragtideeda leh
·
raggu
baadigooboo
·
bureeqooy la
leeyahay
·
ayaan
barashadoodii
·
beylahoon
huruufoon
·
bayaxoon ku
dhaafee
·
adoo
bahalhiglaha iyo
·
bah-dugaagta
shaaboho
·
horta yaa i
kaa baray?
·
Badoow lama
jeclaadoo
·
looma
beernuglaadoo
·
ballan wacad
Ilaaheey
·
tii loogu bogi
jiree
·
ee
baxnaanisaayee
·
baanataana ma
ihidee
·
bihaanbihiska
beenta ah
·
boqonta ha igu
heerine
·
Billaahiye ka
waajee
·
baroortaada
ila dhaaf
·
Bahal kuuma
loogeen
·
baahida
kalgacalkana
·
Baxsan kuguma
dhaafeen
·
jacayl waa
balaayoo
·
bukaan halis
ah weeyee
·
kuuma
beyleheen cadaw
·
bayuur kuma
iraahdeen
·
haddaad tahay
mid baari ah
·
bidhaan iyo
asluubba leh
·
baraaraha
timmaha higil
·
baroor midab
Gammaan iyo
·
Baqalkiyo
Fardaha qaar
·
Biciid
eegmadiisa leh
·
bilnaan loogu
dawgalay
·
inkastood
bastaa tahay
·
bilaash kuuma
diidine
·
Baxsan adiga
kheyrkaa
·
iyo boqol
kaloo yidhi
·
iney ii
bukoodeen
·
bari kala
ahaanoo
·
haweenkaba ma
beegsadoo
·
lamma baaramee
garoo
·
jacaylkana bir
iyo dhagax
·
biyo-kulul
isaga meyr
·
Billaahiye ka
waajee
·
baroortaada
ila dhaaf
·
Inaa tahay mid
badhan baan
·
inanyahay
buruufoo
·
baaxadsoorahaan tagoon
·
ku ballaarshay
milicdii
·
naxariis
barkaaga ah
·
Billee igama
dhaadhicin
·
bagaan hadalka
kuu idhi
·
waana siduu u
soo baxay
·
baajin iyo ka
noqod ma leh
·
balaliyo
turaal ma leh
·
barqinkiyo
habeenkii
·
waa adigan
basaasee
·
birmanaaya waa
nool
·
boholyoow ku
daashadee
·
baafineysa
inanyahay
·
barti aan
caweeyoon
·
ku bariista
bari qura
·
bakaalkiyo
dusaaguna
·
kugu
waabariistaan
·
ood
isbeegsataanood
·
ku
barooraneeysee
·
ha iga sugin
baraar iyo
·
bari-sammo
ayaan wacan
·
inaan baaq
dhambaalada
·
Baxsan kaa
aqbala oon
·
bogga kuu
salaaxaa
·
Billaahiye ka
waajee
·
baroortaada
ila dhaaf
|