Home

Zeynabeey

                                                              Maxamed Cabdiqaadir Daa'uud [Stanza]

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

The largest online collection of Somali poetry

Maxamad Cabdiqaadir Daauud wuxuu curiyey maansadan August 13, 2003 wuxuuna kula dardaarmayaa walaashii ka yar.  Wuxuu yidhi: 

 

·        Saynabeey walaaleey

·        laba sidig kalgacalada

·        saynsaab isugu xiran

·        illaa sabi ahaantii

·        isu saadiqdaa nahay

·        saableeyda hoosiyo

·        sambabkiyo halbowlaha

·        sidayaasha dhiiggiyo

·        saymaha nafteydaad

·        saddax iyo sagaal goor

·        soddon jeer ku qoran tohoo

·        sakan lagu hoydiyo guri

·        ina-hooyo saxaneey

·        saqaf weyn ku leedahoo

·        xididada salkoodiyo

·        seedaha iyo maankaad

·        seexataa dhammaantood,

·        ood sulansuleysaa

·        sawirkaaga, gacalooy

·        ma siisteen sad iyo lacag

·        iyo dahab la saanyado

·        amma sool nafteydii

·        sammir iyo dulqaad baan

·        huunno kugu sabaaliyay

·        saadaal wanaag iyo

·        salaan diiran iga hoo.

 

·        Sidaad iigu dheertahay

·        ma sifeen karaayoo

·        soomaali uma hayo

·        aan kuugu seeroo

·        ma sargoyn karaayee

·        haddaan kuu sawira oon

·        kuu yara sarbeebana,

·        rubaddaa i sarakici

·        seexan mahayo caawoo

·        waan kugu salalayaa,

·        Saynabeey walaashayey

·        saqiir wada dhashaa nahay

·        suul iyo far baan nahay

·        siigiyo dhul baa nahay

·        sagal iyo cir baa nahay

·        sariir iyo dad baa nahay

·        geed iyo sal baa nahay;

·        sidii subax mahiigaan

·        waqal seermaweyda ah

·        saxaansaxada oo kaleey

·        nafta kuugu sammirtaa

·        saadaal wanaag iyo

·        salaan diiran iga hoo.

 

·        Saqdidhexe habeenkii

·        seexdeen dadkoo idil

·        socod iyo saqaaf jirin

·        salaan iyo bariidiyo

·        inna uu sawaxan jirin

·        ayaan soo xasuustaa

·        Saynab barisammaadkii

·        sabi-dheelliddeenii

·        wada-socoshadeenii

·        sawdkeedi hooyee

·        nafta lagu sasabi jiray

·        subaansalaaxii

·        seexda nalagu oran jiray

·        Aabbe soor hambeyntii

·        Safiyooy uu dhihi jiray

·        ma samreen ciyaalkii,

·        labadii na wada siday

·        ee nalaga soo saray

·        sidey noo daryeeleen

·        amma noo sabaabsheen

·        markaasaan sagaal goor

·        sawirkaaga dheehdaa

·        amma beerka saartaa

·        saadaal wanaag iyo

·        salaan diiran iga hoo.

 

·        Walaashayeey sir iyo caad

·        Aabbaheen ha sahashanin

·        sadrigaaga galiyoo,

·        ducadiisa sahansoo

·        waligaa ka samo dalab,

·        waxaa guul salgaaraa

·        qofkii waalidkii sadee

·        u samraa adduunyada,

·        sistiyeey ha saaqidin

·        shahaadada sax oo say

·        sidey tahayna u ajiib

·        salaadaha shanta ah oog

·        sakada waa sunnee dhiib

·        soddonkiisa maalmood

·        yuu ku seegin soonkoo

·        waa silsilad ibliiska uu

·        Rabbi nagaga seeree

·        sawdkaaga ka adkoow

·        xajkana waa sunnee gudo

·        u socdaal walaashayeey

·        hadduu saamax kuu yahood

·        surunkiisa haaysaa

·        saadaal wanaag iyo

·        salaan diiran iga hoo.

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.