The largest
online collection of Somali poetry

-
Godkii
aakhiree lagugu riday jeer uunbaan galiye
-
Naxariis
gu weynbaan Rabigay kuu galiinsaday
-
Aw
Yuusuf gabaygii ahaa guur aan ka laaado
-
Gabdhihii markaa joogay eed diiday gogoshooda
-
Gefefkiyo tilmaamihii cadaa iid ku gali waydey
-
Hadaad maanta goob joogi layd kama gidaadeene
-
-
Geeraarka adigoon maqlayn kaagi garab yaala
-
Cimrigiyo gabdhaha aan wakhtigan isku soo gaadhay
-
Aniguna
intaan uga gabaday geed aan ka idhaahdo
-
-
Gablan
iyo inaan ubad dhalaa wey gudboon tahaye
-
Madaxayga guudkaad cirada galayax moodaaye
-
Gabowgii
waxaa iiga hadhay dhowr guyoo kale
-
Guumays
waxa iga dhigoo doobka igu gaaxshay
-
Een
dumar qaar uga gabaday geed aan ka idhaahdo
-
-
Guduud
iyo adoon qurux hurayn gaari aad xulatay
-
Beri
hore gayaan iyo kufbaa wada gudboonaaye
-
Geelana
midii qaayibtaa loo gunayn jiraye
-
Intii
aan bacow gaadan laa golo ku joog fiican
-
Mar
haday gar dhalad wada noqdeen guur aan ka la’aado
-
-
Caadadii
la gooyaaba waa geeri iyo ceebe
-
Guudkii
badnaa iyo tintii gelefka aad mooday
-
Ee guur
ninkii doonayaa muuqa garanaayey
-
Garoob
iyo midii reerle iyo taan la guri gaysan
-
Gamboolay haday wada noqdeen guur aan ka la’aado
-
-
Gaabsiga
xishoodkiyo midaan edebtu soo gaadhin
-
Ee maro
guntiimaysatee gibilka qaar muuqdo
-
Ee
naasku inuu giigsan yahay wiilka gelinsiisa
-
Markay
wada gabraartaan intaan goyn lahaa madaxa
-
Ana
geeshku ii bixi lahaa guur aan ka la’aado
-
-
Goobatada habaynkii gudeen goor walbaba joogsan
-
Gasiiriyo midii aan Jimcaha geedka laga waayin
-
Ee ina-rag
kii nini wataa raaco gacanteeda
-
Marna
tii aan gaagixin hadii gorofka loo qaado
-
Intay
gaadhi iga raaci layd guur aan ka la’aado
-
-
Geerashkiyo midii xeer taqaan qaadka gurigiisa
-
Gogoshiyo falaasyadii midii kala dhex gowdiida
-
Ee
jaa’ifada loo guree lagu habayn guuro
-
Ee labo
gundoodoo nin kale galan galcaynaysa
-
Intay
galab rag kale ii keeni layd guur aan ka la’aado
-
-
Garab
rarato, meel kuma gabada, guura bahaleeya
-
Sida
igadh gandaalkeed la sido niman ku gaaf meera
-
Gurashada sigaarkiyo shaxaad gees walba u baydha
-
Markaa
googo’ kii siinayaba gacalsatee raaca
-
Waabaayaday gurubsataa taasuyee guur aan ka la’aado
-
-
Ta
cidiyaha aan gurin tintana gaabisee madhisa
-
Goodaado
beer dheer aan cunin dheefta gurigooda
-
Gidaarada habaynkoo badh tegey wiil garbaha haysa
-
Gorayada
surwaalka leh midaan ruux u garan waayey
-
Xidin-xiitadaa aan gam’ayn guur aan ka la la’aado
-
-
Gunuus
badan had iyo jeer gurxama deriska guul-guula
-
Garba
qaawan wiinbaar gashada gogol ma loo doona
-
Gagabsiga yar mooyee marnaba guurka ma xusuusta
-
Dhaylada
midaa loo gadee awlal kaga goysa
-
Xuurtaa
aan hamuun goynahayn guur aan ka la’aado
-
-
Ta
aqoonta loo gado baree garasho loo yeelo
-
Cilmigaa
asaageedu gayo tii la garansiiyo
-
Gargaariyo markii reer tashigi gacal ka eegaayey
-
Hadii ay
quraarado gashoo gaalo la ciyaarto
-
Gablan
bay adoogeed ka tahay laguma goohaane
-
Cadho
waalid bay galabsatee guur aan ka la’aado
-
-
Garoob
maal leh oo dhawr sacaad waabka soo gelisay
-
Oo guri
cariishiyo dukaan ganacsatee haysa
-
Caanaha
gadhoodhka ah ninkay gelin dhexaad siiso
-
Noloshiisa anigow garlay guul ka dhigataaye
-
Intii
lay guhaadayn lahaa guur aan ka la’aado
-
-
Mida
guursatee guriga lee gabanadii tuurta
-
Ee
baladka gaashgaashisee gaatin soconaysa
-
Ee goor
qaboona ah baxdee godadka fiidmeerta
-
Guuguulka waa lagu yaqaan raro-gubyood ka ahe
-
Intay
ubadka gaasiri lahayd guur aan ka la’aado
-
-
Ta
gugeedu weyn yajay asee gaanisada dheesha
-
Een
da’deed la gooshinee gurbaysnimo kufaanaysa
-
Googoradda bowdada ka maqan xaluska giirgiiran
-
Waa
cudur nasoo galay asii aan la garanayne
-
Gimrigeedii taa gabawartana guur aan ka la’aado
-
-
Ta
jacaylka gaadada u sudhan meel walbaba gaysa
-
Ee dhawr
nin guubaabisee laxawga gaadhsiisa
-
Adaan
gooni kuu ahay waxay kugu garaacdaaba
-
Markaad
labada daarood gaftay kaa xamaan guran e
-
Dumaashiday intaan gocon lahaa guur aan ka la’aado
-
-
Midda
ganaca weyn lee ibtilo aasha loo galiyey
-
Ee nabar
la gaadhsiiyey iyo garac lasoo dhooftay
-
Ee
gabanka aabihiina tidhi waygu gacan saydhay
-
Indha
gudhay dhafoorada gotaad taa ku garataaye
-
Ceebteedu ima soo gashee guur aan ka la’aado
-
-
Guunyada
middii aabaheed lagu galiimaysto
-
Waxay
gocato taan waayinoo gaajo wali taaban
-
Ee
gacanta maal ugu jiroo gaadhi dheer wadata
-
Nin
qudhaad u gaar tahay yaan ruuxna galinayne
-
Intaan
gaws libaax gali lahaa guur aan ka la’aado
-
-
Guddoonkaygii goortaan intaa gacan-togaaleeyay
-
Oon
waliba soo gaabiyoo qaar u gali waayey
-
Gogol
iyo sariir aan lahayn gaari raaliyo ah
-
Inaan
galangalceeyaa tashiga iiga gow yidhiye
-
Maxaa
kula gudboonaan lahaa taniba waa goor e
|