Home

Dhul-u-Dheer

                                                                                 Aadan Carab

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Loolan dirireed oo dhexmaray Cali Geri oo Dhulbahante ah iyo Biciidyahan oo Majeerteen ah oo asalkii hore ka kacay geelal la kala qaaday ayuu abwaanku gabaygan ka tiriyey abaaraha 1957/8dii.  Dirirtu  gadaal waxay isu rogtay mid labadaa qoys dhaaftay oo la isugu habarwacday lafo kale oo labada dhinac ahna ka qeyb qaateen.  Aadan oo gabyaa caan ah ahaa tolkiina afhayeen u ahaa xilligaa ayaa afkiisa haddaba la baxay si uu ugu digto Majeerteen, Iidoorna ugu dhaga-hadlo.  Wuxuu yidhi, Allaha u raxmee:

·              Dhuyac Balo ragii idinku furay, dhamacda jiilaalka

·          Dhaxan iyo malay cudur marbuu, dunida dhaamaaye

·          Dhawlkanaa waw u dhira intaan, idinku dhiibteene

·          Ama waranle dhiilada maqlaybaa, dhaaxa iibsadaye

·          Dhul fogna waaba loo maray rasaas, dhagax rogeediiye

·          Maantada in dheri loo karshiyo, dhuuni iyo raashin

·          Dharba uma safraan nimanka tagay, dhoofkii Cadameede

 

·          Dadkana qaar dhagweynaa ka kacay, dheelalaad ahaye

·          Caligeri dhamaantiis isku arag, dhirihii Toomoode

·          Anana dheregnay geeridu markay, dhaaftay labo raase

·          Dhafkii nala socdiyo Reer Garaad, waa is dhaarsadaye

·          Anagoon wixii naga dhinaa, dhoobka tabanaynin

·          Dhuldheer inaad nagu gashaan, cidi ma dhaadayne

·          Intaad timaha dhoobiyo malaas, lagu dhamaajeeyo

·          Guutada Biciidyahan dhuray baa, dhoor u imanaysa

·          Dhadhab iyo riyey nala ahayd, amase dheeldheele

 

·          Waagoo dhag yidhi aanay jirin, dhuumashiyo gaadmo

·          In dharaar la weeraro miyaan, dhudi ku faalooday

·          Dhabisku waxaan ku idhi inuu, maalin dhiirado'e

·          Iyadaad nirgaha ku dhalay, dhereg gubyoonayso

·          Oo rimayda dheega iyo mudkiyo, dhinacu weynaaday

·          Aan kurayga dhiilka u sitaa, dhaqayo maalaynin

·          Oo lagu dhexjiro oo kolkaa, dhisi ka ahaaye??

 

·          Waxba lama dhabiiline la yidhi, dhoobiyaa wada'e

·          Dhedaa na huwanayd jeer dagaal, la isku dhiidhiyo'e

·          Dhalanteed miyaa idinka galay, dhudaha aan sheegto

·          Ma dhalaaliyaan toban bilood, idinku dhaacaayey

·          Malaha dhirbaaxadii bey misana, dhuuni idin raacday

·          Ma ku dheregsigaygaa waxaa, dhacaya eegaayey

 

·          Dheedi waxaan xeraadka uga dhigay, dhudubna loo geeyey

·          Waa meel inaan uga dhashiyo, dhoofka qoofalane

·          Dharka ubaxle dhiiqa xidhkaad, dhuxulka moodaysay

·          In la dhicin karaa loogu furay, dhogor idiinley'e

·          Hadii aad talada sii dheehataan, dhuuxa iyo ruuga

·          Dhoomaha Shirshoore iyo Hayaag, uma dhawaateene

·          Nin Dhulbahante Ciideed yaqaan, dhaayin ololkeeda

·          Dhangad kuma jafeen ma ahayn, dhoocil la eryoodo??

 

·          Afartaa intaan dhalay beryahan, uga dhaliilaaya

·          Ma ku dhilay dhabada maansadaan, dhiida ka higaadshay

 

·          Waakaa dunida Reer Cali dhegaa, dhohosha nooleeyey

·          Wax badan baan dhafuuqsaday naftana, idhi dhaqaaleeye

·          Waa taan ku wii lagu dhayalay, dhaahiya lahaaye

·          Wax ma dhimin warfaa maalintaad, dhoosha dumiseene

·          Waa tay gacmaha soo dhigteen, dhiigii Maxamuude

·          Dhabow garanaysaan samo waxaad, nagaga dheefteene

·          Dhibna inaanu leenahay markuu, xumo dhanaanaaday

·          Bal dhadhamiya waatuu dhulkii, idinla dhuubnaaye

 

·          Afartaa intaan dhalay beryahan, uga dhaliilaaya

·          Ma ku dhilay dhabada maansadaan, dhiida ka higaadshay

·          Bal ma dhabade mid kalana, maan markale dhaado

 

·          Sida adhi dhurwaa iyo habeen, dhidar hareereyey

·          Dhaawaca wataa wali cashaba, dhawr la helaayey

·          Durba waxaa dhakhsaha ugu godeen, waa dhugmiyo khoofe

·          Markii baqe dhegalooha hadhkii, lagu dhadaababay

·          Aan dhiinka kii ladan lahaa, care bal soo dhowra

·          Allaa dhigay Warsame geed inaad, kaga dhaqaaqdaane

·          Dhabta Jinacle waataan ku simay, dhabashlihiiniiye

·          Dhanbaad uga dhacdeen muraan danbaad, nagula dhoodaane

·          Dhawaaq galiya Reer Mudug koluu, qalab idin dheero

 

·          Afartaa intaan dhalay beryahan, uga dhaliilaaya

·          Ma ku dhilay dhabada maansadaan, dhiida ka higaadshay

·          Bal ma dhabade mid kalana, maan markale dhaado

·           

·          Lib hadaan ka dheelmado qabiil, laysku dhagaroobay

·          Dhiidhiina waan ugu daraa, dhaanto iyo heese

·          Adigoo dhintey baa gabaygu ciil, kugu dhaqaajaaye

·          Majeerteen haduu dhabarku jabay, dhidib intuu qaaday

·          Dhabayaco malaha kala hadhnaye, dheeliyada raacday

·          Daarood ku dhaayiyo warkaba, dhereg khabaarkiiye

·          Iidoorse qaarbaa dhakane, dhaaniska u sheega

 

Haddii aad cid u jawaabtay Aadan Carab og tahay nala soo socodsii.

Mahadsanid

 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.