The largest
online collection of Somali poetry
Ingiriis dalkiisii mudhxay oo, cunay magoolkiisa
Isagoo masaafira haddaan, subax ka miidaanshey
Oo lagu mintiday waw dhamayn, minawarkaan fuullay
Maskab kama dhaxline wiilal baa,
helay macaankiiye
Kun nin baa martabadii u hadhay, ama muluugtiiye
Inta kale mus ood laga rogtey, meerayaan dibade
Sidii baan Marqaafa u sitaa, ama
Mareykaane
Sidii baan mankaar lagu gubtay, iyo milic u joogaaye
Sidii baan maqaar ugu gam’aa, meel la ii dhigaye
Sidii baan madaal dheri karshiyo,
rodol u miistaaye
Sidii baan macaash ugu gataa, harag miciinkiise
Sidii baan midhaha uga gurtaa, madaxa toomoode
Sidii baan u macaluushanahay, oo
mud dhuubanahay
Sidii baan minjaha ugu socdaa, moodhar liidiiye
Sidii baan mawaashiga hayaan, ugu maqiiqaaye
Sidii baan martida caana qudha,
ugu macsuumaaye
Sidii baan tacliin uga madhnahay, machadkii diimeede
Sidii baan macruufka u sugaa, macallinkiisiiye
Sidii baan madow ugu jiraa, maato
iyo ruuxe
Sidii baan xafiis meel fog ii jira, ugu muctaadaaye
Haddii laba nin oo wada Muslima, madaxda loo geeyo
Sidii baa guddiga loo maraa, wax
u masaynayne
Sidii baa miskiin tulu leh, looga marayaaye
Kuwo midabka Soomaali uun, lagu malaynaayo
Sidii buu kiniin uga mutaa,
maralka jiifaaye
Sidii buu Rumaan ugu mudhxaa, kii maxbuus ahiye
Sidii buu dalkii naga maqnaa, muran u joogaaye
Marsadii jabuutaanba weli, soo
mihiib kicine
Sidii baa sharcigu mayd uu yahay, marwa lahayne
Haddii dumar maxaajabad ahaa, milicsi loo diido
Iminkey dharkoodoo mil mila,
suuqa marayaane
Miidaanka noogama baqaan, mana mastuurtaane
Muqdishaba horteed waa dhaqneyn, marag Illaahaaye
Isagaa maqsuuda ee wax kale,
looma maamuline
Bal muxuu micneeyoo na taray, ministarkaan doortay?
Af uun malaba shicibkii haddii, lagu mashaysiiyey
Oo aan muraadba u qumayn, mooye
say noqone
Waa nala madaarshaynayaa, tan iyo maantiiye
Mahdigii naloo sheegay iyo, malihi beenowye
Manqaa lagu sabaa had iyo jeer,
muugga dhalanteede
Hadba waxaan maqallaa boqol malyuun, waa macaawina’e
Maalkii arladaa loo qabtiyo, meeday lacagtiina?
Mooskada ragga u duulayaa, maylka
tirinaaya
Goormay waxay muujiyeen, lagu manaafici?
Ma mardaadi baa socodka aan, miiqna loo qabaneyn?
Sow riigna noogama mudaan,
madasha Buuhoodle
Bal intee muddaa oo sugnaa, maaxda imanaysa?
Bal maxaase hay muuqatee, marada loo qaatey?
Mukhlis iyo haddaan lagu shaqeyn
orod maleegnaana
Ma xiniin yahay moodayaan muunad nala saaray
Ma naftiina maara u qabtaa nimanka loo miiray
Maasha iyo haddii aan miilka saro
malow miyey fuuli
Ma mucaarid baan ahay hadaan xaqa ka maansooday
Bal muxuu micneeyoo na taray ministarkaan doortay
|