Home

Aadan Maxamed Cabdulle (Gureey)

                                                                                    Gabowga

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabayaaga Soomaaliyeed ee gabowga ka gabyey waxaa ka mid ah Aadan-gurey Maxamed Cabdille.  Aadan wuxuu si niyad ah oo aad u qurux badan u xusay haydaartada gabowgu u gaysto insaanka markii waliba uu ku helo jawi midka Soomaalidu ku dhaqan tahay oo kale ah, jawigaa oo aan lahayn daryeel dawladeed iyo mid kale oo rasmi ah oo lagu xanaaneeyo duqayda. 

Wuxuu haddaba Aadan-gurey isbarbardhigayaa sidii uu jeer hore ahaan jiray iyo haatan sida xaalkiisa liita yahay.  Lixdii laxaad oo aan saa taabogal u ahayn, deeqsinimadii uu ku tilmaanaa oo aan eegga jirin, dagaalkii uu wacdaraha ku muujin jiray iyo dhinac walba wuxuu garabdhigay noloshiisa sheeko iyo sheegsheegid barisamaadkii ah mooyee aan lahayn maamuus kale oo saa ah.  Inta nasoo gaadhay wuxuu yidhi:

  • Todobaatan iyo toban miyaan, tiriyey waageyga

  • Sidda wiil tarada ceel marshay oo, timaha deebeeyey

  • Tin madow miyaan laga dayeyn, aniga tuurkayga

  • Ma talaabadaan la qadhqadhoo, tiigsin luga mooday

  • Ma tukubay siddii habar tu kale, tuugmo ugu jeeda

  • Bowdada miyaan tuujiyey iyo, adhaxda tiirkeeda

  • Taf-madow haddaan qaadan jiray, maro tilmaan dheer leh

  • Tartarada miyaan qeyd ku xidhay, taako labadeed ah

  • Barkin luqunta kuma tiirsho iyo, tolone baarkiise

  • Ma dhagtaan tagoogada gashaday, siddii aniga oo tuug ah

  • Wax martidu tamadisaa ninkay, toos u hoyataaye

  • Tulugiis miyaan la igu arag, tuludi waa geele

  • Naaguhu ninkaan tuujinhayn, waa timlahayaane

  • Taf miyaanan rogi hayn siddii, cudurku ii taabay

  • Torog maalintaan fuuli jiray, tahartu weynaatay

  • Col tirtirihii anigaa lahaa, tabayo duulaane

  • Guuraha anays taagi jiray, idil tilmaanteede

  • Haddaan weerarkeedii tognay oon, toon kasoo didinay

  • Iba-toosan leeyeey haday, na hor tislaynaysay

  • Tog biyo leh haddaan keenay oon, koron ku taysaynay

  • Sidaan wax u tabayn jiray miyaan, taabi kari waayey

  • Allahayoow tahliishii janaan, adiga kaa tuugay

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.