Home

Qablan Samatar Cukur

                

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Qablan oo afhayeen u ahaa Boqortooyadii Ogaadeenka ee saldhigeedu ahaa Doollo iyo Ciid ayaa gabaygan u tiriyey Iidoor oo markaa Ingiriisku gaashaan u yahay geelana u daajiyo una ilaaliyo, Iidoorkuna Ingiriiska u gubo una guro dhuxusha Galoolka oo ay maraakiibtu xilligaa ku shaqayn jirtay.  Xilligaa Soomaalida dhinacan degta waxay u qeybsanayd isuna yaqaaneen Dir iyo Darood, laakiin markii Ingiriiskii dhulka soo galay ayey Isaaq waxay isugu yeedheen Durriyad.  Af-hayeenku durriyaddan la sheegayana meeshay ka timid ayuu la amakaagsan yahay.  Wuxuu yidhi isagoo markaa iyada ah Wardheer joogay:

  • Taariikhda duuga ah markaan, dib uga faaloono
  • Diiwaanka waxa kuugu yaal waa, Dir baa nahaye
  • Maantana Durriyad baan nahay, baad nagula doodeene
 
  • Hadba inaad dad noo sheegataan, waa dayuusnimo e
  • Adoo aabahaa diidan baad, dooni ruux kale e
  • Duqii idin dhalay baad meel cidla ah, kaga dareerteene
 
  • Waa dagalaydaydii wuxuu, gaalku soo dagaye
  • Adiguna dilaal baad ahayd, daa’in abidkaaye
  • Dooxada Hargaysiyo Burcaba, waa anigii dagaye
 
  • Damaashaadka waataan ku maray, labada daamoode
  • Daqsi iyo siddii koronkoro unbaad, darayga tiileene
  • Dubaaxda iyo ammaanka iyo mudkiyo, daribta geeliina
  • Dugaaga iyo haadkii cunaa, noo ducayn jiraye
 
  • Daadxoorta waa tii lafuhu, dibada yaalaane
  • Lafa-Ruug dabkaan kugu shidiyo, digadii baa taale
  • Deyr adag intii loo dhigay baan, doonay kii hadhaye
  • Sango duubi weyn iyo darmaan, orodka sii daysa
  • Dabra celinta waatay farduhu, idin dul joogeene
 
  • Idinkoon dagaal hidin karayn, dumarna aan dhaamin
  • Waa tay Dabacayuunow lahayd, maygu dirirtaane
  • Duqaydiinu way wada ogtahay, dibirtii Maal-Gooye
 
  • Indha-Badane dool laguma helin, daaqsin iyo ceele
  • Duq iyo doonba waw wada dhanaa, doxorka Iidoore
  • Allaba waa dagaal aad gashiyo, dirir is qaankeede
  • Danaakiriyo Ciisaad baqihii, dacal ku dhaafteene
 
  • Dibna looma arag xoolo aad, dibad ku raacdeene
  • Waa taad durduradii Badweyn, doon ku gudubteene
  • Indha-Badan, Abti-Badan, raggii kugu dirqiyey, baad u duurxuliye
  • Iidoor duliga gaadhay iyo, dakharadaan gaystay
  • Waa waxay adhxaha daacsan iyo, dari la yeesheene
 
  • Dabar iyo hoggaan iyo anoo, dacayba kuu yeelay
  • Oo duudka kaa raranhaya, unbaa gaalku soo dagaye
  • Dagdaglihiyo anigaa ku baday, duud-xamaalkaba e

 

  • Markaan diinka dhawray iyo, sharciga iyo daliilkooda

  • Danbigii markii aan nacay, een iskaba daayey
  • Dilaalkii iyo malaalkii markii, dabadu kuu naaxday
  • Dibjirkii iyo miskiinkii markuu, daaro wada yeeshay
  • Dumar baa ilowshaha yaqaan, daalka soo mara e
  • Inaad aniga igu doobidaa, dawba ma ahayne
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.