Home

Isku Dir

                                                                                  Ismaaciil Xayd Af-low

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry
  • Galawgaw alaakiya col aan, wax uga oognayne
  • Aniguna halkii eed leh waan, ololinaayaaye
  • Indhaweydba waan aamusaye, dhamacda maan oogo
  •  
  • Maan uumiyaha kala fadhiyey, eebadaw rabiyo
  • Reer Shiil Alaalaha ka badan, ubaxa geedaaye
  • Hadana awrta Reer Geelle iyo, oodankay tegiye
  •  
  • Iraada-Alla waa niman gacmaha, Eebbahay xidhaye
  • Ulla tuuri maayaan oo horaa, loo ishaaqsadaye
  • Awlaxa Jibriil iyo ka yari, ood ma jebiyaane
  •  
  • Afka duubye Heebaan Jikraha, hayska iibsado'e
  • Waa loo abaabaynayaa, aabbahood maqanne
  • Waana loo afjaaqaye Kufrigu, maba ogaadeene
  •  
  • Afka Qaydar buu joogey iyo, adhaxda Guuyoowe
  • Haddaan niman asiib iyo ku noqon, malag abraaraaya
  • Maxaa Ugun dhurwaagu ugu cunay, amar miyaa geeyey
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.