Gabaygan Guur aan ka La’aado waxaa tiriyey Allaha
u naxariistee Yuusuf Maxamed Xirsi oo ku magacdheeraa Aw Yuusuf-barre. Wuxuu gabaygan Aw Yuusuf tiriyey xilli lagu qiyaasay sanadkii 1922kii.
Gabayaagu wuxuu tusaalaynayey kuna halqabsaday
laba nin oo ay midna ilma adeer ahaayeen midna uu adeer u ahaa, lana kala odhan
jiray Hassan Abdi Ali (Gurey) iyo Ali Hassan Ibraahin (Daroor.) In kastoo gabaygu xilli horre ahaa, haddana waxaa
2002dii naloo xaqiijiyey in Gurey
iyo Daroorba xayi yihiin iyagoo da'a ah.
Nimankani waxay ahaayeen barbaar guur
doon ah, abwaankuna
wuxuu jeclaystay inuu tusaaleeyo gabadha guurka ku habboon iyo midda
aan ku habboonayn sifaadka kala duwan ee lagu aqoonsado.
Haddaba, gabayaaga ayaa
tilmaamay sifaadka uusan shaqsi ahaan jeclayn,
Gurey iyo Daroorna wuxuu kula talinayaa in aysan guursan gabadhihii
calaamadahaa yeelata ama lagu tuhmo. Wuxuu yidhi:
-
Gurey
iyo Daroorow arini, waygu gabileeye
-
Wax
i galayba waan uun galgalan, gu iyo jiilaale
-
Galbi-dhabadka waxa iigu wacan, hal igu gaarnaaye
-
Garanna
wayde meeshaan qalbiga, uga gufaacoone
-
Guddigayga
caawaba maqloo, geliya laabtiina
-
Oo
wada guntada xaajadaa, odaygu soo guurshay
-
Gaashgaashka
waa lagu lumaa, gole ka fuulka ahe
-
Ha
gudoonsan waa kii caqligu, gaan kugu ahaaye
-
Gurri-billa ninkii doonayee, nacaya goonbaarta
-
Ee
guur ujeedoow i maqal, waan ku garansiine
-
Guduud
looma raacoo haween, gabalba waa cayne
-
Bidhaan
gebi ka laalaada waa, lagu gulaalmaaye
-
Isu
gaadhay gabadhaad tidhaa, meel unbaa go’ane
-
Gaboodleyda
gaashidu kutaal, labada goonyoodba
-
Ee
maradu geyngeyman tahay,
guur aan ka la’aado
-
Ganbadh
lagu fadhiistiyo midaan, gaadha fidineynin
-
Ganuunka
iyo xeedhyaha middaan, goor Allaba dhiibin
-
Gadh-cadaayadii reer tolkey taan, u gogol haynin
-
Een
geedka laga naadinayn,
guur aan ka la’aado
-
Gaadhgaadhka awrtiyo nirgaha, geela laga reebay
-
Gurijoogta
xoolaha midaan, goosanka u diidin
-
Een
garanin soo dheelan ee, guriga uun joogta
-
Gudbantaan
halkayguba galayn,
guur aan ka la’aado
-
Allow
garawo giirka iyo afka iyo, ganafka uun taageysa
-
Oo
qoolka uun kula galdi’i, magac waxay gaadho
-
Gandihii
miduu wada nacee, gacalka fiigaysay
-
Gool
boodadii laga samree, goysay ubadkeeda
-
Intay
dhiig isoo galin lahayd
guur aan ka la’aado
-
Geediga
hayaanka ah midaan, gaadhin waligeedba
-
Ee
gabanta loo sido sidii, goodir noo curatay
-
Waa
geeri naagtaan ritiga, kuu gadh qabanayne
-
Reerkoo
gawaan degay dadkoo, gibbiladii waabtay
-
Anoo
galangalciyo oon la tuban, furayna gaadiidka
-
Geedaha
hadii lala dhexgalo, gudimo oodeedda
-
Galoon
badhaxa uma dhaamin karo, geedantada jaane
-
Guul
iyo cidlay igu waddaa, goox aan yuurure’ee
-
Gosha
laga cabsooniyo xidhkay, gooshu ka adeegi
-
Gaade
iyo intay bahal isiin,
guur aan ka la’aado
-
Midda
gaaban ee garabkiyo, guudku wada joogo
-
Ee
socodka uma gaatisee, gididiflaynaysa
-
Ee
gura ma laacdee ritiga juu, ku ganacgoysa
-
Janbal
gibin ah een golos ahayn,
guur aan ka la’aado
-
Carmal
jeer hortay guursatoo, geeda soo shidatay
-
0o
iga gu’ wayn oo taqaan, gaadmo iyo dhuudmo
-
Waxay
gogosha ii saxartirtoo, illaxidh goysaaba
-
Dhowr
habayn markii lala golyoo, gaax lakala maalo
-
Gadaal
bay lasoo bixi dabbaro, hor ugu gaarnaaye
-
Intay
galab i aynabi lahayd,
guur aan ka la’aado
-
Middaan
cowska soo guran aqoon, garab ku boodhlayda
-
Galgalin
jiifta bacadka uun galgalan, gu’ iyo jiilaalba
-
Oo
golaha qoyska iyo ninkaba, leexadu is goysay
-
Ee
giiryar baa cunay i odhan,
guur aan ka la’aado
-
Galbashada
dharaartii middaan, gaadhka iga haynin
-
Een
garanin goortii wakhtiga, aanan gafayn reerka
-
Een
guurahaygii milshiyin, aar gudaan ahaye
-
Anoo
luga gorgoray taagnidii, gogosha oo laaban
-
Intaan
ciil la gow odhan lahaa, gaada iga haysa
-
Amaan
goor xun daydayan lahaa,
guur aan ka la’aado
-
Maradaan
u gaday khayligaan, gugakan soo iibshay
-
Garbasaar
hadaan ugu darriyo, boqoro giirgiiran
-
Wal
maxidhato ganaca uun banayn,
guur aan ka la’aado
-
Galoolka
iyo cowskay badhkood, guna ka gooyaane
-
Garba
duubantaan laga dayeyn, gala in ay laabto
-
Waxay
hooyadeed garab degtoo, la i gargaaraaba
-
Mar
haddaan ka guurana hadday, biidna garan waydo
-
Gabbaad
kob aan lahayn kuma gam’ee,
guur aan ka la’aado
-
Dumaal
gaban leh gaayaa tufley, waa mas geed galaye
-
Haddaan
wiilka guulguulo, way igu guhaadoone
-
Waa
gool dhashii haysatee,
guur aan ka la’aado
-
Gabdhahoo
ciyaar tuman raggoo, yara dul goocaaca
-
Golostay
ujeedeen haday, guluca soo saarto
-
Waxay
guuntu boodoo ciyaar, daba gablaysaaba
-
Goobtii
midii lagula hadhay, geedka dhiniciisa
-
Garaclayda
geelada irmaan,
guur aan ka la’aado
-
Gool
weyn middii loo qaliyo, gogol lasoo dhoobay
-
Gab
hadday tidhaahdoo martidu, igu dul gowriirto
-
Weelkeedu
tuu gorof yaheen, laguba gaaraynin
-
Nin guraar minkii loodhigeey, gobbi la yaabtaaye
-
Intaan
ciil la gow odhan lahaa,
guur aan ka la’aado
-
Talaabada
midaan gaw kasiin, gooray soconayso
-
Oon
gola baxayn oon xarago, gacanta saydhaynin
-
Een
dumarka gaasirin giddigii,
guur aan ka la’aado
-
Allow
gaaridii loo xishiyo, gabadha loo aayo
-
Raaliyo
garaad badan midaan, iga guhaadaynin
-
Adaan
gacanta kuu hoorsadaye, ha i gafsiin caawa.
Gabaygani Soomaali idilkeed
ayuu si ba'an ugu baahay, cid walba oo gabay iyo dhaqan aqoon ahina abwaanka ayey
aad ugu qaddarisaa xikmadda wax ku oolka ah ee uu kaga tagay gabaygan
dhexdiisa.
Sheekh Yuusuf-barre gabayo
badan oo kale ayuu lahaa, sida midkan kore aad ka tixraaci kartana waxay
gabayadiisu wada ahaayeen safka hore. Nasiib daro, wax badan wali kama helin.
Haddii aad og tahay meel gabayadaa laga raadgoyn karo, fadlan nagala soo
xidhiidh mail@doollo.com.
Dhagayso gabayga
|