Home

Shirweynihii Xoolaha (II)

                                                                                  Axmed Sheekh Jaamac

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  • Xayaatadiyo nuurkiyo hawadan nalagu xaydaamay

  • Xaaliga biyood iyo cuntadaan ruuxna ka xoroobin

  • Xaydaanka loo soo hoydiyo xaasil nabad kuu ah

  • Xurmo darisku uu kuu hayoo lagu xushmaynaayo

  • Xagla dabacsigiyo dheesha iyo gole ku xaashxaashka

  • Xubbigiyo hilowgiyo niyada cid uga xiisoodka

  • Naf waliba xaq waw leedahee maad xushbadisaane

  • Mindi xiimaysaad nagu jartaan xawl mariidyada e

  • Shan baan xalayto dad u loogay baad ku xaragootaane

  • Intaad waxar xidhaan baad dhantaan xoorka hooyadiise

  • Shiniduna xalwaday kaydsataad duhur ka xoogtaane

  • Ludda iyo laftaad ka xuntihiin ubadka Xaawooye

  • Madigii xaftii iyo xigtii iyo doobi ku xarraantay

  • Markay xayn idiin kariso iyo xaasa iyo maato

  • Xagaagay gudhaa baad qashaan kama xishootaane

  • Xadka damaca binu-aadamuhu waa xabaalaha e

  • Idinkaa dhulkii xaalufshayo xaaqay kaymihiiye

  • Ma xajkii markuu gbay caleen yuu xayuubsadaye??

Asgarigu hadalkaa kama garaabinee intuu lug iyo gacan taagay ayuu orgigii Hiiraan qaydin la dhacay geesna ka jabiyey.  Orgigii Hiiraan oo dhiig ka da'ayo ayaa waxaa la hadlay orgi Adhi-Carbeed ah oo Reer Xamar Weyne ah oo ka mid ah xoolihii xerada ku jiray.  Wuxuu yidhi orgigii Xamar Weyne ee Adhi-Carbeedka ahaa:

  • In kastoo xujada oo cad iyo xaajo togan sheegto

  • Haddii aadan xantoobinoo amaan xaynka uga buuxin

  • Doodaba ul buu ku xidhayaa xoog ninkii lihiye

  • Dhaqsuu uga xanaaqaa gujada xaakim taliyaaye

  • Haddii aadan xadhigii Ilaah kiisa uga xeeban

  • Xikmaddaan dhankisa u qulqulin wuu ka xadantoone

  • Xoodaamo lagu maalyey tod xoora doobiga e

  • Gogaa loo xoqaa toojadoo lagu xadaa weele

  • Dadkuna xoolo kama ay fogee ways xunbulayaane

  • Xaqiiqada ku hadalkeedu waa badawda xaalkeede

  • Xagayaga anagu been maldahan yaanu xaradhnaaye

  • Xaaraanta yaa la huwiyaa midab xalaaleede

  • Xirib leexsan baad heli kartiyo sir iyo xeegaane

  • Xabsi nagama furan jaa'ifana gees dhan lagu xaadhye

  • Ka xaaxaabi waxa kaa tif lihi waa xinjiro dhiige

Orgigii Hiiraan ayaa u jawaabay oo ku yidhi orgigii Xamar Weyne ee Adhi Carbeedka ahaa:

  • Teer iyo xilligii aadamee la xuso taariikhda

  • Adduunyadu xaraabay ahayd xawda la is jaro e

  • Xasad iyo dhacbaa yiilay iyo xiisad iyo maage

  • Xaqa iyo sharcigu waa wixii xoogu kuu taro e

  • Hubkaagoo xanuun lihiyo nimaan xanafi kaa reebin

  • Xaamiinta kuma joogsadiyo qawl xadiis yidhiye

  • Dadku xaajo saahid ah warkii may xutubiyaane

  • Xiska uma dajaan waanadii aw xabeebsadaye

  • Xabaddiyowaxaa gala warmuhu xarafkay yeedhshaane

  • Haddii aadan sidaydaa xadgudub uga xajiimoonin

  • Haddii aadan xadhaadh iyo marayn xolodyo qiiqaaya

  • Fulow xabadka daadihi waqaa hoos ayaad xigiye

Arintii oo halkaa maraysa ayaa xeradii waxaa soo duleed maray nin la yidhaahdo Maxamed Diiriye Hiraabe oo ka mid ah ragga Muqdisho ugu xoogga weyn, ugu muruqyada waa weyn, ee ugu laxaadka balaadhan, ahna nin markiisii hore kusoo koray oo kusoo barbaaray gobolka Mudug.  Intuu kusoo leexday xeradii oo albaabkii weynaa gilgilay ayuu wuxuu damcay intuu albaabka xoog ku jabiyo inuu xoolaha xerada ka fasaxo iska sii daayo.  Wuxuu yidhi waa maxay xoolaha kan bacadka iyo cirriida ku lee'day, miyaanay rag iyo Muslim lahayn.  Ninkii xerada lagu aaminay ee mas'uulka ka ahaa oo la yidhaahdo Macow Muunye Macallow ayaa Hiraabe la hadlay oo ku yidhi:

  • Ma aha xoogu saad mooday iyo muruqyo waa weyne

  • Macnayaal ka culus baa la dagay waadse moog tahaye

  • Rag badani margoogiyo qanjaha meel ku tagi waaye

  • Mudug faaladaad la timidiyo maluhu waa beene

  • Muran iyo waxaad la ordaysaa maan harraad gubaye

  • Wax mariiqa kaa soloy dabkii milicda weeyaane

  • Maqiiqnaanta sida yeyda howd moodyey aadmiguye

  • Waa heer dugaagnimo ka mid ah oo la soo maraye

  • Habka madaninimadaa la dagay oo ka mudan kaase

  • Magaaladu sharcay leedihiyo maadayaal qorane

  • Mazda iyo Fiat iyo waxaa lalaya Maarsheedis

  • Qorshaa loo maraayee wadadu way murgi lahayde

  • Adna way mutuxaysaa siddii dogobka maygaage

  • Hab-maamuuska maankiyo indhaha yaad ka mudaysaaye

  • Adigoo maluug laacayaa maankii kaa dhacaye

  • Qawaaniin haddaan miigan oon moosa lagu dayrin

  • Xamar-Weyne waad madhin lahayd maalin galinkeede

  • Muqdishaba magaa baad ka dhigan maraq sidiidiiye

  • MArgan maysid buuriyo adoo liqay masaamiire

  • Malmalaando kaagama duwana maacii dhagaxeede

  • Awrkii cirkee niman milgaad meeyay leedahaye

  • Maqaadiir bulxamaysaad tihiyo, sahankii ma'juude

  • Meeshaad istaagtaba habaas yaad, melmelaysaaye

  • Masjidkuna amaan kaama helo maalin Rabdaane

  • Mushtakay naftaadiyo huguba, kaa mudacayaane

  • Moogaabad timidee xerada,hayska maamulan e

  • Anigaa tan maareeya ee, meheradaa raadso

Arintaa Hiraabe wuxuu u qaatay Macow Muunye Macllow inuusan shaqsi ahaan hadalkaa isaga ula jeedinee, uu Reer Mudug ahaan u maagayo oo uu eeda u jeedinayo dabeecadda Reer Mudug oo dhan.  Markaa isaguna taa mid ka dhigan oo uu Gibil Cad oo dhan u jeedinayo iyo ninkii diir guduudan oo dhan ayuu ugu jawaabay oo wuxuu yidhi:

  • Mindi xaasidnimo oo guntiga, meel ah lagu haysto

  • Miskiin iyo qofkii tabar yaroo, la makalo seedda

  • Maal iyo ciddii darajo loo, loo masaxo jaanta

  • Murti oday leh madax caadiliyo, mudane waayeel ah

  • Dugsi macallin 'Miinsaad' ardada ugu madiixaaya

  • Marwo daris ah gabadh aad mulaax, moodo edebteeda

  • Maansooyin heesaa tirshoo, golaha maaweesha

  • Mufti caalim sheekh madad lehiyo, wali maqaan gaadhay

  • Intaas oo midnaba milgiyo, muxubo loo haynin

  • Manafacaaga oo kaliya oo, laga muraad yeesho

  • Qof miciin kusoo biday inaan, midigta loo taagin

  • Marti lagaga seexdiyo guryaha, maganta loo diido

  • Sako maanac suus iyo madaal, lagu masuugaayo

  • Madal laga gabado oo wajiga, moqolas loo leexsho

  • Xanta oo masruuf laga dhigtiyo malab la leefaayo

  • Carabkoo macaan oyo qalbigoo, milil higoonaaya

  • Muslim layska dhigo daahirkiyo, muumino sooca

  • Masas uurka daqiyo niyada, malawyo kuu jiifa

  • Masalooyinkaan tiriyey een, miinka ka higaadshay

  • Magaanyahow hidday kuu yihiin, minanka kuu yaale

  • Liisha maydhaxda Adaahilaan, kugu masaalaaye??

  • Muska guriga kugu dhaw adaa, mira habaynkiiye

  • Midaan kaa filayn iyo adaa gaada, kii maqane 

  • Ruuxaad is mudateen samiyo, macaaruf kaa waaye

  • Waryaa Macow madow iyo boggaad, maar ku leedahaye

  • Mawlaha ciddii ka hesha kheyr, yaad ka murugoone

  • In munaafaq aad tahay ayaan, marag u haystaaye

  • Iyadoo miska diirantoo, mud iyo naas beeshay

  • Iyadoo dushiyo maydhaqyada, maali kaga taalo

  • Muqdishadaba anigaa ka dhigay, madida toolmoone

  • Anigaa ku meershayoo sharcga, moosay deyrka ahe

  • Anigaa miscilisheeda kore, mariyey ood dheere

  • Mudan lama ordaaye ee, gadhwade maahiraan ahaye

  • Taariikhda maan gudhanayahow, wayska moogtahaye

  • Mansab kuutinaysaa tihiyo, miciyo dhaadheere

  • Meeshaad istaagtaba waxaad, miiqaysaa dabine

  • Mar unbaa milaad cadho kusoo, milicsan doonaaye

  • Margiyada siloon iyo lafaha yaan, madh kuu qabane

  • Maatada jaq teer iyo Rajalo, kaa mashquulsaniye

Ninkii Macow Muunye Macalow ayaa ku noqday hadalkii oo jawaabtan bixiyey.  Wuxuu yidhi:

  • Masartii Faraacinada ee reebtay, mahadhooyin

  • Giriigii muftaaxyada caqliga, Maalig solansiiyey

  • Rome tii majara dawladeed, noqotay maahmaahda

  • Mahwigaa ah Chine iyo Hindiga, kuman macbuud yeeshay

  • Degallada muluuktii Ciraaq, Mawsil iyo Baabil

  • Badda Midhantareeniga kuwii, mawjadaha leylyey

  • Muqdishiyo Baraawiyo Markadii, waayo midabaysay

  • Mareeg iyo Warsheekh iyo Hobyiyo, muhimka Baargaala

  • Xidi maalka mukulaad u kici, miaraya laabtiisa??

  • Makhaayada Laas Qoray kuwaa, muhindisoonaaya

  • Maraakiibta Norway kuwaa, malaha dhaafsiiya

  • Intii Maydh kulaalaysa iyo, maakhir iyo Saylac

  • Malka Herer Misrada Bay ku taal, moosinka Af-Gooye

  • Magaalnimo gabowdayba dadkii, murudahay reebtay

  • Waa wada munaafaqee, maxaad aniga ii maagi?

  • Miisaan dantii loo hagaa, way mudh baxaysaaye

  • Ismalaa kadeed baa jigraar, lagaga maarmaaye

  • Miyirkiyo hubsiimada miyaad, magane haaraami

  • Cabdi Naasir maantii Caqaba, madal huf waagiiye

  • Hitler Moosko goortuu damcuu, miino tiigsadaye

  • Miyaad laga macaashaa durduro, saw murkucan maysid

Hiraabe oo aad uga xumaaday soo qaadka raggaas iyo habka Macow usoo qaaday isagoo isagu habka nimankaas u yaqaana habka ragganimada iyo geesinimada iyo meelmarka, diidanna habka Macow isku ammaanayo oo ah qunyar socodnimada iyo is dhawrka.  Intuu cadho is la dhuftay Hiraabe oo is maroojiyey oo dhaqaaqay ayuu Macow hadalkan dib ugu soo tuuray.  Wuxuu yidhi:

  • Geesigii magligu heero baa, eed la mariyaaye

  • Muudalkii wakhtiga haysta, yaa loo mashxaradaaye

  • Runta lama maroojo ee ka tagay, waxaad magoogaysid

Wuu iska dhaqaaqay isagoo diidan Macow muran dambe inuu dhexmaro, isagoo madaxa sii gilgilaya ayuu dhaqaaqay.

 

Orgigii Hiiraan ayaa xoolihii kale shir u qabtay oo usoo jeediyay inay dawlad samaystaan iyo maamul si ay danahooda uaga faramaroojistaan Banu-Aadamka madaxbanaanina ay u gaadhaan.  Wuxuu yidhi oo shirkii uga soo jeediyey xoolihii:

  • Macow iyo Hiraabaha is nacay, ha u maqsuudina e

  • Mabda' lama cunee waxaa qarsoon, sir ay maleegeene

  • Maqaarkeena yaa laysku dili, way maldahayaane

  • Maaniyo bariba noole ways, wada malgaayaaye

  • Muriqiyo adduunyada sharcigu, micida weeyaane

  • Malaygaba malaygaa u cunta ah, moolka gudihiisa

  • Milaygii la uumay iyo haddeer, ways marginayeene

  • Mohasho isku diraysaa dabciga, loogu soo milaye

  • Hubkana qaarba doociyo minjaha, meedin loogaliye??

  • Malaayiin asbaabood ayaa, mawd u dilayaaye

  • Muga aradka yey dhaafin baa,maadh u dumayaaye

  • Waxa maylimada loogu tumay, haysku madhiyeene

  • Mooradu ma qaadeen haddan, meersin jananayne

  • Waxaa maqalno sheekooyin, waa loolan midhihiise

  • Xataa muusikuna waa dagaal, hab ay mastuureene

  •  Hadba goobta qaar baa mulkiya, xoog musaacido e

  • Danbay ugu midiidini nafluhu, kii muquunsada e

  • Oo ay muhiibsiin sadkiyo magacyo waaweyne

  • Mur khadhaadh ah bay noqon, ciddaan laga maagayne

  • Mayal laysu geeyiyo ciddaan, muujin cududeeda

  • Mintid soo haliiliyo dugaag, yaa ku mayracane

  • Minsilaado cadowgaa haddaan, meeris kuu tolo e

  • Waa la maakubtaa qolo ku dheer, muuno iyo qaabe

  • Madax talisa aan dooraniyo, maamul iyo dawlad

Xoolihii arintaa waa u wada guuxeen.  Hal baa booday oo waxay tidhi:

  • War muwaafaquu soo bandhigay, geeso maydhane e

  • Cilmigii ku duugnaa Maxaas, godolladii maalye

  • Mamac iyo wuxuu daaqi jiray, keyn madheedh badane

  • Inagoo gobbaa maydhax lehee, wada maqaawiir ah

  • Inagoon mijilo cawska iyo, murursi doonaynin

  • Inagoo ma gaydo ah dhamaan, murashax yaw taagan

Dameerkii caanka ahaa ayaa booday oo yidhi anaa u taaganee oo murashax ahee ha la ii doorto madaxnimada Dawaladda Xoolaha:  Wuxuu yidhi:

  • Qashinkay cunaan baad waqiin, nagu canaadaane

  • Golihii cuddoon iyo rugtaa, nagala caydhshaaye

  • Waxaad nagu cisaarteen gar aan, caalin la hor gayne

  • Ciil laba kun oo sano jiraa, coobadda u tubane

  • Igu ciririq weeyaane warkuba, caws sidaan liqaye

  • Cimilada i hurudaa bishimuhu, ila cabeebeene

  • Naf cadaadis daashaday mar baa, caajis koroyaaye

  • Cashigii na riiqaanu nahay, wada cayuunkaase    

  • Waadna na candadawsheen idaad, noo casilayseena

  • Cagta waligay aan kugu hayana, caalamkuba diidye

  • Cuur wada dagani waa inay, nabad ku ceesaane

  • Is caaqibayntii dulmiga, yaan codsanaynaaye

  • Dameer curad ah baan ahay, waxbaa la citibaarshaaye

  • Cadowgana anaa u gu badshiyo, camal falaadkiise

  • I caleemo saaro aniga, calanka ii dhiibta

Faras ku jiray xerada ayaa is hortaagay.  Wuxuu yidhi dameerku waa ciil ku nool, ciil mu noolna madax lagama dhigto oo cadli lagama helo.  Waqtigiisa wuxuu ku dhamaynayaa aargudasho iyo eedo dib u raac.  Wuxu yidhi:

  • Cadli lagama helo ruuc hadduu, ciil gunaad qabo e

  • Cawo nool wuxuu hibanayaa, caad wixii dhacaye

  • Ciddiduu qaniiino fartuu, cuni habaynkiiye

  • Cilinkiisa lagama saaro iyo, caynk auu rabo e

  • Waxbuu cululubtaa goor walboo, way cubudhiyaaye

  • Ma cadeeyo dawgoo  gartana, wuu cuyubayaaye

  • Yaan cuurna rayraynin buu, ceel u qodayaaye

  • Caawimo ma gaystoo waqii, wuu colaatamiye

  • Cirku inuusan di'in buu rajayn, cawsna soo bixine

  • Cilladay dameeruhu qabaan, caafimaad ma lehe

  • Caymo lagama helayoo naftaa, caabuq kaga yaale

  • Cidhiidhay adduunyada ku galin, nimay ku ciiraane

  • Ceesaamihiyo qaalmahaa, cuun lasoo tubuye

  • Cisalkay ku aargudanayaan, cawro waa iyaga e

  • Cilmigay kusoo koobayaan, caadh la looshado e

  • Cir-Guduud walbaba naylahay, cuganayaan qaare

  • Waxaan cararin murugaa ku dili, caacda waylaha e

  • Duqihiina ma cisaynayaan, caan ahaan jiraye

  • Way caarcaarinaayaan hiddaha, ooy calwinayaane

  • Calcalyada xareedda ah ayey, ciid ku darayaane

  • Caraq bay niyeerada ka dhigi, uunku ka cabbaane 

  • Casar baa lasoo shirinayaa, cuudka oo idile

  • Codka qaylka wada yeesha, baa loo carbinayaaye

  • Bar callaamadaa lagaga dhigi, cududda hoosteede

  • Hab cusayb ah yaa lagu dirqiyi, caana-nuugyada e

  • Idinkoo cankiyo booca iyo, cunaha soo dhiibshay

  • Hooyadaa kasoo gala cidhbaha, yey calimayaane

  • Ciddaan midabka bey noqon, ul baa loo camirayaaye

  • Caddaankiyo waxaa mudan ciqaab, cawlkii liidyo lehe

  • Waxaa loo cuskanayaa dunuub aan, cafis lahayne

  • Maxaad calas u noqotaa fardaha, loo cadibayaaye

  • Lo'da dhiincaskiyo boodhku, way calaf dhadhaayaane

  • Ridii caar leh coomaadahaa, lagu cashaysiine

  • Geela dabada celi baa la odhan, caada lulidaase

  • Caleen laalka iyo doobta iyo, caasha kor u taagu

  • Calaamooyin kibir weeye, baa loo cabirayaaye

  • Magacyada Asliyo Ceebla iyo, Caagan way tiriye  

  • Carwo iyo Koraaad iyo Gobaad, way ka cadanyoone

  • Canbar iyo Hiddiyo Saafi, way ka cartamaayaane

  • Horor wada camaajiir leh bay, ciidansanayaane

  • Calagyaa na wada diiran iyo, coon hiraanhiriye

  • Cunsuryaha haraaryoonayaan, ka cajabaynaaye

  • Cayayaaan ayaa inagu degi, caaryaloo badane

  • Camadh iyo kudkude looliman, yeyna caga goyne

  • Cadho golas ah iyo yeynu noqon, dulub la' caal waaye

  • Caleeg qaadi maynoo balaa, caynta noo galiye

  • Kuwa aan ka cararayno baan, ciirsi soo bidiye

  • Dameerkaa canbaarta leh, waryaan calanka loo dhiibin

Dameeraha fardaha iyo baqluhu xagga abuurta iyo aragga waa kuwa qaraabada ah oo ilma-adeerta ah,  Dameerkii baa isagoo ka xun is hortaaga farasku ku sameeyay, wuxuu yidhi:

  • Nin qaraabadii casiyoo gole, ku ceebeeyay

  • Cuqubaa u dihin oo nabsaa, ceejo soo ridiye

  • Isagoo intu cilil ku dumay, caato ah buu imane

  • Cashadaa ayuu qiran wuxuu, caamo ka ahaaye

  • Caqli-yare hadhkiisuu u bogaa, ways cajabiyaaye

  • Danbaad ugu calool fuuriyee, calalsho jiidhkayga

Faraskii ayaa intuu qoorta iyo qanaanta taagay oo dameerkii il-qoodhka ka eegay, wuxuu yidhi:

  • Cuqdad iyi wixii tuhumad qaba, looma caal helo e

  • In colaatan loo wada hayoo, ku cindiyoodaaye

  • Ciyoon buu dudaayoo dhaqasaba, waa wax cadho dhawe

  • Iyadoon ciddiba daarinbuu, ciq iska siiyaaye

  • Cudurkaaga raagaa qalbiga, caalidh kugu reebye

  • Muxuu cay dameer igaga dhimi, wayska ciyaaye

Faraskii laftiisii ayaa isu soo rashaxay madaxnimadii Dawladda Xoolaha. Wuxuu yidhi:

  • Dawliil fandheer iyo hanaan, fiican baan ahaye

  • Sida faraqa Yucubkee lushiyo, fay baxaan ahaye

  • Foolaad adduunyiyo, jinkaa foodda laan ahaye

  • Firfircoonidaydana dabayl, foos ah la i moodye

  • Fidhadiyo daryaankayga yey, fiintu ka cidaaye

  • Gurdankayga fule baydada ah, ii fadhiyi waaye

  • Goob fariido lagu laayey baan, foore kiciyaaye

  • Meel qanaanta aan foorarshuu, foogan yahay baase

  • Marka baladu ay ila faqdaan, fiidkii dananaaye

  • Waxaan qoob u feydaa diyaar, feejig baan ahaye

  • Sida Farowga waxa aan qabtaa, gaadh dareen fudude

  • Waxa fiiqay dhagahayga, waa dhilladaan filiye

  • Fatuuradii shalay weeye iyo, faanjan iyo Miige

  • Taariikhdii faaftaba anaa, furay albaabkeede

  • Teeriyo filkii dunida yaan, falag u yeelaaye??

  • Waxba yaanan fogaaninoo ku tagin, faaladaa badane

  • Markaan dib isu fiirshaba qalbigu, way fatahayaaye

  • Taladiina waan ku fillahee, faraha ii saara

 F.G. Magacyada ajnabigi ah inaan soo wada qorno ayaan isku dayi doonaa

 

Eeg bogga IIIaad

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.