Home

Baxnaano

                                                                                   Maxamuud Cali Beenaleey

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Ilma Samatar (Maalinguur) iyo ilma Warfaa (Reer Warfaa) oo Reer Cabdille, Ogaadeen ah, ayaa waxaa ka dhexeeyey loolan ku saabsan xagga curadnimada, ugaasnimada, laandheeranimada iyo gobanimada.  Waxaa la sheegaa in loolankaasi billowday aabahood Xirsi oo nool, dabadeed wuxuu yeeshay waji suugaaneed markii dad xidid ahaa ay yarad, dhibaad iyo martigalin ku kala eedsheegteen gabayana isugu tiriyeen.  Gabayadaasi waxay ka tallaabeen xididkii wax kala tirsanayey, waxaana laysula gudbay loolankii dhabta ahaa ee Warfaa iyo Samatar.  Suugaantan baaxadda weyn yeelatay ee ka billaabatay guurkii Canbaro Dheel waxaa qaybtii hore iyo qaybtii dhexeba weerar cuslaa Maalinguur.    

 

Mar dambe, Reer Warfaa waxay maleegeen shirqool laba abwaan oo ruug caddaa ahaa inan-layaalna u ahaa ay Maalinguur kaga horgaynayaan. Labadaa gabayaa waxay kala ahaayeen Maxamuud Cali Beenaleey iyo Cali-dhuux Aadan Goroyo.  Reer Warfaa waxay ku hormareen Cali-dhuux oo waxay u direen niman seeddiyaddii ah waxayna ku yidhaahdeen waxaa Reer Cabdille noo soo kaa faray: “waxaan ku go’naa Calidhuux ee ha kala caddeeyo Reer Warfaa iyo Maalinguur midka gobsan” Cali-dhuux shirqoolkii Reer Warfaa ma fahmin, godkii ay u saynsaabeen ayuuna dalaq ku yidhi, wuxuuna soo faray gabay ay ka mid ahaayeen meerisyadan hoose:

 

            Xawadayda kuma iibin karo, maraggii xeeleede

            Midna ima xigoo labadan qolo, waan xaq simayaaye

            Allaylehe waxaa ila xadhaadh, sida xiniintay ah

            Ninka xididkii oo soo martiyay, xeedho la cuslaatay

            ---

            Xaashaa lillee Reer Warfaa, kaa xarrago roone

 

Maaliguur uma jawaabin Cali-dhuux, waxaana lala wada yaabay laba jilib oo laf hoose, Reer Ugaas Xirsi, isku ah waxa soo dhex galiyay.

 

Abwaanka labaad oo ahaa Maxamud Cali waa lagu kari waayey dhawr jeer oo laysku dayay in madaxa loo galiyo Maalinguur.  Markii ay ka samreen Ina Cali Beenaleey ayey Reer Warfaa dabin kii hore ka khatarsan  dhigeen.  Nin Gaani Madoobe la odhan jiray oo Reer Dalal ahaa ayaa tiriyey gabay masabid ah oo uu ka dhigay wax Maalinguur tiriyey isagoo ujeedkiisu yahay inuu Maxamuud Cali gabaygaa qoonsado weerarna ku qaado Maalinguur.  Gaani gabaygiisa waxaa ka mid ahaa: 

 

            Inta Bari degtiyo Reer Warfaa, ha is bahaysteene

            Ballan qabaha Doolaal Jiciir, haysku biirsheene

            Bar hadduu u tari Muumin Cali, haysku badiyeene

 

Dadka qaarbaa meeriska u dambeeya u wariyey: "bar hadduu u tari Beenaleey, hasyku badiyeene"

 

Si kastaba ha ahaatee, gabaygaa ayaa Maxamud Cali gaadhay horayna wuxuu ula socday shirqoolladii kale ee Reer Warfaa ay Maalinguur ugu col sameeyeen.  Wuxuu qaadan waayey in Maalinguur wixii Bari dega oo Maxamud Cali ku jiro ay wada gaadhaan!  Wuxuu sidoo kale qaadan waayey in Maalinguur aagga isku ballaadhiyo oo ay gabayga kusoo jiidaan rag uu isagu ka mid yahay oo gabay loo qiray, sheekadanse aan lug ku lahayn.  Shakiba ha galo, laakiin Maxamuud ma hubin cidda gabayga tirisay, inan-la-yaalna wuu yahay, wuxuuna iska dhawrayaa isagoon hubsan inuu Maalinguur gabay u mariyo.  Haddaba wuxuu tiriyey gabay qaali ah oo la baxay Baxnaano.  Waa gabay afeef iyo goodi miidhan ah, wuxuuna yidhi:    

 

            Gabaygaan buruudka u lahaa, waan ka baalidaye

            Ma billaabin meeshiyo intay, baladu oognayde

            Kolkii dunida baasuhu galaan, baafiskii dhigaye

 

            Nin bandiiradii tiiriyeyoo, beylahshaan ahaye

            Barmiiseeye[1] maansada raggii, baasha hayn jiraye

            Xalaybaa basada la ii akhriyey, goor habayn badh ehe  

            Aan boosteeyo caawaan hayaa, burunjidiisiiye[2].

            Bullaxaar magaalada Barbara, Buulyar iyo Awdal

            Beerihii Shabeeliyo Busliyo, webiga baaciisa 

            Burco iyo Baargaal Hobyiyo, badaha liilkooda

            Balad Weyne Baydhabiyo Xamar, Baydisle[3] iyo Koonfur

            Bilaad Sheekh Xuseen iyo arlada, bilaha loo jeedo 

            Boholaha Hawaasiyo illaa, badhaha Nayroobi

            Barrin Carabka beydkiyo Kabcada, lagu bishaaraysto

            Basriyo Xudaydiyo Sanciyo, Cadan bataaxeeda 

            Baallaha intaa naga jirtee, bada Islaameeda

            Dadka badani waa ii ogyahay, baabka maansada e

            Badweyn iyo anaa lay yaqaan, bilicdii geeraare

 

            Billaadada wax laga naadiyaa, beydadkaan dhigaye

            Bukuluu ninkii ii yidhaa yaan, baddaan galine

            Sidii Buluk Talyaani oo xarbiyey oo Xabashi baandheeyey

            Burmadiyo siddii miinadaan, wax u baduugaaye

            Bastooladaha meeshaan ku rido, laga banjoogowye

            Bukurow facay lama tartamin, amase bayd-gaabe 

            Nin aan meel ka wada beeranahay, baaquliyo caydi

            Iyo aniga baandhaha tol waa, layga badiyaaye

            Umana baran bahdeey iyo in aan, bi'iyo Daaroode

            Shisheeyaha kolkaan baratano, yaan anigu beyshaaye

 

            Gaaniga balaayada dhigayee, huriyey baaruuda

            Iyo buugaguu Maxamed Cumar, badiyey kiiskooda

            Barri waxaa la weydiin ninkii, bowlahaa furaye

 

            Basarxumo inuu Reer Warfaa, budulka qaadsiiyey

            Iyo inay bacdii Maalinguur, baanisanhan keentey

            Oo ani intii Bari fadhiday, la igu laan buubshay

            Beentiyo runtuba waadhow bay, kala baxaayaane

            Aan baxnaansho xaajada halkii, badhida loo saaro

 

            Sida Baalidii dumarka ee, baqarta maalaysey

            Ee caanihii uga bateen, baq iyo faarowga

            Ee boqorka aaddan u tagtee, baabada u sheegey

            Ee yidhi lo´dii kala badh oo, baal u kala qaabi

            Ee inuu barooduhu fidnayn, Baafiyuhu sheegay

            Dabadeed billaawaha afka leh, baydda lagu gooyay

            Ee kureygu buraduu jeclaa, looga soo bixiyey

            Ee baabadhuuryadu dabkii, beerka kala boodey

            Ee dhuxusha baal kaga nabnayd, baqalyadii qaaday

            Ee baladka weyn ee camiran, saartay badhihiisa

            Dabadeed bandarigii gubteen, beesad laga qaadin

            Armuu gabaygu baabkaa noqdaa, dunida baaweeya

 

            Sumalkii barriga daaqayee, cunayey baadkiisa

            Ee wiil badraan ihi wankii, badhida weyn taabtay

            Ee kii lahaa ee ba'naa, beerka kala gooyey

            Dabadeedna laysugu baxee, boqol ku ruux weyday

            Armuu gabaygu baabkaa noqdaa, dunida baaweeya[4]

 

            Barkad iyo naagtii Bah Ararsame, eeday bilicdeeda

            Ee badhaladii[5] dirirtay iyo, baarcadii lee'atay

            Tafadhiig dabeed loo baxshee, beelihii rogatay

            Armuu gabaygu baabkaa noqdaa, dunida baaweeya

 

            Nirigii baloobayee cadhadu, dhinaca boogaysay

            Ee baatirtuu nuugi jiray, baasihii galiyey

            Dabadeedna geelii badnaa, wada balaayeeyey

            Armuu gabaygu baabkaa noqdaa, dunida baaweeya

 

            Midgihii bakhtiga jiitayee, baydhay sabankii xun

            Ee in ay bidciyo ceeb faleen, buugga lagu jiiday

            Ee siday dadkii uga baxeen, loo badalin haybka

            Armuu gabaygu baabkaa noqdaa, dunida baaweeya

 

            Bahdii iyo xigaaliyo ninkii, baradii weydaarta

            Bilo saad ku qaybiyo hadduu, baad la tagi waayo

            Ama wuu bakhtiyi amase waa, loo buraanburiye

            Saw inii barwadan[6] loo akhriyo, buugga kuma taalo?

 

            Marti balashi loo daadiyaa, waa bakhtiyo duufe

            Buuri iyo sunbaa lagu daroo, layska bi'i soore

            Balaayaa dhacdaye yaa haddaba, beel u hoyan doona!

 

 

Danjire Cabdullaahi Xasan, Maxamed-rashiid Sheekh Cabdullaahi iyo Deeq Sayid Kaariye ayaan ka saxay.

 

Maalinguur iyo Reer Warfaa gabayo badan oo kala daran ayey isu mariyeen, sheekaduna way fogaatay.  Waxa ilaa iyo haatan naga soo gaadhay waa tixo teelteel ah iyo meerisyo halqabsi ahaan loo soo qaato oo kaliya.  Waxaa la odhan karaa gabaygan iyo midka Maxamed Cumar Dage  http://www.doollo.com/mainpage/boggasuugaanta/dage/suurogooniah.htm ayaa ah kuwa kaliya ee inay dhammaystiran yihiin u eg.    Wixii aad ka hayso noo soo gudbi.


 


[1] Barmiseeye waa eray af Talyaani ah oo u qorma Permesso laakiin gabayaagu uu Soomaalyeeyey.  Wuxuu ujeedaa fasaxe ama farahay ka qaadeen raggii maansada lagu yaqaan

[2] Burunji waa jiidh, wuxuu ujeedaa caawa ayaan hayaa xooggiisii

[3] Baydisle Saransoor tol tolalka Soomaaliyeed ka mid ah.  Waxay wada dhasheen Dagoodiga

[4] Qisadani waxay ka dhacday Ciidagale, Isaaq ah dhexdii.  Rag badan baa ku go’ay sida gabayaaguba sheegay.  Maalintii u horraysay kaliya waxaa qudhbeeshay 24 nin.

[5] Badhal; waa eray asalkiisu Af-carabi yahay oo la macne ah geesi.

[6] Barwaan waa xaashi

  

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.