Home

Ceelis Kaalaya

                                                                             Maxamuud Cali Beenaley

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Maxamuud iyo qoyska uu ka dhashay waxay ku noolaan jireen deegaanka Ciiddeed oo baro iyo bayd ba ku lahaayeen. Maxamuud wuxuu u socdaalay deegaanka Ceeliseed oo uu asal ahaan ka soo jeeday qoyskoodu, ka dibna go'aansaday inuusan dib ugu noqonin Ciid ee Ceelis daganaado. 

Maxamuud waxaa la qumanaatay inuu tolkii soo raro asagoo adeegsanaya murtida Illaahay haybada u siiyay iyo af maalnimadiisa, dabadeed wuxuu dawga qabadsiiyey gabaygan "Ceelis Kaalay" oo uu tolkii ku hoga tusaalaynayo muhiimadda ay leedahay la noolaanshaha xigaalka iyo ma huraannimada dhulka aad leedahay. Wuxuuna yidhi: 

  • Waxaad Reer Canbaar iyo tidhaah, nimanka ciid yaala
  • Ceesaan riyaad ihi haday, cido qalaad raacdo
  • Caws kaaga daaq lagama helo, kaniba waa cuud e
  • Waxay caafimaaddaa markay, la cabto keediiye
  • Idinkoo carooggiyo garida, cadho afuufaaya
  • Oo waliba ceeryaamo kicin, ceelis kaalaya dheh

Gabaygan oo badnaa intaas baan ka haynaa ee fadlan noo soo dir hadaad wax ka hayso ama soo raadi. 

Mar Maxamuud oo degaan kale jooga aadna u buuxa mood iyo noolba niman ku yihdaahdeen maxaad ka doonausaa reer tolkaa oo kaa maqan.  Wax Alla wixii aad tabtaba halkan ayaad ka helaysaa ee Maxamuud iska joog ayuu gabay igu jawaabay.  Gabaygaa oo aad u xikmad badnaa waxaan ka haynaa: 

  • Dhalinyaradii Reer Muumin Cali, maandhaw heli mayo
  • Maxamuud Calowdii badnayd, maandhaw heli mayo
  • Ina adeer na maaweelidii, maandhaw helimaayo
  
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.