Kaa Waayey (1935)

                                                              Maxamuud Cali Beenaley

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Haweeney u dhaxday Maxamuud oo uu xilliga uu gabay tirinayo dhaliilsanaa asii ubad badan u dhashay ayuu gabaygan u tiriyey.  Waano, canaan, caqli celin, cagajuglayn iyo ujeedooyin badan oo isku jira ayuu ka leeyahay. Wuxuu yidhi:

  • Naagyahay wadnaha kuuma galin, waanadii hore ee
  • Weedhaan qalbiga kuugu riday, walafku kaa qaadyee
  • Wacdigaan ku faray waadigaan, wagare xaalayne
 
  • Hadaan Weyne kaa qaban asaan, Waaxid kaa celinin
  • Walaaliinta ubadkaaga waa, lagala weecdaayee
  • Kaa waayay wiilkaaga ood, sidato waa noole
 
  • Waayeel cirro leh weedh xun waa, lagala wabtaayee
  • Kaa waayay inaad waalidkay, wax u lilaysaaye elaysaaye
 
  • Wehel culimo kama maarmi karo, aniga oo weyne
  • Kaa waayay waysada inaad, wali u qaadaaye
 
  • Dhalinyaro walaanshay hadaan, waabka soo galiyo
  • Kaa waayay meel wacan inaad, wagac u siisaaye
 
  • Xigta Weehad laga soo lisiyo, Waris dhanaankeeda
  • Kaa waayay weel culan inaad, wax igu siisaayee
 
  • Usgagaa wadara oogadaan, lala wildhaamayne
  • Wajigaa la maydhaa markay, waabarkii tahayee
  • Ma widh-widho jidhkaan lagu wadayn, weelka dhaashiga e
  • Kaa waayay weligay inaan, waana kuu bogo ee ...

Ma dhanna, haddii aad hayso inta maqan noosoo gudbi fadlan.  Waxaa ku deeqay Faysal Cabdullaahi.  Mahadsanid Faysal.

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.