Home

Cabbeeye Ismaaciil Axmed Shabeel

                                                                                   Boqorka Geela

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Gabaygan dadka qaarbaa aaminsan inuu tiriyey Xarbi Ismaaciil uuna ka tiriyey dagaalkii Dhurwaale ee Ciidagale iyo Reer Isaaq dhexmaray.  Inta aan cid si hufan noogu kala cadaysa ka helayno waxaan u daynaynaa boggan Cabbeeye.  Haddii aad og tahay cid taariikhdiisii oo tifaftirin la weydiiyo nala soo socodsii:

1.      Bilic quruxsanleeyey iyadoo, boodh ku dhaashiyatay

2.   Baar coodanleeyey markay, bari u sii jeedday

3.   Ee Baarqabkeedii nirgaha, badan kaxeynaayey

4.   Barbar socodka laafyaha markuu, kor ula boodaayey

5.   Boqorkeeda weeye kolkay, bogga ku meereysay

6.   Ees dhibida baarkiyo miskaha, bay isaga yeelay

7.   Ees micida sida baaldi jabay, balaw ka siinaayey

8.   Bishimaha hortoodiyo afkuu, buladku laallaado

9.   Dhegta baarrinteediyo tawaad, labada baal qoysey

10.  Boggoo xoodmay bay soo, baxdaa burunjidiisiiye

 

11.  Waa boqorka geelee markuu, bulad shixaamaayey

12.  Bishimaha kolkuu qawladda, buladku duulaayey

13.  Ees doobta sida buunka iyo, ridayey baaruudda

 

14.  Budhudhkeeda dhalay aarankii, boqol la moodaayey

15.  Yaa Baha Wacaysaay kolkay, Yalax ku baaqaysay

16.  Birmadkeeda oo Reer Isaaq, buurri dabajoogo

17.  Oo Baashahoodii watoo, boqol nin dheeradaay

18.  Baashaalba kaama ekeyn, bogga dharaartiiye

 

19.  Alley lehe rag lagu beegsadaad, barigi hayseene

20.  Basar caydhi leedahay nin ogi, kama baqeen geele

21.  Sidii qaylo beel kale ka timid, yaad barbariseene

22.  Ba’ayeeyda naaguhuna saw, idin ma beerqaaddo.  

 

Akhyaarta aaminsan in Xarbi gabaygan tiriyey waxay ku daraan beydad

kale ooy ka mid yihiin:

  • Iyadoo bidhaan quruxsanleey, boodh ku dhaashiyatay

  • Iyadoo badh buu dhalay hayaan, baarqabka iyo foosho

  • Iyadoo badaha Raydablay,bidix ka daaqaysa

  • Barrigay fadhiday reer Amaan, weerar kaga baadhiye

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.