Home

Ardo Macallinkii Jaray

                                                              Cabdi Saahid

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabaygan waxaa tiriyey Abwaan Cabdi Saahid, wuxuuna tiriyey horraantii 1970aadkii.  Waa gabay siyaasad iyo falsafad soocan ah oo uu abwaanku ugu kuurgalay wadciga xilligaa ka jiray Ogaadeenya,   Su'aalo iyo tusaale badan ayuuna tolkii usoo bandhigay.  Haddii aad taariikhdiisa oo dhan hayso nala soo xidhiidh:

 

  • Ustaad Maxamed iyo Weerar iyo, Aarkii Gabay Howle

  • Arnaa’uudkii Maxamed Cali iyo, inankii Maax Dheere

  • Akhyaartii Buraale iyo Qamaan, Aadan iyo Faarax

  • Ina Oday adeerkeen Cali iyo, erayaddii Raage

  • Xarbigii siddii illo biyo leh, uunka wada gaadhay

  • Anigoon awoodii lahayn, odayga Dhoodaan ah

  • Waa laygu aamini karaa, erayadaydiiye

  • Nina haduu abwaan yahay wixii, lagu ogaa sheegye

  • Uumigiyo kulaylkiyo dadkii, oonka yaa galiyey?

  • Waatii ugbaad loo waday ee, yaa abaar mariyey?

  • Waatii iftiin lagu socday iyo, aragti maalmeede

  • Aminkaa madow iyo maxaa, ayda nagu reebay?

  • Yaa beenta aaminay runtana, aad isugu taagay?

  • Yaa abaydinkii seexiyeyoo, igadhkii fiid maalay?

  • Ninkase ugubka geel oo ka maqan, adhiga raad qaaday

  • Ee ololka eyraadna yidhi, waa orgiga laaqin

  • Isagaaba eersiga watiyo, eel hadduu jirro e

  • Arinna ma aha Nebi Adaanbaa, Oogle loo bixin e

  • Ogaadeenya maxaa loo inkiray, sow arlada ma aha?

  • Laa Ilaaha Ila laahu waa, erayga koobaad e

  • Iimaanka diintiyo sharciga, yaa amaah galiyey?

  • Yaa-ayuha-ladiina aamanuu, amarkii loo jeeday

  • Aayaddii qur’aankiyo Al-kahfi, yaa iskaga leexday?

  • Annisadaan aqaanay iyo maxaa, eraygii beeneeyay?

  • Yaasiinkii lama ilaawinee maxaa, sadarkii loo aasay?

  • Al-boqra iyo Idaajaa sideen, looba kala eegin?

  • Iqrana aakhir weeye maxaa, Awalka u geeyay?

  • Aanaanuun maxaa Alif-waxmaleh looga hoos mariyey?

  • Afar sano iyo dheeraad ardadii, looxa dhiganaysay

  • Abjad dhaafi waydaye maxaa, ubadka loo laayey?

  • Urugadan i haysaayi waa, uur ku taalada e

  • Waxaanu geelu ololaa markii, oonku soo karo e

  • Owrkii cayilay iyo siddii, adhiga oo naaxay

  • Iib baaba lagu sii wadaa, wali Ogaadeen e

  • Inagaa is eednaye cid kale, haw aftaagine e

  • Wali aananuun baa hadhay iyo uur walaal guba e

  • Ma og tahay islaantii xun iyo, odayga aan dhaamin

  • Marka reerka adhigiisu lumo, amase awr fooftay

  • Intuu habarta aad ula murmo, oos eed dusha u saaro

  • Awowgeed intuu olol gasho, oos naarta ku afuufo

  • Ka aamusnaatee dagaal, loo indha cadeeye

  • Illamaa aroortuba gasho, oo waagu ka iftiimo

  • Aflagaadadeeda yaa khalqigu, ka ashahaataaye

  • Aagaynu joogniyo arladu waw eg tahay saase

  • Waana sidan Absame haysata, ee yahay Ogaadeen e

  • Inagaa is eednaye cid kale, haw aftaagine e

  • Walise Annanuun baa hadhay iyo, uur walaal gubba e

  • Gabadh ugub ah oon iin lahayn, oo aqoon sarre leh

  • Oo aabaheed fiican yahay, ama ayey hooyo

  • Hadday ina Ugaas tahay dadkuna, kala ayaan roon e

  • Afar iyo haday tobon jirto iyo, ina yar oo dayr ah

  • Iyadoo kugu ag noolayd haddii, aad u iman waydo

  • Uraago iyo haddii ay guursadaan, Oromo aan dhaamin

  • Uur ku taaladeeda baa indhaha, olol ka duulaa ye

  • Aagan aynu joogno iyo arladu, waw eg tahay saase

  • Waana sidan Absame haysata ee yahay Ogaadeen e

  • Inagaa is eednaye cid kale, haw aftaagine e

  • Haddise aad indheer garad tahay iyo, oday la qiimeeyay

  • Afarta maal aduunyana hadday, adiga kaa foofto

  • Haday inamadaaduna sitaan, aarmi lagu faano

  • Arinta iyo hadday kaa xun tahay, Aadanoow taladu

  • Ayaantaad is haysaan rag waa, kaa il roon yahaye

  • Aagan aynu joogno iyo arladu waa u eg tahay saase

  • Waana sidan Absame haysata, ee yahay Ogaadeen e

  • Inagaa is eednaye cid kale, ha u aftaagin e

 

 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.