Home

Doojiyoo Dar Kale Saar

                                                              Cabdi Saahid

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  • Dalkii laga sinaystay iyo
  • Dagmooyinkii la qaybsaday
  • Daacaddii dib loo dhigay
  • Wadanigii la duudsiyey
  • Hashii Dooloow lagu horay
  • Sababta loo dayoobay ee
  • Herer looga daba tagay
  • Doqontu maba ogsoonee
  • Doojiyoo darkale saar

  • Dadkii deyrka lagu xidhay

  • Loo diiday socodkii
  • Xaataa la kala dilay
  • Ee lagu dilaal tagay
  • Wixii loogu deeqana
  • Injida loogu soo daray
  • Daalaa dhiciisiyo
  • Ra’yigaa dumaasha ah
  • Doqontu maba ogsoonee
  • Doojiyoo darkale saar

  • Digsiga daribta lagu guray

  • Docdana aqalka loo dhigay
  • Kooxduna dabooleen
  • Dabeedna daaha loo rogay (Kacaankii Soomaliya)
  • Doqontu maba ogsoonee
  • Doojiyoo darkale saar

  • Dawacaa dibiray

  • Dugsigiyo dalaal helay
  • Daarahan injida galay
  • Ducaaloow la lee yahay
  • Libaaxdaa la duudsiyey
  • Ka dumaalay naagtii
  • Daan dheertan oloshiyo
  • Hasha oonka loo dilay
  • Loo diiday ceelkii
  • Duunyadii fulaysana
  • Soo daba maraysee
  • Dalanbaabigeediyo
  • Daymadeeda reenka leh
  • Nabsigaa ku daabacan
  • Doqontu maba ogsoonee
  • Doojiyoo darkale saar

  • Dalka layska haystiyo

  • Dadkiisii amaahda ah
  • Ee kuwa kale dantoodiyo
  • Daba gunudka lugu wado
  • Doqontu maba ogsoonee
  • Doojiyoo darkale saar

  • Hadalka waxaad ku daysaan

  • Kolba kii la doortaa
  • Danihiisa khaas ka ah
  • Soomaali ha u diro
  • Dadka kii u xiga iyo
  • Ha dalaco walaalkii
  • Ogaadeen dariiqyada
  • Dawacada sideedii
  • Afka dufanka ku lahayd
  • Ha u soo durbaan tumo
  • Anunbaa is duleeyee
  • Anunbaa dadnimadiyo
  • Dariiqii Ilaawoo
  • Dawarsiga u leexday e
  • Reerkeenan dariska ah
  • Isaguna daraad dagay
  • Gidigeen dillaal iyo
  • Dabagale u noqonaye
  • Anunbaa is duleeyoo
  • Ninka daarta seexdana
  • Daaqadaha istaagoo
  • Daahiroowda ku hayee
  • Doqonimo intaa la’eg
  • Dunidaba ma taalee

  • Aboorka oo dadaalaa

  • Dudumada sameeyee
  • Duunyadana xoolaha
  • Geelbaa ugu doqonsan oo
  • Darriiqa uu kasoo dido
  • Dirqi laguma mariyoo
  • Hashii doonba garanay ee
  • Daba orodba garanay ee
  • Daydayba garanay ee
  • Inay kaa dambaysiyo
  • Bal raadkeeda dib u eeg
  • Bal ruuxeeda doondoon

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.