Home

Gobta Silicday (1982)

                                                                             Cabdi Saahid

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  • Gobta silicday shacabkii la siray, sahankii beenoobay
  • Seerahan Salxaan sii dilay ee, Samatar ceebeeyay
  • Sancadoow dameerkii sangaha, laga saraysiiyey
  • Geenyada surkaa lagu dhuftiyo, baqalka soo dhaafay
  • Ama sidduu suldaankii watiyo, yibirku soo guuxay
  • Saaxiibyadii kala dhintayee, sooryo kala waayey
  • Kacaankaa sabuubtaa watoo, saaba noo galaye
  • Sinmadiina mooyee dadkaad, siiba lumiseene
  • Sirta iyo siyaasada haddaan, saa u garanayno
  • Walee anigan Ina-Saahid ahaan, sidan ku noolaanin

  • Saaxiibayaaloow haddaan, hadalka sii raaco

  • Runta sooman been sarar cuntiyo, tuugo socodkeeda
  • Khaa’in dharag la seexdiyo wadani, dibada loo saaray
  • Seeftuna galkay diidan tahay, saan u galinayno
  • Arintaa sidadii laga jaray iyo, suumankay wadatay
  • Hadaad sooba qaadana inay, suurogali wayaday
  • Doqonbaa in aan calan sudhniyo, sugaysa doogaad e
  • Samadaana lagu laalay iyo, sayladii Xamar e
  • Dad siloonni seel dhididadaa, subag ha moodeen e
  • Sixinna ha u maleeyeen saliid, loogu daray soor e
  • Sunba hadashay sowd been ah iyo, sacabka reedhyoowga
  • Kala socodka suuf iyo xanjada, sixiradaa hoose
  • Sharcigay Siyaad iyo wataan, seediyaal xididay
  • Suugaantu waa saynu nahay, eed ku socotaane
  • Saacad bayna ceeb tahay inaad, seexataa gogol e
  • Waa wuxuu samuud dibbi u dhali, weyl na loo sugi ye
  • Sumaddana sacweyn looma rogo, saad u maqasheen e
  • Saadaashi waa khalad hadaad, samo filayseene
  • Shantuna waa kasoo noqo haddaad, guul u socoteen e
  • Sukraadka iyo mariiqa iyo haddaan, soxolka eegayno
  • Sanadaha i haystiyo wakhtigu, waygu soo kuday e
  • Masalana Siyaadoow waxaad, nagu samayseen dheh

  • Afar iyo siddii tobonka wiil, soodhka loo mariyey

  • Ama uu Salxaan ugu dalacay, samir Ogaadeen e
  • Nasiibkaygan siliteeyay iyo, saa anaa is baday e
  • Soomalidda Galbeeddeeyna, waa tuuga sahankeed e
  • Sirta iyo siyaasada haddaan, saa u garanayno
  • Walee aniga Ina-Saahid ahaa sidan ku noolaanin

  • Saaxiibayaaloow haddaan hadalka sii raaco

  • Suryadaad maraysaba ninkii, bohol ku saynsaabay
  • Sakaraadka kaagama bi’iyo, inaad sabooshaaye
  • Ninka sadaqo kaa maanaca iyo, cudur sabeen jooga
  • Tanag subaga kuu guma shubiyo, sixinka xoolaad e
  • Nin surwaalka kaa bixiyey oo nigiskii kaa siibtay
  • Skeiko dukaan taal ileen, kuuma soo gado e
  • Nin sagaaro kaa qadiyey iyo, jeenni aad soloto
  • Sararo gool sideed jir ah, ha sugin inuu ku siiyaaye
  • Waxaanan saa u lee yahay hadaan, hadalka sii raaco
  • Ogaadeenya waa u sumalka iyo, sida sabeentiiye
  • Macnuhuu saleeligu ku dhacay, sababtu weeyaane
  • Ogaadeen siddii sogob cayilay, sooryo loo qalaye
  • Loo suuldhabaalee siddii, sabi caruureed e
  • Iyagoo sagaal qad ah la saar, sibi dusheediiye
  • Soomaaliyaa lagu siriyo, soo uruursada e
  • Sa’da iyo Siyaadoow haddaad, siinkii kala reebtay
  • Madaxda kii la saarana dibiro, suunku kala gooyey
  • Sodonkaa habrood iyo intii, sabiga loo yeedho
  • Ninka saaka waa nabad sitiyo, sabaydan dhiigeeda
  • Ragbaaba soodhka lagu sii wadaa, soloyna loo jeexye
  • Maahmaah salkeed baa ahaa, samirba taag waaye
  • Waana waysha sidig iyo macnuhu, dibiga soo daaye
  • Sirta iyo siyaasada haddaan, saa u garanayno
  • Walee anigan Ina-Saahid ahaan, sidan ku noolaanin

 

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.