Home

Laba Guul Ooman

                                                 Cabdi Saahid

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  • Odaygii gablamay iyo duqii, geela badan haystay
  • Ee gaano oomiyo horwayn, ceelka soo galiyey
  • Gaankii Garlow Gube markii, Gooha lagu ooday
  • Garab waynta naaxdiyo markay, Gaydho soo oroday
  • Ee gaanho maale darkii, garatay ee reentay??
  • Ee uu wax garab taaganoo, geela shuba waayey
  • Isagaba Guhaadoow da iyo, oohintaa u gar ahe
  • Aniguna gadiisii intaan, gorodda laalaadshay
  • Gurxankayga Nuuroow ninkii, gacal ahaa toosye

  • Xidhaalada ninkii loo gartay iyo, geela inuu raaco

  • Ee gaadaha iyo aarka gudda, geeddan u ahaaday
  • Galabtii caraabaha wuxuu, gaado ka ilaashay
  • Gabadanada jiilaal wuxuu, geed isugu keenay
  • Maalintii gugeedii da’ay, ees guryaha geeyay
  • Ee geela odaygii lahaa yaraha guulguulay 
  • Isna geesta uga leexday baan, galabta joogaaye
  • Aniguna gadiisii intaan, gorodda laalaadshay
  • Gurxankayga Nuuroow ninkii, gacal ahaa toosye

  • Gabadhii gayaankeeda iyo, Gaani la cayaarta

  • Ee gogosha kula seexata een, gacanta diidaynin
  • Ee garaca uurkeeda galay, gooni loo mariyey
  • Ee guriga ooy soo gashiyo, gogossha loo diiday
  • Ee geedka ciil ugu go’daan, galabta joogaaye
  • Aniguna gadeedii intaan, gorodda laalaadshay
  • Gurxankayga Nuuroow ninkii, gacal ahaa toosye

  • Waxba hadalku yuu ila gudbine, waxaan ku soo gaabshay

  • Anna goonida aan marahayiyo, guuraha iyo ciilka
  • Guuguulihii iyo intaan, galow la haasaaway
  • Garanuugta yaacdiyo waxaan, goodirka u raacay
  • Ileen maba gu’weyniye, ciradan madaxa gaashaysay
  • Waa nasiibkan iga gaagixiyo, gocosho owgeed e
  • Goboladii Ogaadeenya oon, talo ka meel gaadhin
  • Inagoon go’aanka iyo sharciga, meel isugu gaynin
  • Inagoon wadadii gali lahayd, garanin ceelkeena
  • Inagoon xaqeenii gudhnaa, gorof u aabaynin
  • Boqol ganacsanaysaa intay, sheeko soo galisay
  • Oo wiilal geeljira ah galbeed, tababar loo geeyay
  • Iyagoo gabriyo lagu badalay, gowlalo iyo jeerin
  • Oo gudimo oodeed si kale, daabka loo galiyey
  • Iyagoo hangool loo gatiyo, gaydin lagu riixo
  • Oo geerash lagu qaybsadiyo, goobo kala jaad ah
  • Iyagoo gudoonshaha sariyo, gaasas loo bixiyey
  • Ooy guuto taliye hayaan, badow gafuur weyn leh
  • Waa tay dagaal naga gu’ wayn, guuragaliyeene
  • Malyan baa ku go’ay goobta Herer, gacan toglayntiiye
  • Taariikhda iima galin wiilashii, haadka loo gagey e
  • Gooyihii Hawaas iyo kuwii, Goray ku naafoobay
  • Iyana waa u galgaladkaa kuway, midigta gooyeene
  • Goosankeenan soo hadhay na waa u, guuldaro iyo ceeb e

  • Iskuse gees ahaantiyo waxaa, garasho noo diiday

  • Garbaduub waxaa noo xidhay oo, noo gadbix waayey
  • Gudbantaa waxaa i galiyey iyo, leyla gobolayda
  • Gaandhada haday niman cabaan, libin ma gaadhaane
  • Garaadaha kuwii lagu khaldiyo, Aadan Gabiyoow ba
  • Intaanse towradii gadanay oon, geesaha qabanay
  • Waataan galley siisaneed, Xamar u gayseene
  • Geed ay ka guurtay shinidu, ooy awlalkii guratay
  • Galoolkay dorraad garab martay, doqontu gooysaaye
  • Anna gooxan aan yuururaa, waaba xero guule e

  • Waligayna waa ii gabidhac iyo, ii galgaladkaase

  • Waa ii gacanta oo la i hayiyo, gaar u sacabeeye
  • Waa ii aar i gaadiyo dawaco, taarka loo galo e
  • Waa ii suunkan igu giigsan iyo, golongolkaa oon e
  • Waa ii geedigaa foolxun iyo, lama daga u guur e

  • Gobonimooy hadaan kaa gabado, orodna kaa gaabsho

  • Gablanka iyo haddaan kaaga baqo, geeri laga yaabo
  • Guud ahaanna uurka iyo hadaanan, laabta kuu galinin
  • Siddi gaban yar oon dhalay haddaanan, gacanta kuu haynin
  • Xornimada guddootaay haddaanan, geedo kuu karinin
  • Gidigiiba qur’aankiyo haddaanan, diinta kugu goynin
  • Geela iyo haddaanan kugu khatimin, tobon jir awr gaadhay
  • Haddii aanan galbeedkaa badalin, laysla garan waayey
  • Gobolada Ogaadeen haddii aanan, gooni kuu odhanin
  • Haddii aanan go ii kaa dhiciyo, shaadhka kuu galinin
  • Gafka iyo xumaan taay haddaan, gacanta kaa laabto
  • Markiise uu rageedii gabay, ee kaalin gali waayey
  • Garteed weeye ciidani inay, gamashi ooydaaye
  • Intay goobtu saa tahay ee, niyadu ii galgalanayso
  • Labadaada goonyood aniga oon, dhacanta gaadhsiinin
  • Nasab kaygii baan gaday haddaan, geesna la heshiiyo

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.