Home

Muusanow

                                                                                  Cabdi Saahid

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  • Ogaadeen macaankiyo intii, dhiigii laga miirtay
  • Ma dhawayn mas’uulkiyo intay, madax la’aayeen e
  • Ma hurihii Qamaan iyo Xarbi baa, ciidda hoos maraye
  • Maxamud Cali iyo Raage, way midab qarsoomeen e
  • Haddaan Gilingil meel la isku dilay, faras majiiraynin
  • Gabalax ma yeeleen waddadan, la iska soo maro ee
  • Makhtal iyo haddii Kaahin Muran, xalayto ii muuqday
  • Marti kuma ahaadeen cakuye, maanta Dhagax Buur e
  • Dhoonya Cab nin maalkiisa dhacay, kuma ag maaleen e
  • Magan iyo Guraase oo ku nool, Muugo iyo Laago
  • Ninna ma hungureeyeen Qoraxeey, Muxumed Gaasoow e
  • Anna waxaan ka muusoon hayaa, tii Magaal Burro e
  • Mabda' uu Xuseen Dalal wataan, maanka ku hayaaye
  • Cali Oday ma seexdeen haday, olosho Maandeeq e
  • Ciyaan meesha joogin ee Danood, cadow ma maageen e
  • Haddiise Muuse Cawl nool yihiyo, Nuur Ugaas Maganba
  • Mire iyo Hadduu Joofeey iyo, Cali Junuun muuqdo
  • Cabdi Dhuux magli kama dhigeen, ciidan oo maqan e
  • Haddaan Fooleey mowd helin arladan, lama malaysteene
  • Muxumedkii Ina Suldaan iyo Raflaan, Doolo maamulin e
  • Daahir Nuur maroorsigan Wardheer, ma ogolaadeen e
  • Anna Muusanowgaygan iyo, meela qaban waaga
  • Awalbuu ragaygii madhaye, maba ilmeeyeen e
  • Macnahaa Makaytaa arkiyo, Macallin Dhoodaane
  • Waa gacan madow yahay ninkii, mayd u qayshada e
  • Masdilaagii baa soo hadhay iyo, naag la muran kiiye
  • Maararoowga igadaa Siyaadoow, tii Allay mudane
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.