Home

Quule Mirasho

                                                                                   Cabdi Saahid 

 
 
 
 
 
 
 

Mareexaan oo dawladii Maxamed Siyaad baardaajiso iyo Muuse Gumcadle (Makaahiil, Ogaadeen) ayaa dagaalo badani  dhex mari jireen.  Waxay dagaaladani ka dhici jireen degaanka Ceel Gaab loo yaqaano ee xad beenaadka Soomaaliya iyo Itoobiya ku siman.  Ninba maalinbaa la rogan jiray.  Gabaygani wuxuu ka mid yahay gabayo dhawr ah oo uu Cabdi Saahid ka tiriyey gurdankaa qabiiliga ah. 

Rag kale oo Muuse Gumcadle iyo Bahgari isagu jira oo dhinaca Ogaadeen kasoo gabyey ayaa jiray.  Raggaa waxaa ka mid ahaa nin Ciise la odhan jiray oo Jabraa'iil, Bahgeri ah.  Gabayada Ciise waxaa ka mid ahaa  mid aan dhawr meeris uun ka helay.  Isagoo la hadlaya Cabdi Galayax oo dhinaca Mareexaan gabay hayeen u ahaa ayuu mar Ciise wuxuu yidhi:

-     Haddii aan Amxaarkaa gurrani, guriga kuu joogin

-     Oo aan Eebahey kugu galladin, gaalo waa ballo e

-     Wallee Galayaxow maalintii, geel ma dhiciseene

-     Gaawaha wallee kuma listeen, adiyo Gaalleefe

Gabayadaa soo raadi oo wixii aad ka hesho fadlan nala soo socodsii.  

Gabaygii Cabdi Saahid aan u noqdo.  Quule Mirasho ma dhanna oo qaar badan ayaa maqan.  Cajaladda aan ka qoray gabaygan oo maqalkeedu liitay awgeed, waxaa dhici karta inaan meerisyada qaarkood si khaldan u qoray.  Waxaan isku dayi doonaa in aan soo helo inta maqan wixii khaldanna soo saxno.  Wuxuu yidhi:

  • Allaylehe Marreexaan Saddow, waan is moog nahaye
  • Mulatarigu nimankuu jarreed, marisay Beebeega
  • Amaahdiisii baa maqan raggii, Muuse Talareere e
  • Nimankii malkada daadsanaa, ma aanan saamixine
  • Magna kuma samrayniyo, hadaad moodayseen lacag e
  • Maalmo lagu ilaawiyo dakano, malaha raagtiin e
  • Alla magane Ogaadeen waxaa, magac usoo jiiday
  • Mar labaadna guul keenay waa, Muuse Talareere
  • Godobtoodii baa kugu maqnayd, socod midgaanlow e
  • Madaxtooyadii Ina-Barraad, maalmo kibirteen e
  • Idinkaa manuuskiyo ku roon, midabka caydheed e
  • Waa meheradiinii haddaad, quule mirataane
  • Kuwii maali jiray baa qabsaday, Sidigtii May’lay e
  • Tubaakadiina muudsada waxaad, moodaysaan dhimaye

  • Aanse mariyo maansadan kale iyo, sadarka ii muuqda

  • Waa niman macaan oo khadhaadh, Muuse Talareere
  • Waa niman maslaxadiisa jecel, magaca Daarood e
  • Waa niman musheekhdiyo kasiman, macalimiintiiye
  • ...

Soo dhamaystir adigaa hayn jirayee.

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.