Home

Xabaal Seeg (1981)

                                                                                   Cabdi Saahid

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
  • Haddii xaasid kula soo dago iyo, xeel ninkaa badiya
  • Xuduud lagu heshiiyiyo haddad, xeer la dhigan waydo
  • Maalin ay xaqiiqadu luntay oo ay, xagashu kaa daacday
  • Xanbaarada markuu kula helo ee uu, xabadka kaa fuulo
  • Is xaydxaydka iyo muranku, waa doqonta xaalkeed e
  • Ilaahii adduunka iyo xifdiyey dunidan xoogeeda
  • Ma xukumin adoomaha inaan ugu xumaanaaye
  • Laba xadhiga kala jiidata iyo xaasid bay heleye
  • Xaashaa Lilaahiye anaa, xaday naftaydiiye
  • Anna xaalka ii muuqda een xalayto soo jeeday
  • Nin weyn oo la xeela baan arkay, ooy niman xabaaleene

  • Xariifnimada badow loo qabta iyo, xadhigii loo qoolay

  • Xaataa hadduu garan hayana, kama xanaaqeene
  • Xanfafka iyo xanuunkii haddaan, Xaashiyoow aragnay
  • Ama aan xornimo doonayno oon calanka xiisaynay
  • Xaqiiqada xageedaba indhaha, kuma xagaysaane
  • Nin ku xoogay xeeshaa ka daran kana xanuun weyne
  • Xoolihii tasoobana tiraa, lagu xusuustaaye
  • Xawadaada lama iibsado iyo laba xiniiyood ee

  • Xamiidana xisaab jeer luntay bay, gogosha xaadhaaye

  • Xasanaadkii aan daadinaan, orod xaflaynaaye
  • Xaqiiqada fogaataan indhaha, Xamar ku taagnaaye
  • Ogaadeenya xeel kama baxdo iyo, laba xasuuqaase
  • Siddii xoolo yarad loo wado, oo xididna loo geeyay
  • Kolba xarun intay buuxiyaan, laga dul xaajooye
  • Inagoo xagii lagu socday iyo, xeesha garan waynay
  • Xafiisyadan Hargaysa iyo intaan, Xamar wareegayno
  • Wadan baan xoreeyay iyo anaa, xaadoow soo dhiciyey
  • Iyo Adari xoogbaan ku maray, hadal xumaanteeda
  • Ama xillo aan mehersanayn, reer la xididkiisa
  • Ama saacad aan xadhig lahayn, xidhasho doonkeeda
  • Ama xoolo aan reer lahayn, digo ka xaadhkooda
  • Xaydh xaydhi waa yaab xagaa, xoolo dhacar taane
  • Ogaadeen guryihii xays ku helay, hulo xumaantooda
  • Xayadaa madow iyo intaan, xodayga doog moodnay
  • Inaga oon xusuusnayn wadada, xaydashada oonka
  • Xumaan saaxiibkaagii waday iyo, Xaashi baa curiyey
  • Is xanaajinteenaan arkiyo, mala xumaanteena
  • Xabaaloobi maysaan intuu, xaalku saa yahay e
  • Iskana daa xornimo aan helno, oo laydhka loo xidho e
  • Arin xunneey nin xoog leh iyo, maxaad badow xambaaraysay

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.