The largest
online collection of Somali poetry
Gabaygan waxaa tiriyey abwaan Cabdullahi Muuse oo
haweenay uu guursaday oo aad u qurux badnayd qoys wanaagsana ka dhalatay ay ku
noqotay caasi aan wax badan ka maqlin. Wuxuu Cabdullahi ku bixiyey gabadha
guurkeedii xoolo badan oo mood iyo noolba leh, wuxuuse gabayga ku sheegayaa inuu
ku khasaaray guurka haweenaydaa, inay gogol-dhaaf la timidna wuu ku durayaa.
Wuxuu yidhi:
-
Caqligaa
dabool laga geshaa, duul hadduu lumo'e
-
Durdurkuba hadduu dhagax dulmaro, dihanka qoyn waaye
-
Meeshii
dalleeley biyuhu, doog ka bixiyaane
-
Ruuxii
damiin ahi qalbiga, waa ka daar xidhane
-
Dadku
haddii wax loo sheego, ways darajo dhaamaane
-
Alla
dooriyeey hadalku, waa kaaga darayaaye
-
Dundumooyinkoo lala hadlaa, damac ma yeeshaane
-
Dawo
malaha naagtii xuni, hadday diidda waanada'e
-
Doqontii
ku yeeshaa wuxuun, lagu dabiibaaye
-
Anunbaa
nin doorka u dhashay, aan duniba aafayne
-
Dar
Ilaahay waxaan kaa nebcaa, dadab-galkaagiiye
-
Rag
bayse dooni buuxdaa, baddaa kaga degaysaaye
-
Dabkayga
iyo geelii ayaan, durina la i siine
-
Kugu
daalay dhaaxa'e haddaan, didibso kaa waayey
-
Darbo
iyo dilliin iyo inaan, dirisba kaa yeelo
-
Saddexdaa midbaan kula damcee, adigu soo dooro?
-
Naag
yahay Dannoodbaa u weyn, harada Doolloode
-
Duunyada
haddii lagu horoo, saalo lagu daadsho
-
Iyaba
waa diqowdaa haddaan, la isu diideyne
-
Darka
Caynabay kugu masleen, derisadeenniiye
-
Dawgii
la marayaa dhexduu, deri ku yeeshaaye
-
Dermadaan la laabini dhaqsay, duug u noqotaaye
-
Duqsigaa
ku dhaca xeedhadaan, dabaqu saarrayne
-
Sida
doogsin roob kaaga dhereg, doobka reeruhuye
-
Dirxilaha Madheedh waa Cas yahay, daawashada guude
-
Dawliilka baas waxaad ku hodi, duul aan ku aqoonne
-
Geelaa
markuu dararan yahay, laba nin duugtaaye
-
Wax kaloo la darandoorriyaa,
damac ma yeeshaane
-
Anigaan ku dirin waadigii,
damaca waalnaaye
-
Daydayo
haddaan kuu fasaxay, dibed wareegiiye
|