Home

Cali Cilmi Af-Yare

                                                  Mashiiqsi 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

Gabaygan wuxuu ka mid ahaa silsiladii Hurgumo wuxuuna abwaanku tiriyey 1979

isagoo xilligaa joogay magaalada Muqdisho.  Wuxuu ugu jawaabayey Khaliif

Sheekh Maxamuud oo ahaa ninkii bilaabay silsilada. Wuxuu yidhi Cali Cilmi Allaha

u raxmee:

 

    ·        In dhoweydba Miinleyda gabay, waanigaan marine

·        Waa taan ka maaliyey halkiyo, mooshinkii Guba e

·        Maantana haddaan lay mudmudin, uma muraadeene

 

·        Mufti shiikh ah madal laysu yimid, culimmo maageeran

·        Minhaajkiyo tuxfaha qiil haddii, laysu mari-waayo

·        Ma'wiga laga cabbiyo waa muqniga, inan ku laabtaaye

 

·        Nin malaasan iyo jaahil waa, marin habaabaane

·        Hadduu macangag yahay ruuxu waa, meesi kaa lumaye

·        Maandhow ma fiicnide waxaan, magane kuu sheegay

 

·        Maansooyinkaad tirisay iyo, gabayadaad miistay

·        Macnihiyo ujeeddada kolkaan, aad u kala miiray

·        Hadduu adiga kula miiggan yahay, maaha kaan rabaye

 

·        Murre iyo wuxuu ii dhadhamay, midho dhunkaaleede

·        Mullaax baan ka waayiyo waxaan, sii macaansado e

·        Dhegahaygu goortey maqleen, waan mashiiqsadaye

 

·        Geedkuba mankiyo ubaxa iyo, midho hadduu saaro

·        Oo uu magooleeyo indhuhu, milicsadaaniine

·        Hadduuse mudhuxsan yahay waa malluug, miiqan weligiise

·        Murtina lagama helo faallo aan, loo maqaan deyine

·        Miisaan culeysliyo kolkuu, waayo marinkiisa

·        Milgo waxaan lahayn iyo sidii, meehanaw noqoye

 

·        Murugo iyo ciil waa nin rag ah, meheraddiisiiye

·        Inkastoo masaartiyo warmaha, lagu maleegaayo

·        Ma cataabo geesiguye waa, mici-adaygaaye

·        Maraabaha nabsigu waa, sidii moodda galabeede

·        Masuubo iyo khayr wixii ku hela, Maaliggaa qoraye

·        Mulki iyo awood ma leh nin kale, waadse moogtahaye

 

·        Maqaadiirta Eebbahay haddaad, muran ka keeneyso

·        Oo aad moodday ruux kale inuu, maamullada  haysto

·        Muslinnimada aad sheegatiyo, magucu waa beene

 

·        Mar baad dunida miid iyo karuur, malab ka leeftaaye

·        Marna dacar khadhaadh iyo sun baa, laga magawshaaye

·        Mugdigiyo caddada waxa ka dhigay, waa masalo weyne

·        Mahad weeye Eebbahay wixii, aad ka mudataaye

·        Mar haddaadse ka iimaan xuntahay, meeriskiyo qaybta

·        Marinka aad ku joogtaaba waa, kii munaafaqa e

 

·        Afartaa sidii macallimada, miin ma ka higgaadshay

·        Majarihiisa kama leexiyee, muunad ma u sheegay

·        Afar kalena mayay soo curtiyo, mililiceygii dheh

 

·        War laas maax yar miileysi baa, loo mijiliyaaye

·        Nin waliba muggii kama heliyo, waa maroorsadaye

·        Gobannimada ma anaa iska leh, meerto sow maaha?

 

·        Muddo aan yareyn baa khalqigu, noo maddiiddimaye

·        Oo maydhaxdiyo dhuubka iyo, maarahow sidaye

·        Oo aan maroodi u ahaa, maato koriyaaye

·        Maantana ma liito ee adaa, mooye kuu ciyaye

·        Maldah iyo ibliis waalan baa, maanka kaa rogaye

·        Makaabkiyo dhistii igama dumin, maxashtu ii tiille

·        Maradaydii way saarantahay, muunadda lahayde

·        Igadhkii maqaarkiisa nacay, oo mid kale doonay

·        Maahmaahda gabaygaaga waa, lagu mataalaaye

 

·        Midigta iyo bidixdaadu waa, laba mataanoode,

·        Majeerteenka aad kicisay iyo, mililka aad qooshtay

·        Iyo nimanka aad madhiya tidhi, kalama maarmaane

·        Abaal waa  magdhow iyo inaad, maalin celisaaye

·        Iyaguba markaad haysateen, waa mintidayeene

·        Muruq bay ku daafacahayeen, waana loo marage

·        Ma aqaan ra'yiga foororaa, meel u kaa galaye

·        Mareexaanku kii kula dhashiyo, magaca sow maaha?

 

·        Maxamuud Saleebaan xumaan, uma midoobaane

·        Hadday qolo maraar yeelatoo, muusannaw kiciso

·        Adigoo maslaxad eegayaa, loo miyiriyaaye

·        Middidaad afeyneyso iyo, waxad maleegeyso

·        Haddaad labada meelood colaad, miiggan ku abuurto

·        Waxa adiga madhax kaaga noqon, waa i mari weydey!

 

·        Haddiise mooradduug iyo dhac iyo, mahadho lay geystey

·        Maqaawiir la soo xulay haddii, muxubbo loo laayey

·        Muswareenka adigaa dhigayoo, maahirtii dilaye

·        Muquunadii Rashiid loo diraye, malagtay sow ma ahid?

·        Maantana waxaad maagan tahay, waa midkii xigaye

·        Midhatirisku goormuu muhdiyow, kula macaanaaday?

 

·        Madiixiyo gabaygaagu waa, kaa muraadsadaye

·        Macnihii dawacadii haddaad, igu madaareyso

·        Miidlaha wankiyo goortii ay, mariso reerkaaga

·        Ooy maqasha kaa layso bay, kuu mashxaraddaaye

·        Magligayga jiifsaday haddaad, maad ka dhiganayso

·        Inkastoo magool aadan lahayn, muhasho ii qaaddo

·        Ma illaawin godobtaad qabto ee, maarsashaan ahaye

·        Maxaa Diini ii dhimay adaa, jebiyey mooskiiye?

 

·        Afartaa sidii macallimada, miin ma ka higgaadshay

·        Majarihiisa kama leexiyee, muunad ma u sheegay

·        Afar kalena mayay soo curtiyo, mililiceygii dheh

 

·        Mallayga iyo beeyada raggii, ad ugu maansootay

·        Siwaaqroonka xeebtiyo marsada, mooshinku is dhaafo

·        Muuse iyo Ismaaciilka Bari, kuma maqlaayaane

·        Iyagoo mareeg lagu xidhay oo, moora lagu ooday

·        Musbaaxdii kacaanku u shiday bay, mahadinnaayaane

 

·        Mas qaniinyo kama daalo iyo, micida dhiigeeye

·        Moxog nimaad u diirtiyo marduuf, midad ku ceebeyso

·        Manaabaysay aadmiga kurtii, meel u joogaba e

·        Raggii sharafta weyn kaa mudnaa, mooddey cadawyo e

·        Gobannimo Isaaq muujiyoo, waa markab adage

·        Maandeeq raggii dhaliyey iyo, miiddu waayaga e

·        Muxubbiga kalgacalkaan u qabo, waa mid igu dheere

·        Ingiriiska nimankii miraye, moodharrada saaray

·        Mufsadka iyo Gaalada raggii, mariyey gaalleefta

·        Maqruun kuma sifeyseen haddaan, maanku kaa tegine

 

·        Maskaxdii nin yari cayda way, saga muraadaaye

·        Ogaadeenka aad maagtay iyo, midabtakoorkaaga

·        Ma oggoli Dhulbahantaa ku diley, oo ku mowtiyaye

·        Mutukhnaanta iyo waa nebcahay, keli maqiiqnoowe

·        Inkastoo milxiis iyo nin xumi, nagu dhex meeraayo

·        Muslimka haygu dirin wadajirkaa, lagu macayshaaye

 

·        Masallaha dhulkiyo ciiddu waa, mahuradaadiiye

·        Meermeerka iyo guuldarrada, kugu madoobaatay

·        Waxba muujinmeyside cidlaad, malandahaysaaye

·        Mar haddaad Amxaar miridhle iyo, mooriflaha raacday

·        Mingistiyo dirkiisaad tahaye, hay maxooliyine,

·        Magacaa ba'yaye ma adigaa, ila Majeerteen ah?

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.