Home

Qaaf ku dhigo looxa

                                              Cali Dhuux      

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

    Qudhmis iyo Qaroorweyne iyo, ilaha Qaansoole
    Qawdhaha kabaxay Tuur-Wareen, Qararo baasheeda
    Qaadhaha Madheedhkii lahaa, quruxda Reenweyne

    Qoda Dhagaxley qooriga Haye iyo, tuban Qalaalkeeda
    Qotankii Yamayskiyo kobtaan, qadow ku beeraynay
    Nimankii qusuusiga ahaa, Qoran madaajaane

    Qaandhaawadii kuma lisaan, qamaca jiilaale
    Qorog buuxa agaan qafilan, qabaxsan maayaane
    Qiyaas caanaheeda oo dhanaan, kuma quraacdaane

    Qol dugsoon intay jiifsadaan, qabay ma fuulaane
    Qadhyad gabadh ah qaalida waheen, lama qadeeyaan e

    Intay qalab magaalo u xidhaan, kula ma qooqaane
    Qarashyaalihii lama dhacaan, qirada fiiqnaaye
    Qosolkii iyo haasaawihii, ku qarxinmaayaane

    Qarafa awra ah kama sooraraan, qaran Ogaadeene
    Qawad laabta joogiyo xarago, lama qammaadaane
    Intay qam isku siiyaan hagoog, qabay masheegtaane
    Dhalinyaro qabiibi ahi fardaha, kuma qadhaabtaane

    Sange qaarar weyn iyo darmaan, qooqin ma hayaane,
    Ashkir qaayib iyo xamar qoodh qabiyo, qalas ma fuulaane
    Baroor qadan leh oo aad midabka, qad iyo laasmoodo

    Qolqol uma dhisaan geed intay, qun ugu waabaane
    Qol kujire qasaaraha rogaal, uma qalqaalaane
    Intay qoorta kaga weeciyaan, kuma qateeyaane
    Hadba qolo intay weeraraan, kagama qayshaane

    Waalagu quwayn jiray bahday, qaabka boolida e
    Qaankiisa oo tuban hadii, la qoodeeyo waa geele
    Qaynuun amaan duule iyo, qarad masoocdaane


    Naag yahay aduun iga qariban, quusna waan ahaye
    Qab baa madaxa kaa buuxa oo, waad qadhaadhahaye
    Waxaan la qar wayaa laylka dhexe, qoomamo iyo ciile

    Ragii aniga ila qayr ahaa, qoladii Reer Jaamac
    Qormadaad ogeyd baan lashiray, amase qoorwaaye
    Qabiilkii ku guursaday lamadhi, Qoonkii Reer Gorode
    Maantana qudhayda iyo Cabdoo, Qaawan baa hadhaye

    Qarigii Ogaadeenka yaal, qaraxii Doofaare
    Iidoor qareen kama dhigteen, qaatay halihiiye
    Hadba qolo waxaan ula degaa, waa qariibnimo e

    Qalbi hadii aad leedahay asaad, qaadan taladayda
    Qaydada Ilaahay kutimid, Qaadir taladiisa
    Qawlkii Rasuulkiyo sharciga, hays qilaafina e
    Qaatumadu yay kaa xumaan, qirada diineede
    Qaybtaadii soo laasataye, qaafku dhigo looxa

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.