Home

Halxidhaale

                                                  Camanje Yogol Furre

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry
 

Mar kale Camanje ayaa wuxuu safar ku tagay Hargaysa.  Niman Isaaq ah oo ay gabayga isku hujuumi jireen ayaa damcay inay dabin u dhigaan oo ay meel dad badani isugu yimid oo Maqdarad ama Gaafka aroosyada loo dhigo oo kale ah gabay igu mariyaan.  Intuu fahmay ayuu kala hormaray oo wuxuu yidhi:

 

  • Shugra waxay xiddigaha ka badan, sharaf u dheeraatay

  • Shaydaan abeesada wuxuu, Xaawo ugu sheegay

  • Rabbi uma shafeecee Jannada, waxa shiddii geeyey??

  •  

  • Shanta kootka iyo qaaligaa, waxa idiin shuumay (court)

  • Shawaalkaa lixda ah soonka tagay, shuqulka loo raacshay

  • Dad unbaynu wada sheeganee, Shaanqa waxa doorshay

  • Haddaad gabayga shaaciri ku tihiin, shiinka ka higaadsha

  • Haddii kalase sheekaysanee, shaaka kala doonta

 

Cabdi Gahaydh oo ragga gabayga lagu xujeeyey ka mid ahaa ayaa furi waayey tixdaa kolkaa ayuu yidhi waar Camanjoo adduunka ha laga gabyaa laysku ogaaye yaa isku ogaa in aakiro laga gabyo?  Waxaa la sheegay in Isaaq is dhex yaacay tixdaana in la furo laga wada maagtay ilaa markii dambe la goostay in Aflow loo doono.  Dhawr sano ayaa kolba war hor leh Isaaq laga keen ay leeyihiin niman shan ah oo gabya ayaa Camanjoow Jigjiga kuugu iman doona nimankaana waxaa ka mid ah Aflow islamarkaana Aflow ayaa war loo diray oo la yidhi imow gabay laga jawaabi waayey ayaa inoo yaalee.  Intaan wali Aflow war laga keenin ayuu Camanje gabay kale diray. Waxaa ka mid ahaa:

 

  • Gabay haw yidhaahda oo ku dhaca, Cadan hagaageeda

  • Oo hamug yidhaa oo Isaaq, daartii wada heensha

  • Oo halaha kii raaci jiray, kaga hayaay siiya

  •  

  • Oo kii hudheelada lahaa, ka handaraafsiiya

  • Oo kii hargaha iibsan jiray, haaruf ugu yeela

  • Oo kii hablaha dooni jiray, horay usii tuura

  • Oo hilibka kii qaadi jiray, kaga haabaaseeya

  • Oo dhariga kii huurin jiray, heenka kaga daadsha

  • Haabhaaban maayee anoos, hilinka ii yaalo

  •  

  • Hadduu aar hal dilo oo dhurwaa, hilib usoo doonto

  • Hungurina ka gayn waa kalyana, kuma hagaajaane

  • Huuhdooda unbaad maqliye, lay hor iman maayo

 
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.