The largest
online collection of Somali poetry

Qolyo Dhabayaca ah oo
Talyaanigu watay oo Jigjiga joogay xilliggaa abwaanku gabaygan
tiriyo ayuu wuxuu ku yidhi:
-
Namiimnimo Majeerteen miyaan,
wali ka niibkeenin
-
Ma nifaaqii oo buuxiyuu,
xalayto nooleeyey
-
Naxliga iyo nuxuustii miyaa,
naari soo kiciyey
-
-
Nasri miyuu ka sugu Eebahay
saw, ma nici doono
-
Iyaga iyo Namruud saw Janadu,
kama nijaasoobin
-
Nairobi iyo Xamar horraad,
nag uga siiseene
-
-
Dhulbahantaa naflaha kuugu
xigga, nabadse kaa waaye
-
Warsangalina nabarkaad
barteen, nadigu iimeeye
-
Adduunkii nagaa idinka iyo,
naagahaa rogaye
-
Nasabkiinu meel buu ahaa,
nuridu waa iine
-
Nacallaa Majeerteen ku yaal,
nolol ma haystaane
|