Home

Ha is Raacdo

                                                             Cabdullaahi Badel Cabdi Qamaan                                   

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Ha is Raacdo abwaanku wuxuu tiriyey 1992 isagoo jooga magaalada Qabri-Dahare.  Waa gabay isugu jira toosin, tusaalayn, dhaliil, iyo gubaabo oo uu kula hadlay Jabhadda Wadaniga ah Xorraynta Ogaadeeniya (JWXO) iyo shacabkaba.  Wuxuu yidhi: 

Allifaadi maansooyinkaan, soo abaabulaye
Maqaasiino awdnaan jiraan, furay albaabkiiye
Afku way xadaayaa markii, uurku buuxsama e
Waxaan la amakaagaan arkee, ma iftitaaxeene!

Eegana iraadada Allaan, ku unki doonaaye
Insha Allaahu waaniyo talaan, ku anbaqaadsiine
Idam Eebe meel aaya laan, ku ebyi doonaayee

Abwaan gabay yaqaanoo dhan iyo, axadka maansooda
Arartiyo tusaalooyinnada, amase aas'aaska
Iyo aadmiguba say yihiin, wadar ahaantooda
Nin waliba aqligii buu hadlaa, oo arimiyaayee

Abuur gaara buu leeyahay, oos ku ijtihaadaye
Oo wuxuu is leeyahay adaa, ugu itaal roone
Ha yeesheese layslama eke, axadba waa heere
Ikhtilaafka saasowgu wacan, lays af garan waaye

Waxse lagu uruurshaa ra'yiga, ama is raac keena
In la helo awood gobonimo iyo, xeer Islaamiyahe
Hadii kalana eed kama baxdiyo, aano iyo qoyse
Markaasay utuni beerantaa, laysku aynaba e
Aafadu kolkay durugto ee, layska wada aarto
Agoon dhalata mooyee markaan, axadna guulaysan
Adaa iile iyo eersasho, bay ku intihootaaye

Afrikaanku saa inay yihiin, ma inkiraysaane
Oo waan ogsoonahay intii, uu ataag dhacaye
Ol-olaha colaadeed mudduu, naga dhex oognaaye
Oo aqalba aqalkii ku xigay, aabi ku ahaaye
Ajal dhimatay mooyee ma jirin, qolo adkaataaye
Isticmaarkan sababtiisu waa, sidatan awgeede

Inaguna waxaan eednay baan, ku isticmaalaaye
Ma ilbixin dadkii aan lahaa, ways anfacayaane
Aayaha dadkooda iyo xornimo, uma adeegaane
Ubadkooda nolol dawladnimo, uma abuuraane
Iskuulada kuwii soo bartay baa, ugu ifsaad wayne
Ninba unug qabiila buu xumaan, la hor ordaayaaye
Laba axad wax kala gaadhay, bow kala ufootaane
Kamana uur gubyootaan, wixii geesi iil galaye
Aqliga iyo Soomaaliyeey, waaya arageenu
Aqoonta iyo garaadkeenu sow, eber ma soo dhaafo?

Asaagiin sidaad uga hadheen, dib uma eegtaane
Axmaar nama gumaysteen hadaan, aaya leenahaye
Afkoo laga hadlo iyo waa hunguri, waxaan ku aadnaaye
Na arkaaba yaabyaye xaggay, iintu naga raacday?

Albaabkii furmaba way xun tahay, inaynu awdnaaye
Ma ahayn iftiin baa baxaye, inaan il duufnaaye
Inaan ururo badan yeelanaa, waa aqoon xuma e
Awoodeena oo naafata iyo, adhax jab weeyaane
Isla weynideena iyo duliga, nagu amookaysan
Malaha asmaa nagu dhacdaye, ma arki waynayne

Abidkiin intaad saa tihiin, ma aflaxaysaane
Ummadii khilaaf galo xornimo, uma arooraane
Istiqlaal waxaa lagu helaa, waa uruursaniye

Ilma adeerayaalow intaan, Eebe ka cabsoono
Eritrea waa xor ee intay, noo asixi teenu
Innana uursamaan iyo midnimo, maan isku ogaano

Tixdan waan ebyay ee wadar ahaan, saas ha ku idlaato
Laakiin ma awdine midbaan, soo unkahayaaye
Arinbaana ii laaban wali, O da khaas ku ehe
Abwaanada kaleetee jiroow, idina aagiina
Dhamaantiin af tahan baad tihiin, weedh abuura ahe
Iraadadu waxay waafaqday baadse, odhan karaysaane
Ninba aashi how sacaba tumo, oo hayska jiro eexda

Gobonimo sidii loo askumo, uunka maqashiiya
Inay tahay israac iyo midnimo, wada ogaysiiya
Utumaha dhexdeena iyo tirtira, aaradoonimada
U akhriya wixii ina anfaca, oo ku amar siiya

Ogaadenya waa dal ee qabiil, aan iska ilowno
Waa magac astaan u ah dalka, oo loo aqoonsadaye
Intaad maabka eegtaan wixii, noo ismiya raaca
Ikhtilaafka naga daaya waa, anfaca shaydaane
Dabadeedna waa lays af garan, idam Ilaaheeye

Tan ebyay ee hadana tii kalaan, soo abaabuliye
Laakiin afeef gaaban iyo, ood yar baan dhigane
Ilaahay jidkiisa iyo xaqaan, ku adimaayaaye
Iinta iyo qaloocaan rabaa, inaynu awdnaaye
Macnaha yaan xumaan loo awilin, waan af dheerahaye

Hadba orotanada doorashada,ururka guulaysta
Oday reer u weyn bay micnaha, uga ekaadeene
Sidaa aawadeed waa inay, aaminaan samire

Anshax iyo xishood waa inay, ku amranaadaane
Waa inay astaantoodu tahay, sir iyo aadaabe
Haday aaran fawda noqdaan, laga ugaadhowye
Dadkuna ma indha beeline macnaha, wuu arkahayaaye

Ujeedada hadii aanan ka gudin, een runta abaaro
War waa laydin eedaynayaa, ururka JWXOw' e
Ashtakooyinkiinaygu badan, goor iyo ayaane
Intaa waxaa la ii sheegayaa, iimo fara wayne

Afbay labadi wada qayliyeen, odayadiiniiye
Wayna naga ufoodeen dadkii, ooda nala yiile
Ma aqaan wax laynagu arkayee, nooma uur sama e

Inamo iyo haween iyo caruur, ubada mooyaane
Wax la yidhi aqoonyahanadii, waydun erideene
Wax la yidhi indheer garadka, waad ka anfariirtaane

Ixtiraami waydaa la yidhi, aabihiin rumahe
Allana kama baqdaan baa la yidhi, aalayahay baase
Waxaad uruurisaan iyo wixii, aadmi noogu deeqo
In yar lagama haystaa la yidhi, unug dhaqaalaade

Alla magane taariikhdii baad, soo af qabateene
Abtirsiimadii meel dhaw baad, ka isticmaasheene
Axmed iyo darwiishkii ilaa, ururadii geeshka
Halgankii ilkaha laysku cunay, ee rag ku idlaaday
Halgankii uluuf iyo uluuf, lagu agoonteeyay
Aastaa la leeyahay wixii, uunku soo maraye
Afar iyo shan sano oo qudha, baad ka ictiraafteene

War ma uurki laawuu ahaa, ciidankii Aga-bar?
Ii sheega Duufaan maxaa, lagu ihaanaystay?
Abaalkoodu mee Dhaarsane, iyo ururka Yaasiina?
Xagay aaday Yaacdo iyo kuwii, Xabashi iimeeyay?
Sidee uga ufooteen raggii, iibshay noloshooda?

Arin kama rabaan baa la yidhi, aynigii hora e
Siyaasada af-duubtaa la yidhi, dhawrka inanow e
La aqoonsan waa meesha aad, ka il-dhabaysaane
Olyatiibadiinana la waa, aaga ay tahaye
Argagixiso waynbaad shacbiga, ula ekaateene

Ashkatada dadweynuhu haday, saa run ku ahaato
Xornimadu inay aawadiin, la indha beelayso
Idaacadu ma fiicnee hadii, marag la soo oogo
Aasaaski hadafkeena guud, saatan ma ahayne
Albaabkii xaqana baadhil baad, uga abraarteene
Anbad iyo dayow baad gasheen, ooma soora ahe
Aqlina kuma hadlaysaane, waad alaladaysaane
War ogolaada khaladkaad gasheen, hays adkaynina e
Istiqaalo dhiiba oo cafisna, ehelka waydiista
Ninbana wuxuu abaalkiisu yahay, la arki doonaaye

Insha Allaahu gabaygayga waan, soo ebyahayaaye
Aakhirul kalaamkii hadaan, saan il bidi sheego
War kolka hore adoomaan nahee, Eebe ka cabsooda
Axdigaad ka qaadeen Rabbiga, oofsha tabartiina
Waa laydin iiliye qabriga, uurka ka ogaada
Aakhara xasuusnaada waa, lays abaal marine

Yaan lakala irdhayninee khalqigan, ooda wada yaala
Dhamaantoodba uugaamiyoo, ururkan xoogeeya
ONLF yaan qoys la badin, waa arlaa'igane

War waa urur siyaasiyahe yaan, cidina aanaysan
Ikhtiyaarkii weeyaan mabda'a, ruuxa aamina e
Dad ayidahayaa jira'e yaan, ooda laga saarin
Anaa idhi ha laga daayo iyo, amar ku taaglaynta

Afartii Absame Kuumade iyo, duqa adeerkooda
Aabo iyo hooyaa dhalee, aasa godobtooda
Ixtiraam ku maamula wixii, culimo reer Aw ah

Akishe iyo Bursuug yaan xumaan, uurta loo galinin
Il qaloocan Garri Koombe yaan, cidi ku soo eegin
War waa eheladeen Jaarsuhuye, saa hala ogaado

Yaan ooda Ciise iyo Gur-gure, eedi naga gaadhin
Aqoonyahanka Godobiirsay yaan, erey xun loo gaysan
Iyaga iyo Ilaahood wixii uurka, noo daba e
Ixsaankooda Reer Sheekh Isxaaq, aad u sii badiya

Hana lakala asluubsado wixii, ubaxa Daarooda
War yaynaan ka aargudan Harti ee, nabad ogaysiiya
Haday uur gumaar noo qabaan, duulku waa ehele
Inagaba il gaara baa jirta, oon ku aragnaaye

Ergo sama abuura ah u dira, oo islaax dhalisa
Hawiyaha aan aanaysano iyo, Irir wixii sheegta
War waa reer awowgeen Dir kuye, duca ha loo aado

Garre odayadiisa iyo la shira, waaya aragiisa
Axdi dheer la qaata oo Gurrena, la itisaal yeesha
Garriire na hadii ay umlaan, yaan lasii erinin

Is ogaada oo Baydislaha, aag kawada duula
War aqoonsada Dagoodigu, inuu yahay dad iimaan leh
Inta aad albaabka u furtaan, eega dariskiina

Yaan lala akeekamin wixii, Tima Adayg sheegta
Ururka ay Gabooyuhu dhisteen, waa inaga uune
War anfaaciga wadaaga oo tashiga, siiya eraygooda
Soomaali idilkeed dumoo, uubato u qaada
Aafooyinkii yaan wax dhacay, la isu aanaynin
Dadka wixii Islaam ahiba waa, ul iyo diirkeede
Ereygii rasuulkeenu yidhi, aynu ka adeecno
Ha is raacdo mooyee wax kale, uurku yuu gocanin
Insha Allaahu saasaan rabaa, inay ahaataaye

Shariif Dheere ayaa ku deeqay.  Mahadsanid

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.