Home

Quduro

                                                                                  Cabdullaahi Badel Cabdi Qamaan                                   

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabaygan wuxuu abwaanku tiriyey 1982dii isagoo jooga Soomaliya waxuuna kula garramayaa lana hadlayaa Soomaalidii xorta ahayd ee tii gumaysigu haystay ka seexatay.  Wuxuu yidhi: 

Aadmiga ninkii aan qudh bixin, amaan qabriga aadin

Qoraxdii dhacda iyo waa baryaba, qaar horlaa u imane

Dadka qaar wixii jira si dhab ah, uma qoraayaane

Qisadii runta ahyd  inaan, qalin ku beenayno

Waa quburo taariikhda oon, qalad ka sheegnaaye

 

Qaran xor u dagaallamahayoo, cadaw u qiireysan

Oo quudhsi diidayoo halgamey, calan inuu qaato

Dabadeedna qori caaradii,  qubaya dhiigooda

In qaxooti lagu ceeriyaa,  ma aha qaynuune

 

Qaladka iyo gafkaa weyn dad qaba, qooqna lagu laayey

Oo gaal quwad iyo maal ka badan, qaatey baradooda

Quruumuhu iney caawiyaan, waa dastuur qorane

Hadaad tahay qof weyn oo ra’yi leh, oo xil qabanaayo

Oo aadan qaraadkaagan lumey, hawl u qabaneynin

Ma qabawdo weedh xuni kolkey, qooni kugu taale

Inaad qalad ku sii deysataan, ma aha qaynuune

 

Qabridahare waagaan jirrey iyo, Qaali iyo  laago

Qoraxey markaan niiley iyo, ceelka Qaladiid ah

Qawyaha nogbeed maalintaan, qalaw ku maaleyney

Qar-qaraha Bullaale iyo markaan, jarar ku qooqeyney

Qalaafo iyo markii aan Godey, qaalmo roganeyney

Qorra iyo markii aan Daawadiin, qaab ka shubaneyney

Ninna nooma kala qaybin jirin, dheef qaraamad ehe

Aadmigana waa u qurux badneyn, qeyrka aan nahay e

Qabar nagu gandoodaa na helay, tii Allaa qoran e

 

Aduunkana qasaaraa ka dhaca, qab iyo maandhaafe

Qardoofe awagiis waa la is, qardabadeyne

Quruucda iyo damaacigaa badnaa, la isku qoonsado e

Qaatilu naf baa jirey ilaa, sabankii Qaabiil e

 

Shanta qaaradood waxa ka ridey, qayladiyo buuqa

Qumbulad iyo sawaariiqda iyo, qaraxa Naabaalka

Waxa qamarka guud iyo, qalabka hawada loo saarey

Waa quud mid haysta iyo mid raba, inuu ka qaataaye

Ama qaab gumeysigu bartiyo, waa qoqoba riixe

 

Annagana markii nala qabsadey, waa qiraal dhigan e

Ma qarsoona Reer Yurub Markey, ina qorsheeyeene

Afrikaanka qoyskii ku jirey, qeybta nagu raacye

Nasiibkaa Axmaar nagu qufuley, cunaya qaydhiine

Qalin iyo siyaasad iyo dastuur, kuma qancaayaane

Nabadna kuma qadeeyo ee xarbuhu, qubane weeyaane

Qawdaa intaa lagu hayaa, qawrac iyo layne

Qasab iyo colaad baan ku barey, hilibka qaydhiine

Qabayaraha waa key cuntey ay, qumuc u lee’deene

Kolkey qaaba qawseen tagto, yey qolo u yeedhaane

 

Intuu qabo shihiid cadawgayagu, ee qabriga aaddey

Qarnigii Gurey iyo hadeer, sida qiyaastii ah

Qudh baxaashu waa laba malyuun, amase qaar dheer e

Inaan calan qorsheynaan rabneyee, laguma qooqeyne

Gobanimo iney qaal tahey, yaa loo qisaas galaye

 

Rag buuse qaamudkii galeyee, looma qiil heline

Qadarkii allaan wali xornimo, soo qumaatiyine

Inkastoo wax gibin ah oo qadaran, quudka naga leexshey

Inkastoo dad baa nala qabee, rag u qabaanaaayo

Inkastoo qabiil nagu dhex jiro, oos nakala qeybshey

Hadana quusi wey naga fog tahey, saan u qanacnaaye

 

Qur’aanka iy waxanu aqrinaa, qawlka Eebahaye

Qudhun iyo xumaan uma oggolin, diinta qaalka ah e

Rabiyaw noo qareen waxaan nahay, qoon ku aamminey e

Oo qaadirnimadaada weyn, nagaga qaad gaalka

 

 

Shariif Dheere ayaa ku deeqay.  Mahadsanid

 

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.