Home

Shugri (Gabay Jacayl ah)

                                                                             Cabdullaahi Bedel Cabdi Qamaan                                   

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabaygan jacaylka ah abwaanku wuxuu u tiriyey xaaskiisa.  Sidduu sheegay Cabdullaahi, doobnimo ayuu ku weynaaday ka dibna guursaday gabadha uu gabaygan u mariyey.  Sababtiisuna waxay ahayd kalgacayl muujin iyo masayrtir.   Wuxuu yidhi: 

  • Aabahay rumaad iyo kolkii, hooyo laga reebo

  • Shugriyey wax ruux iyo naf leh, baad iigu roontahaye

  • Anna sida aan kuu rabo dhab baan, kaaga raaridiye

  • Rasmi inuu kalgacalkaygu yahay, oo aanan riyoonaynin

  • Rabbigii i uuntay baa igu ogee, rubuc intaad qaado

  • Raaliyadii aan saanyadaay, ramo odhaahdayda

  • Oo soo rujuuc oo niyada, hayga kala reebin

  • Anoo ruug-caddaaya oo aan lahayn, rug iyo raas toona

  • Anoon raasamaal haysan iyo, kob aan ku raaxaysto

  • Raggu maalintay shiri anoo, la iska kay reebo

  • Hadalkayga oon run iyo been, axad rabaa joogin

  • Ruwydiyo Najiib iyo Bedri iyo, raxantan qooqaysa

  • Muxyadiin Rijaal iyo Sacdoo, ugu yar reerkayga

  • Ubadkaa anoon rag iyo dumar, aabo ruux odhanin

  • Rabbi mahadii Eebaa, nikaax iigu kaa ridaye

  • Kolkan reerka buuxiyo adoo, raaxo ii sababay

  • Rabbi  kuma cadaabee abaal, raaga adigoo leh

  • Sidee baanan aad kuugu rabin, saw nin rag ah ma ahi

  • Natfaa kuu riyaaqday oo ducaan, kuu ratibayaaye

  • Rabbigayna wuu iga aqbali, saan rajaysnahaye

  • Adduunyada ku raag oo wax badan, ribix ku noolowe

  • Risiqa Eebe kuu waasacyoo, raas qabow noqo e

  • Raggaa iyo raggii ay dhaleen, oo isdaba roori

  • Intay gaadhiyaal kuuraraan, raarta buuxsada e

  • Rukumada Xadkii iyo Kabcada, raaliyaay gudo e

  • Ifka waysku raynaye markay, ruuxdu ina dayso

  • Rabbigay ha saamaxo danbigaad, ruubatee hore e

  • Rasuulkii udgoonaa intuu, kula rafiiqsiiyo

  • Raaca u horeeya ee jannada, Rawdo gali doona

  • Alla inama kala reerayee, ha isu keen raacsho   

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.