Home

Cumar C. Nuux

                                                              Hadmay Garan

Qurbe Kuma Nagaadeen
Wax isma Dhaamaan
Dacwo
Aniga iyo Qabiil
Dhambaal
Heshiiya
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry
  
1.      Hammigeygu meel buu rabaa, inuu ku haadaaye
2.      Hadimiyo dhibaataan arkaa inay na heystaane
3.      Hawraarta gabay waanigii, hoodo ku lahaaye
4.      An hitiqiyo maansada kolbay, haadda soo qabane
 
5.      Hogaamiyaha kooxdee na yiri, howsha igu daaya
6.      Hadal kii ka keenana darbada, hanaqa jeexaaya
7.      Haybna kula wadaagoo jifada, hoose kula sheegta
8.      Inaad horumar gaartana an rabin, hiilkastoo aad siiso
9.      Hohe saw ma garataan dadow, gacanta hooseysa?
 
10.  Hooyadiis ninkii jiidayaa, hooy san kuma geeyo
11.  Nin cadceed ka hiinraagayaa, harac kumuu joojo
12.  Halbowlaha ninkii kaala baxay, hogosha jiilaalka
13.  Halyeey inaad ku sheegtaan marnaba, kuma habbooneyne
14.  Hohe saw ma garataan dadow, gacanta hooseysa?
 
15.  Habeen iyo dharaar dawladdaan, hawsha qabanaysa
16.  Hogaamiyha kooxdee utaga, heegan galineysa
17.  Hubka uun ku soortee dhammaan, hoobiyaha siisa
18.  Halka lagu gubaayaana tahay, hoyga ehelkiisa
19.  Hohe saw ma garataan dadow, gacanta hooseysa?
 
20.  Hadba shirarka loo qabanayee, nabadna soo hoynin
21.  Haddii laba heshiis wada gashana, laga hinaasaayo
22.  Handadaada hoosee qarsoon, hadal i haaneedka
23.  Hadal kii ku celiyana xabsiga, lagu halgaadaayo
24.  Ama hawsha laga qaadayee, mid kale loo hogaan barayo
25.  Hohe saw ma aragtaan dadow, gacanta hooseysa?
 
26.  Afartaas halkii aan larabay, iyo hilin ma qaadsiiyey
27.  Halhaleelku hadal kuma wacnee, haybad ma usheegay
28.  Sidii hogasha roobkoo da'daan, kaaga haqabtiriye
29.  Afar kalana waa midaan hubee, hoosta ka xarriiqa
 
30.  Hawiye iyo Daarood iyo intii, heedhe la halmaasha
31.  Haddii aan haddeer lays cafiyin, oon hoyga la islaaxin
32.  Hudhudkiyo haddaan layska qaban, nacaska heeryeysan
33.  Hagar li'i haddaan loo maslixin, kii kankale hiifay
34.  Hoogayeey hadhow yaan la oran, hadal shalaytiine
 
35.  Hawadeenna Nairoobibaa , laga hagaayaaye
36.  Maraakiibta hogan ee badaha, heeganka u joogta
37.  Hadafkiyo ujeedada ku jira, heedhe ma arkaane
38.  Hadhow bay ka sheekayn makriga, haatan la macaane
39.  Hootada waxaa loo sitaa, hanadadiiniiye
40.  Hanaqiyo markay kugu dhuftaan, araxda hoosteeda
41.  Hannaan dawladnimo ay luntee, gobolba hayb sheegto
42.  Hoogayeey hadhow yaa la oran, iyo hadal shaleytiine
 
43.  Wixii laysku heystaba wakaas, haadda loo waraye
44.  Hoosba looma eegine qarnaa, dibu hayaanteene
45.  Hummaag been ah baad dabagasheen, haatuf aan jirine
46.  Habqankiinnii waa kaas u galay, halaq abeesaaye
47.  Haddii haybtu ay saro martoo, qaranku hoos aaday
 
48.  Hiddo iyo haddii laga tagoo, diinta la hilmaamay
49.  Halaag adinku aad sababsateen, hilinki weeyaane
50.  Hadmaan garan masiibada annagu, gacanta aan heyno
51.  Hadmuu geesi naga mida u kicin, haybna la illaawin
52.  Hohe qaranku goormuu ka bixi, hagarta jiilkeenna?
 
53.  Afartaas halkii aan larabay, iyo hilin ma qaadsiiyey
54.  Halhaleelku hadal kuma wacnee, haybad ma usheegay
55.  Sidii hogasha roobkoo da'daan, kaaga haqabtiriye
56.  Afar kalana waa midaan hubee, hoosta ka xarriiqa
 
57.  Hargeysiyo Barbara waa kuwaas, haatan sii go' aye
58.  Hammigoodu wuxuu yahay inay, naga hayamaane
59.  Hareeraha Nugaaleed Qardhiyo, hawdka Buuhoodle
60.  Hawluhu waxay uga socdaan, sida Hargeysaade
 
61.  Hiiraan haddaa laga wadaa, hawl abaabulahe
62.  Hadafkuna ma aha wadajiriyo, qaran la soo hooyo
63.  Halkii Baydhababa lagu furaa, la higsanaayaaye
64.  Hadalada kasoo yeerayaa, Sheebeelada hoose
65.  Hindisaha ku hoosjira ma aha, hiil walaalnimo e
 
66.  Hugunkiyo madaafiicda Xamar, wada hareeraysay
67.  Kismaayada Nasiibka uheshee, dhiilada u heelan
68.  Garbahaaray Baladxaawo iyo, Luuqda hoganeysa
69.  Halkii aan jalleecaba nabsaa, haan la dhaansadaye
70.  Hohe qaranku goormuu ka bixi, hagarta jiilkeenna?
 
71.  Afartaas halkii aan larabay, iyo hilin ma qaadsiiyey
72.  Halhaleelku hadal kuma wacnee, haybad ma usheegay
73.  Sidii hogasha roobkoo da'daan, kaaga haqabtiriye
74.  Afar kalana waa midaan hubee, hoosta ka xarriiqa
 
 
75.  Halkii aan heshiis dhawrayiyo, agab la soo hooyo
76.  Haaraha nabraha baan lahaa, haatan bay dhayiye
77.  Habarwacasho qaran baan lahaa, hiil ayaa imane
78.  Huwan maro qabiil loo gashaad, heegan galiseene
79.  Hambo niman reebayninbaa, haabtay salabkiiye
80.  Hididiilihii aan qabaa, hoos usii dhacaye
81.  Hohe qaranku goormuu ka bixi hagarta jiilkeenna?
 
82.  Halkii aan muwaafaqo lahaa, haatan bay imane
83.  Haybtiyo qabiil dhaawicii, haatan la ogaaye
84.  Dakadaha la haystaan lahaa, dawlad baa hanane
85.  Hurgun kale miyaa soo noqdoo, haatan nagu faafay
86.  Dogob hoos ka noolaa miyaa, haatan holac keenay
87.  Hididiilihii aan qabaa, hoos usii dhacaye
88.  Hohe qaranku goormuu ka bixi hagarta jiilkeenna?
 
89.  Halkii aan lahaa eedahaa, loo hannaan dayiye
90.  Hantidiyo waxaa laysu celin, maal lakala haysto
91.  Hagardaamadaa layska dayn, hayb wax lagu maago
92.  Anaa kaa hub badan baan lahaa, waa horey hariye
93.  Hayeeshee hannaankaan arkaa, hawl kaluu dhalaye
94.  Hididiiladii aan qabaa, hoos usii dhacaye
95.  Hohe qaranku goormuu ka bixi hagarta jiilkeenna?
 
96.  Afartaas halkii aan larabay, iyo hilin ma qaadsiiyey
97.  Halhaleelku hadal kuma wacnee, haybad ma usheegay
98.  Sidii hogasha roobkoo da'daan, kaaga haqabtiriye
99.  Afar kalana waa midaan hubee, hoosta ka xarriiqa
 
100.     Hankii lagu aqoon jiray tolkeen, maanta mahayaane
101.     Hablaheena inuu gaal kufsado, hohe madhawrayne
102.     Hambalyada inaan ugu darnaa, kii na halakeeyey
103.     Horay waxaan u dhicin baa imaan, haatan dabadeede
104.     Hilibkoon lakarin inaan cunnaa, waa hal la arkaaye
105.     Heeryada gumeysiga ninkii, heedhe garanaaya
106.     Ninkii halo uu leeyahay Amxaar, hawl li'i u qaatay
107.     Ama hooyadiis uu kufrigu, hoosta ka dharbaaxay
108.     Marna uma hawoodeen inuu Amxaar, hiil u raadsado e
109.     Hungo maran maxaa idinka dhigay, cadowga hoos jooga?
 
 
 
110.     Haddii gaal hujuum kuugu yimid, hooy la oran waayey
111.     Hal Amxaar ah oo qori wataa, nagu humbaaleeyey
112.     Hadal li'i masaajidda ugalay, oo hoos lawada eegay
113.     Horay waxaan u dhicin baa imaan haatan dabadeede
114.     Hilibkoon lakarin inaan cunnaa, waa hal la arkaaye
 
115.     Haweenkana markuu naga furtoo, laadka nagu hoobsho
116.     Himbiriirsi oohina markaan, ciil iswada hiifno
117.     Harjadkuna kolkaa naga madhoo, cadaw na heeryeysto
118.     Haddeer waxaan ku dheeldheelley baan, laguba hawshoone
119.     Halgan dheer mar kale aan galnee, haatan aan isdhiibno
 
120.     Afartaas halkii aan larabay, iyo hilin ma qaadsiiyey
121.     Halhaleelku hadal kuma wacnee, haybad ma usheegay
122.     Sidii hogasha roobkoo da'daan, kaaga haqabtiriye
123.     Afar kalana waa midaan hubee, hoosta ka xarriiqa
 
124.     Anuun baan hareynine, dadkaan hoogga lala maagye
125.     Hoos iyo kor baan ugu ceshaye, waanan huraheyne
126.     Hadal kuma khasaarsheen haddaan, hooyaday dihane
127.     Hilib igu yaallaan go'ine, duulku waa hamage
128.     Hadmay garan waxaan aan haddeer, jiifka holin waayey?
 
129.     Hadmay garan in duul wadajiraa, horumar uu gaaro
130.     Hog walaalkiis ruuxii qodaa, waa halaag culuse
131.     Hadmay garan nin ani kaligi yiri, hiil walaal lumiye?
132.     Hagardaamo ruuxii kunnool, meel xun buu hoyane
133.     Hadmay garan musiibada, dhammaan wada hareeraysay?
 
134.     Hadmay garan kabxume ma uu haree, waa kab laawaha e?
135.     Hadmay garan gacmahoo laysla helo, hawshu waa sahale?
136.     Hoggaankiyo hadmaa lagu heshiin, kuwa hareer jooga
137.     Hororsiga waxaa noogu wacan, hoobso waa dherege
138.     Haddii lala xisaabtamo, kursiga kuma haliileene
139.     Hadmay garan mas'uuliyaddu waa, hawsha ugu weyne?
 
140.     Anuun baa harraadiye tolkay waa horuu haraye
141.     Hunuf ina Tigreeyey dhammaan, hadal kaqaataane
142.     Haddii ay dadnimo leeyihiin, ma u haweysteene
143.     Hub intuu u qeybiyo dhammaan, harac ma seexdeene
144.     Hungo maran inay wada yihiin madaxu hooseeyo
145.     Iyo inay halyeey leeyihiin, haatan baan sugiye.
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.