Home

Cabdi Xirsi Muxumed

                                                                                               

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Waxaan boggan kusoo gudbinaynaa gabayo dhawr ah oo qabyo wada ah oo uu tiriyey abwaan Cabdi Xirsi Muxumed.   Cabdi wuxuu ahaa abwaan gabayadiisa aad looga mariyo Doollo, Ciid iyo degaanada kale ee dariska la ahba.  Waxay isku xilli ahaayeen Maxamed Cumar Dage, marmarna wayba isu gabyi jireen.

 

Cabdi gabayo badan ayuu leeyahay.  Bahda doollo.com uruurinta gabayadaa ayey in badan ku mashquulsanayd, waxaana hadda uun suuragalay inaan isu keeno dhawrkan gabay oo aan mid walba in yar uun ka helnay.  Taariikhdii gabayada iyo dhamaystirkooduba waa hawl inoo dhaxaysa ee haddii aad hayso ama meel laga heli karo og tahay, fadlan nagal soo xidhiidh mail@doollo.com.

 

Gabayadan aan halkan kusoo gudbinay waxaa soo uruuriyey Cabdi Xiis Udan.  Akhris wanaagsan.   

 

 

Awryahow siloon waadigaa, suuda yuurura ee

Kuma saydhin saymoo libaax, sikhilka guuraaye

Kuma sarara goyn wiilashii, suud xarayn jirayee

Saakaa laguuriye hadii, socod lagaa waayo

Seeftiyo hadii aanan ku marin, sikhilkaan xiirsiiyay

Aleelahay sirqaha loo qabiyo, suukay anigaa ah

 


 

Dhirta oon caleen lagu ogayn, dhaygiina idlaaday

Dhulka oo ingagay roobka oo, inaga dheeraaday

Waagii dhabaha looga tagay, Dhiinyar iyo Leedi

Ee adhi dhamaadaye nin kii, dhaqaya caydhoobay

Markii dhari hadhuudh iyo bariis, dhoofkii laga waayay

Oo dhar iyo sooriba gudhee, dheeftii laga quustay

Waxaad tahayba dheehooy u guur, dhul aan la gaadhayne

Waxaad tahay dhabaar tii ku taal, ila ka soo dhaadhi

Waxaad tahay dhankii dhalacad iyo, dhiita ka aloolo

Waxaad tahayba dhoobigii ku waday, dhabaqsi ha u maalo

Waxaad tahayba dhoorihii ku jiray, dhibi ha qaar dayso

Waxaad tahayba qaalmahuu dhaliyo, dhool ha daba reento

Waxaad tahayba dhooshuu la helo, dhiig ha kaga keento

Waxaad tahay dhigtii labada jilib, dhagaxa ha u dayso

 


Sidii geel cadhiyo jeel qaboo, jiiro ka hayaamay

Oo jalabutayntii bankiyo, laagaha ujeeda

Jilab iyo jaleeliyo jadeeriyo, jinawga ciid yaala

 

Walee jaad aan ruugaan ilkaha, iga jaraaxaynin

Walee jalamad qiiq iyo orlaan, marin jidiin kayga

Walee jiidh digaag laga jaraan,  jeexii la i siinin

Jini iga adkaadaan wallee, ani i jaanjaamin

 


Tartarkii i dabac Aadanoow, tiirka dhabarkiiyee

Talaabada ragaan dhaafi jiray, iga taf dheeroowye

Taws baa indhihii iga gashiyo, taarka dhagihiiye

Tuur ii dhaw kuma dheelman karo, tawda orodkiiye

Inkastoon tabtaydii holodo, tiigsi baan ahayee

 


Gaaggaan ka tagay baad ahayd, goosan kii hora e

Adigoo gabooboo cirradu, guudka ku cadaysay

Raganimada kuu guurisuu, geelu leeyahay e

War maandhoow nin kii goray dacniyay, sow wax garanmaayo

 


Laga cararyey ciideey maxaa, calaf la’aan taala

Cirku kuguma hoorooy maxaa, niman ku caydhoobay

 


Rag is maagyey Maxamuud Cabdoow, meeluu joogaba e

Isu mohoy masiibaduna waa, macandi xoolaade

Gorgor mowle haad miririg layn, mayd la guri waayay

Hadaad aragto meel la isku dilay, waa miscilil geel e

Marse hadaadan muusow lahayn, maanta hay qadinin

Bal waxaad maroor igaga heli, maandhaw adigaa og

 


Calow gabaygu wuu kaa samiyay, waana kaa su’aye

Waa kaa samaamuray hadaad, suuradee tidhiye

Inaad seegtay surinkuu ahaa, safarku ii sheegye

Adba wiilka kaa soosocdaa, waa siloon yahay e

Saddexdii hartoo wada fadhiya, sabada Buuhoodle

Sibraar caano laysugu shubiyo, sahayna loo waaye

Saxariir inuu ugu bakhtiyay, sahanku noosheegye

Siddeed ugub ah sagaal rimay ahiyo, baarqab lagu saantey

Sidka laba ah soodaan lamaaniyo, igadh saleel dooran

….......

Sodon kaa hadii aanan u rarin, saa’idna u raacin

Alaylehe sidiinaanu nahay, saqayar caydheede

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.