Home

Gaal la Joog(1976)

                                                  Yuusuf Colaad

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Muuse Aaye nin  la yidhaahdo oo Isaaq ah oo ay Yuusuf Colaad wada shaqayn jireen ayaa Jabuuti kolkay xornimadeeda qaadanaysay u afmiinshaaro tegay.  Intii uuna weli bixin ayuu wuxuu mariyey afareey oo uu is lahaa ha kaasii horrayso uuna ku calbabaasayo hawlihii Jabhaddii Wadaniga ahayd ee Soomaali Galbeed (WSLF.) Xilli ka mid ah 1976kii ayuu dagaal dhexmeray Jabhadda iyo ciidamada Itoobiya.  Yuusuf Colaad oo dagaalkaa ka murugaysan  ayuu Muuse u yimid oo weydiiyey:  Waar Yuusuf, maanta sidaad ahaan jirtay ma tihidee, maxaa jira?"  Dhawr goor kolkuu su'aal nacastaa  kusoo celceliey ayuu Yuusuf ugu jawaabay: war in jabhaddii iyo Xabashidii dirireen waad og tahay ee maxay tahay ujeedka su'aashaadu?"  Kolkaa ayuu  Muuse yidhi oo Jabhadii imisaa dhimatay?  In ka badan 70. Itoobiyaankiina? Guuto dhan waxba kama noqon.  Kolkaa ayuu Muuse yidhi "waar abtow nimanku waaba madhan lahaayeen haddii ay sidaa tahay.  Illaa iyo 60kii unbaad wax unbaan dig iyo dam ka dhignay hayseene."  Kolkaa ayuu Yuusuf ugu jawaabay adiga cidna ma dilaysid cidina kuma dilayso, calankaa oo aan habari kaaga dhiman ayaa Alle ku siiyey oo Soomaalida kale waad ka nasiib badan tahay ee iska qayil oo halkaa salaatul shukri ku tuko.

Intaa dabadeed ayuu jeebka laacay Muuse Aaye oo afaraydan xaashi ka akhriyey: 

    Wuxuu yidhi:

  • Ninyahoow go'a madow soo xidhayee, geestana caddeeyey
  • Waagii guduutaba ninyahow, guraya mayd been ah
  • Ninyahow lacago badan oon is gayin, jeeb isugu geeyay
  • Odayada wargayska ah ninyahow, galabta soo taagay
  • Guyaal iyo guyaal badan ninyahow, goodir midabeeyay
  • Gabaldaye siddiisii ninyahow, galinba layn raacay
  • Ninyahow galabta ila joogay, ee Godey ka sheekeeyay
  • Ninyahow go'a balcad ah soo xidhaye, gaabsantana haystay
  • Mar unbaa la garan tuug hadduu, gudo habaynkiiye
  • Gobonimo haddaad jeceshahay, ooy gocoto laabtaadu
  • Gurmadka sidda Jabuutaa, dagaal loo girgiriyaaye
  • Wallee geesh afmiinshaar noqdaybaan, gool ka dhalin meella
  • Wallee laba gacmoodshoow anigu, kaama guro sheeko

Yuusuf baa u jawaabay oo yidhi:

  • In dhawaydba gabaygii ka tegay, gaaxsanaan jiray
  • Waa taan ka gaabsaday inaan, golle ka sheegaaye
  • Wuxuu Muuse gaystiyo, halkuu gacan togaaleeyey
  • Gar yaqaanadaan doonayaa, inay gorfeeyaane
  • Guddi yahay i maqal waxaad, tihiin gacaladaydiiye
  • Go'yaashaba ninyahoow soo dhigtee, geelasha uun didiyey
  • Kolka reerku guuraba ninyahoow, gudub u waydaarta
  • Sidda raadka gaadhiga ninyahoow, gees walba u jeeda
  • Kol haddaanan geesh aad dirtaa, gaal la diriraynin
  • Gaas xoogle daayoo adoon, gaado bixinaynin
  • Maxaa godobta nimankaa, xarbiya garabka kuusaaray?
  • Taariikhda guunka ah iyo haddaad, guntaba eegto
  • Geeska Afrikaad uumiyaha, Guulle ku abuuray
  • Gumaysiga dadbaa lagu yiqiin, inay garaacaane
  • Axmed Gureey rag badan baa la go'ay, geesigii horre e
  • Sayidkii guyaal badan dagaal, soo galaa bixiyey
  • Kol haddaadan gaban kaa dhintiyo, gabadhna sheegaynin
  • Gobonimada inaad taabataa, kuu gar ma ahayne
  • Girigirida maantay ahayd, Adari guudkeeda
  • Goonyaha Jigjiga maalintuu, gallowgu dhiilaabay
  • Gunburi iyo Cagaar Weyne iyo, gowdii Daratoole
  • Af-bakaylihii la isku go'ay, labada geesoodba
  • Gidbaale iyo Beerdhiga ragguu, haadku geganaayey
  • Geestaad kasoo jeeday waad, garan karaysaaye
  • Kol haddaadan gaban kaa dhintiyo, gabadhna sheegaynin
  • Gobonimada inaad taabataa, kuu gar ma ahayne
  • Kollayse adigu Gadar baad u kici, gooshkan dabadeede
  • Shanta inay gobeeyaan ragbaa, goostay waa horre e
  • Gayigiyo cidaad nacday yey, gaadhka ka hayaane
  • Maxaa godobta nimankaa xarbiya, garabka kuu saaray?
  • Geerida af-miinshaar ma tago, goobta dirireede
  • Goonyaha maxkamadaha iyo baararkuu, galalafaayaaye
  • Ama geesta Carabtuu tagaa, ku gabadaa diine e
  • Nin garowsho daran naarta, waa lagu gufeeyaaye
  • Kol haddaadan meel rag isku go'ay, gumuc ka tuuraynin
  • Maxaa godobta nimankaa xarbiya, garabka kuu saaray?
  • Ninkase lacago badan oon is gayin, jeeb isugu geeyay
  • Waagii guduudataba ragbaad, guri ka saartaaye
  • Gogosha iyo caruurtaad dhigtaa, gegi habaas weyne
  • Gushigaagan daar uu galiyo, gole ka weegaarto???
  • Gobonimada waad neceb tahay, oo waad ka gubataaye
  • Geestaad ka joogtaa kufrigu, guul ka dhaliyaaye
  • Kol haddaan gumaysiga aqaan, gacan inaad siiso
  • Wallee gaal la joog yahoow, anaan garab ku waydiisan 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 200 - 2009 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.