Home

Sagooti

                                                 Yuusuf Collaad

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Gabaygiisii hore, Dood Waayeel, ee waanada iyo tusaalaynta ahaa markuu Cali Banfis dhag u dhigi waayey, dacdaradii uu Yuusuf uga digayna markii ay ku habsatay Cali iyo haybtiisiiba, ayuu Yuusuf Colaad gabaygan Sagooti la magac baxay tiriyey.  Yuusuf wuxuu leeyahay in badan baan war ka daa u idhiyee ka naasnaasi wataa ku sidata ee.  Wuxuu yidhi:  

    • In dhawayba deellayda gabay, kuma dadaalayne
    • Wakhtigaa igu daadihinayee, doon is ma lahayne
    • Marse haddaan dawaarka u qabsado, daalay ma aqaane
    • Aan daleeyo waa taad murtida, igu dareenteene
    • Dadkaad kicisay Caliyoow muxuu, dano ku gaadhsiiyey?
    • Dabkaad ololiseen soo ma gubin, degalka reerkiina?
    • Duunyo iyo waxaad maal lahayd, sow ma kala daadan?
    • Iskuuladii dareereed Jigjiga, daabulka u gaysay
    • Daroogiyo khamradii aad barteen, sow ma dabargoynin?
    • Dalka madaxdii kuu joogtay ee, dibada kuu saartay
    • Ee aan damiirkaba lahayn, soow wax duwan ma aha?
    • Afartaa wax lays kuma daree, deel maka higaadshay
    • Ma daleeyey maansada intaan, diiradda u eegay
    • Degdeg hadalku iigama baxee, daabac ma u yeelay
    • Ninkii doonayaba ka maqlee, dibadda ha u dhoofo
    • Ha dalxiiso waa taan wax badan, daaya ku lahaaye
    • Dood kalana waa reerka yidhi, dunidda aafeeya
    • Iidoor wuxuu damacsanaa, diirka ka caddeeye
    • Kii dibada joogiyo midkii, duunyo dhaqanaayey
    • Dukaamiyo dilaal iyo xamaal, dumar wuxuu haystay
    • Dawar wuxuu kusoo helay, intuu dunida meeraayey
    • Isticmaarku wuxuu soo dariyey, dab iyo gaadiidba
    • Dad iyo duunyo wuxuu maal lahaa, doolar iyo xoolo
    • Waxay docanayeen tobonka sanno, soo diyaarsade e
    • Kuman dilan kun daaduumay, iyo kuman daroogaysan
    • Iyo kuman intay dabar go'een, duraydu yeedhayso
    • Iyo kuman amxaarku u dawaro, daafidii Adari
    • Iyo kuman xabsiga loo diroon, cidi danaynaynin
    • Iyo laba kun oo duurka galayooy, raadco daba joogto
    • Intaasuu dadkaagii noqdiyo, doxorkii Iidoor e
    • Haddaasay dibintii huurada lahayd, deeray ku hayaane
    • Lafaha daadsan daaraha burburay, dumarka ooyaaya
    • hablihii dahabka laalaadin jiray, diilalyada haysa
    • Waa kuwaa siddii adhi dibjiray, dooxa yuurura e
    • Darxumiyo rafaadkay qabaan, dacaska loo waayey
    • Adigaa qaxooti u diraye duxi, ma kaa raacday?
    • Waa taan wax badan kuu digay, eed diidday waanada e
    • Waa taa dubihii kaaga dhacay, duudka feedhaha e
    • Duufkiyo ilamada kaaga taal, daamankiyo laabta
    • Dacalada ka leef waa waxaan, daaya ku lahaaye
    • Dagmo kibirtay abidkeedba waa, inay duloowdaaye
    • Reer Caad dabkii lagu rogaad, idina doonteene
    • Deeqlihii ku uuntaad afxumo, ugu dadaasheene
    • Inaan Sayidku kugu soo degdegin, waxaw daliilkiiye
    • Intuu kuu dulqaataad ogayd, daalin baad tahaye
    • Dulqafaar kuwii lala dhacay yaad, duray wadaagtaane
    • Diintii Rasuulkiyo sharciga, waad ka durugteene
    • Wax badan baad dadiyo iibiseen, duunyo iyo maale e
    • Afrikada raggii laga diree, dibada loo qaaday
    • Idinkaa dilaalyahoow ka gaday, duulkii Reer Yurub e
    • Denbi kama xishootaane waad, dalaq tidhaahdaane
    • Wax dhaaxaa dadaal iyo wanaag, deeq laguu furaye
    • Dakadaha wax badan baa ascaar, kaaga soo dagaye
    • Dadka deyrka yaalana adaa, ugu dan roonaaye
    • Deeqii la xaasido Alluhu, waaba dumiyaaye
    • Maamaahda duuga ah haddaan, dacal kasoo qaado
    • Qalbigaa dabool laga gashaa, duul hadduu lumiye
    • Shinbir duulis badanoow haddaad, degi aqoon waydo
    • Mar unbaad libaax labadii daan, dalaq tidhaahdaaye
    • Duul kuwaa ka dhigan waw egyahay, Daba Cayuunkiiye
    • Soomaali oo rag iyo dumar, gees isugu duuban
    • Dawlad qaran ah reer baan ku dumin, taa caqligu diidye
    • Damaacigii is gaysaba miyaa, diifka ku cunsiiyey???
    • Haddii aad duqoow leedihiin, dowga garanaysa
    • Dugsiguu fadhiyey waalidkiin, kuma duqayseene
    • Haddii aadan dad kale eersanayn, dan iyo yeelkaaga
    • Nimanyahoow af laba daan leh, baan muranka daynayne
    • Hadba dunida duulbaa iblays, dacal ka taabtaaye
    • Wax badan baa dadaal iyo wanaag, deeq laguu furaye
    • Wax dhaaxay dirgado kuu dhiseen, dawladii sare e
    • Intuu odaygu daayada hayey, yaad Dalal is moodeene
    • Dagaalkii sokeeyeed jeclayd, daadku ku xambaarye
    • Dunjigeedba Soomaaliyoo, ul iyo diirkeed ah
    • Dadkoo nabad ah waataad xumaan, ugu dadaasheene
    • Samaroon dacaayad iyo cay, waw dudubiseene
    • Daaxuur baa dagtood dinbadnihii, daalku kuu dagaye???? 
    • Degmadii Wajaaliyo qabsade, dalaga beertiiye
    • Waa kuwaa dibtaba kaa jariyo, saynta dabadiiye
    • Sida doogsin roob kaaga dharag, dumarkii Reer Nuure e
    • Ma inaad ergo usoo dirtay, dani ku yeelsiisay?
    • Danqashada Hawiye haatanay, dibinta ruugaane
    • Xarar Dheere duulkii fadhiyey, maqal dareenkiiye
    • Iyaguna dakanadooda way, daba galaayaane
    • Dadka kale sidii la arki jiray, yaad u dagaasheene
    • Ninka seedigii dilay haddana, daabcadda u qaatay
    • Ee qoodhihii dadab u jaree, dacal ku soo qaaday
    • Ee walaashii soo dul dhigay, oo ilmada duugi
    • Ee yidhi dantaadii bal qabo, dooxay inankiiye
    • Waa waxaan dalkeenaba ka dhicin, doorkan ka horoow e
    • Ka dumaali ama guursanow, dan iyo yeelkaaga
    • Daarood waqii kuuma shirin, kuma doonayne
    • Wax dafiic ah buu kuu arkiyo, tuulo dabayaale
    • Mid haddaad is dagaashaan ka kale, kuma dareemayne
    • Maantana dalkuu kugu arkaba, waa ku dilayaaye
    • Danbigaana adigaa leh ee, dan iyo yeelkaaga
    • Dadkoo nabad ah waa taad, dafaha duni ka qaadeene
    • Dacawada godkeedii raggaad, dubuq ku siinaysay
    • Eegay ku daydayahayaan, ooy ku dabayaane
    • Dabac kama sugaysid iyo inuu, diirku kuu naxo e
    • Danbigaaga adigaa iska lahee, dan iyo yeelkaaga
    • Aftartaa wax layskuma daree, deel ma ka higaadshay
    • Ma daleeyay maansada intaan, diiradda u eegay
    • Degdeg hadalku iigama baxee, daabac ma u yeelay
    • Ninkii doonayaaba ha maqlee, dibada haw dhoofo
    • Ha dalxiiso waataan wax badan, daaya ku lahaaye
    • Dood kalana waa ciidamada, daafaca u jooga
    • Cabdi-casiis dagaalkii Togdheer, daalinkii jabiye
    • Intaan laba tuke is dayin yey baqaha, dabada taageene
    • Waataa Jigjiga loo dawaro, duruqlahoodiiye
    • Darbaddii labaad baad ku timid, damashii weyneyde
    • Daakhilkii Hargaysaad tagteed, daaqadahaad furatay
    • Haddaad mooday meel dowrtay, aan ciddi danaynanin
    • Ragbaa calanka inay daafacaan, loo diyaarsaday e
    • Dalka haddii nin khaa'imo ku kaloo, daacadaa jira e
    • Qaar duca qabaa nooga yimid, dowladii sarre e
    • Dayax aan dhacayn baan Allana, uga duraantaaye
    • Kolkii Jananku siddii aar wax dilay, kugu dinaahyeeyey
    • Illaahay hadaayee kolkuu, amarka deeqsiiyey
    • Ee kaarayaashii la daday, daaha laga qaaday
    • Dagaal geliyihii Jees kolkuu, dalabka dhiibaayey
    • Diigaanyo ciidan ah kolkuu, idinku sii daayey
    • Daloondhaha iyo geedaha kolkaad, dadab u rooraysay
    • Ee koore jaan idin dul baxay, waan ku diirsadaye
    • Ma inaad qoryaha daadiseey, dani ku yeelsiiasay?
    • Danbaab lama hadlee Maxamed Sheekh, daafac magaciiye
    • Darajuu bilayskii ku helay, shalay dagaalkiiye
    • Saldhigay in badan doonayeen, dacar ka leefsiiyeye
    • Dakhariyo daraawiishtii way, wada dadaaleene
    • Doqon ma waaye iyo kaalmihiyo, dacaladii baanka
    • Meelahay rabeen inay degaan, daadshe meyd badane
    • Duli lama amaanee Cabdoow, ciidankii dirirye
    • Iidoor beenta ha daldalo, dibadihiisaase
    • Dayax gacmeedyadii baa sawiray, diray Maraykaane
    • Damaashaadka waa kii shacbigu, daaraha u koraye
    • Haddii aad dagaal la hortimaad, amase duulaanba
    • Dalka inaad ka tegi waad ogayd, Dabacayuunoow e
    • Nin waliba wixii dili lahaa, yuu dib uga yaabaaye
    • Ayaxaad dareenteen miyaa, digada kaa yeelay
    • Diintiyo shareecada haddaan, dib ugu soo laabto
    • Abidkiinba gaal dooralaaad, daba ordayseene
    • Dad horraa ku sheegiyo Sayidkii, daacadda ahaaye
    • Haddaad Maxamed diideen, anaan kugu dukhuulayne
    • Maantana masiixigii dafire, daalimiintanuye
    • Dulucdeeda maansada haddaan, dib ugu soo laabto
    • Waan kula dardaarmiye Caloow, maqal dabuubtayda
    • Oo daacad baan kuu ahaye, duubo hadalkayga
    • Dhaaxaad degaan iyo kufriga, daris ahaydeene
    • Dabcigaaga nimankii yiqiin, amase dookhaaga
    • Dilaal iyo khamriba waad ka heli, duulkii Reer Yurub e
    • Dusuudda u xashaa iyo si kale, kuugu dabacyaaba
    • Ingiriiska kuu doodayaa, meel uun kuu dirane
    • Dibadaha u dhoof howshii kale, laysu dacareeye
    • Dumarkiyo caruurtana ka taga, waanu daadihine
    • Haddaad diido ama yeesho, waa dan iyo yeelkaaga
    • Dibse haddaad usoo noqoto, waa dabar go'iinii dheh
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 - 2009 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.