Home

Yuusuf Collaad

                                                  Haa kaale

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Maxamed Siyaad ayuu gabaygan u mariyey gabaygan hoose.   Sharaxaad uma baahna oo way iska caddahay ujeedadiisu.  Wuxuu yidhi:
  • Hindisaha Mareexaanka iyo, hooda xumadooda
  • Abidkood horseekooda waa, lagu hungoobaaye
  • Hogaankii Siyaad lagu jab iyo, habartii waalayde
  • Hawiye iyo Iidoor kolkuu, hoygii soo galiyey
  • Hantidii dadweynaha kolkuu, hoosta uga dhiibay
  • Daaroodna kala haadiyey yey, heedhay boqontiiye
  • Hubsadkuu Majeerteen la dhacay, hanadaduu laayey
  • Anigana habeenimo i gaday, horarku waagiiye
  • Heshiiskuu Amxaarada la galay, hoog ma laga qaaday
  • Habar Yoonis iyo Ciida Gale, labada haamoodba
  • Goortaan hadhuudhlaha ku daray, habar magaadloo dhan
  • Ee aan habkay gobi lahayd, halisaha u jiidhnay
  • Ee aan dhulkiiba hantiyey, ii hanjabadooye
  • Waa kii Absame haaligee, hees ma lagu qaaday
  • Waa kaa hudheeluhu qabsaday, halabadiisiiye
  • Habartiyo tumaalkii miyaa, hiil u gali waayey
  • Hangashtiyo baroonkii dabeed, holac ma leefsiiyey
  • Hadadaamadii faalka iyo, hadalkii beenoowye
  • Habar Gidir Xawaadliyo Abgaal, waw hanjabayaane
  • Habar wacadka Daarood muxuu, haatan uga yeedhan?
  • Aminkaa hogtuu nala ashaday, lagu horeeyaaye
  • Eeguu siddii habar dugaag, howdka xulayaaye
  • In kastoo halaagii ku dhacaym aniga haybkayga
  • Haa kaale maantaba haddii, haraga loo tuuray  
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas |Kaadheeri |Guba |Singub

Copyright © 2002-2009 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.   All rights reserved.