Home

Kaad Imooday Baan Ahay

                                                                                  Daahir Cali Nuur

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
The largest online collection of Somali poetry

 

1.      Dheeweed wixii kiciyey waa, kulanka Daaroode

2.   Haddaan aabihii kaligi dhalin, laguma kiiseene

3.   Ma anigaa nin lagu soo kasba ah, wiilka kaligiis ah

 

4.   Kuftin lawga kaa gaadhay iyo, kalimaddii waalid

5.   Kabba subaga iyo kaama tago, kicin abeesaade

6.   Dhaaxaan kashiga kuu furoon, kuu karriin tiraye

7.   Oon kuu karmoonaa sidii, kabashlahii awre

 

8.   Haddaanan kooraweyntiyo nirgaha, meel isugu keenin

9.   Oon koobba weynow ritigu, doobta laba kaabin

10. Kooxyar baad i mooddaye haddayn, kuman ku soo aadin

11. Kabaabada kobtaan dhigo haddaan, layga kicin waayin

 

12. Uustar lagu kadeedmiyo haddaan, kaab-caddahu reemin

13. Sidii kaalin aar galay haddaan, layga kala luudin

14. Kolbaan nabad ahayn iyo haddayn, ko’gaydu kaa yeedhin

15. Ku rogaay dagaalkii haddaan, laysku kari waayin

16. Kufri loo dacwoodiyo haddaan, Karanle loo yaacin

17. Haddaan kibirka Reer Faaraxdiyo, keeda la illoobin

18. Kaad i moodday baan ahay haddaan, laysku kululaanin.

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C.Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

mail@doollo.com

Copyright © 2003 Doollo.com. All rights reserved.