-
Jiilaal Maqaafa abaar laysku, mohan waayey
-
Alla soo cirkoo murugsanaa, meelo kama hooro
-
Oo soo masaafiyo kob dheer, mayey ma qaadsiiyo
-
-
Minankii halloo furo haddii, meel laysugu keeno
-
Oo soo maroog laguma rogo, meyle luquntiisa
-
Minka reerka oo wada maljadan, meel ma soo ju’isey
-
Dhurbadii marrayd iyo markaa, kabadi maw miistay
-
Siddeed miiciyood oo udbo aha, ma isku misaantay
-
Mudka cayn ma kaga jiiday iyo, maydhaqa hortiisa
-
Sida cadaw aad kala maarantaan, muruqa maw kuustay
-
-
Dhigta madaxa qabo oo xadhkaha, meeshan ku adkeyso
-
Midkan saar dheriga oo caaradka, u meel day
-
Manfacaan cuneyniyo wixii, maqal adduunyaada
-
Masakiin caruur iyo markuu, maadhka wada qaado
-
Muusanowga suulkiyo faraha, ma uga miidaartay
-
Miisaan kaciisana qalbiga, mawga muxubbootay
-
Ma hingaday hi’duu yidhi sidii, haadda ma duulay
-
Sidi neef maroodiya markuu, cagaha miisaanshay
-
Ma ku mariyey meel lahayd, maanta degi meysid
-
-
Minja dhuubanow adhi miyaad, maalinta odhani
-
Murqa kuusanow dibi miyuu, midhifna kuu qaadi
-
War wax lagu masaalaa ma jiro, magaca xoolaade
-
Yaa muran ka qaba xaajo waa, la isla meershaaye