Saddexdii gabay ee ku saabsanaa Dagaalkii Laabaad ee Adduunka markay siddaa u
dhaceen ayaa nin Muxumed Weyrax la odhan jiray oo raaska Maxamed ka dhashay ahaa
ayaa yidhi Maxamdoow waad na wareerisay oo wax aan waxba ka jirin ayaad maalin
walba nagu akhrisaa, waxaadna had iyo goor noo sheegtaa waxyaalo cusub oo aduunka
ka dhacaya marka adeerow waad na qasteye beenta naga daa.
Hadalkaa ayuu
Maxamed Cumar ka xumaaday markaa ayuu tiriyey tixdan yar oo uu si ilbaxnimo iyo
xog-ogaalnimo ku jirto u tusaaleeyey Muxumed Weyrax iyo intii markaa la
noolaydba. Muxumed garasho yari isaga gooni ku ah oo uu waxba la garan
la’yahay ma jirin, abwaankana ma uusan xistaynin balse waxaa meesha ku jirta
arintii aan hadda ka hor soo xusnay ee ahayd kala fogaanta garashada abwaanka
iyo garaadka qofka caadiga ah. Wuxuu yidhi:
-
Soomaali
been baa rogtiyo, dhaar la badiyaaye
-
Arin
kuma baxnaansamo Cabdow, baanisaha geele
-
Buug
xaajadii lugu dhigaa laga, bogsoodaaye
-
Booriga
bad loo marro hadaan, ballo iyo, khoof joogin
-
Oo
baarax nabadeed dhacdoo, weerar laga baaqday
-
Dayuuradahan
bowleyn ee badan, maxaa keenay
-
Barqinka
iyo aroortii maxay, buuga ula roori
-
Boorsada
maxay ugu wadaan, Bulug kobtuu joogay
-
Buntukhyada
maa lays ka dhigo suntiyo baaruuda
-
Bandiiradaha
hoostooda maa, boobka laga daayo
-
Bayaangada maxaa looga layn, rugaha baashooda
-
Xukumaad
maxaa bi’iyey maxaa, rag isku baaweeyey
-
Bangigii maxaa xidhay maxaa, balad abaareeyey
-
Muxuu
Baaniyaalkii Cadmeed, booc u furi waayey
-
Biidkii
Hindiya soortii, bixin maxoow
diiday
-
Waxba
yaanan baasaha adduun, badin wataahiisee
-
Kol
haddaan macdani soo baxayn, soorna laga baaday
-
Ooy
bakhtiiya taal gudhan, bilicdi loo haystay??
|