Home

Celi Kalaamkeeda

                                                  Maxamed Cumar Dage

 

 

 

Gabayadii silsiladda ahaa ee Maalin-guur iyo Reer Warfaa dhexmaray ayuu gabaygani ka mid yahay.  Gabay kale oo hal xidhaale ah oo nin  Maalin-guur ahi soo diray ayuuna daba socday.  Haddii aad hayso gabaygaa kale nala soo xidhiidh.  Wuxuu yidhi:

-	Kun nin oo kabaalaha col iyo,  dirir u kooraysa
-	Oo kuhaan iyo fal iyo sixir, kalkaalaayo
-	Oo kow meel joogta, kali wax iska taraynin
-  	Car haddaad kasmada sheekh ku tahay, celi kalaankeeda?
 
-	Kol wax booda koox ugu badshoon, cago ku kaynaanin
-	Oon dherer kiintaal dhanayn, lugana kaabaynin 
-	Car haddaad kasmada sheekh ku tahay, celi kalaamkeeda?
 
-	Nin salaad u kacay oo sujuud, kaamilnimo yeelay
-  	Oo kufaarnimo wuxuu kaqabo, diintu kohanayso
	Car haddaad kasmada sheekh ku tahay, celi kalaamkeeda?
 
-	Koor wayne geel iyo horwayn, kadimo loo ooday
Oo baayaca laysugu kacshoo, kii lahaa wariyey
Oon kobac riyood iyo sabeen, kodane goynaynin
Car haddaad kasmada sheekh ku tahay, celi kalaamkeeda?
 
-	Karuur iyo karuur iyo, kar iyo qaar raacsan??
-  	Kafka waxaan dhanayn ood adduun, kun iyo daar siisan
Car haddaad kasmada sheekh ku tahay, celi kalaamkeeda?
 
Wabigoo karkaaradii jabshoo, kaliyadii buuxshay
-	Ood oomanaan kaga kalihi, kaaha waabariga 
-	Car haddaad kasmada sheekh ku tahay, celi kalaamkeeda?
 
-	Kildhi shaaha koob iyo fijaan, raaliyadu keentay
	Kibistii laguu qoray iyadoo, kulan laguu siiyay
-	Shay aadan kaafigii arkayn, kuman haddaad joogto
-	Eedan kajeeladii dhigayn, celi kalaamkeeda?
 
Xadiis Axmed Caabi ayaanu ka helay.
  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.