Home

Digasho 

                                                 Maxamed Cumar Dage

 

 

 

 

Abraahiin iyo waxaa dagaalamay Habar Yoonis.  Abraahiin ayaa ku gacansareeyey dirirtaa oo nimankii Isaaq libtii iyo qalabadii ka qaatay.  Abraahiin dagaalku wuxuu ku ahaa kali oo iyagoo goloyo ah oo xataa Makaahiilka kale uusan ka ag dhawayn ayey, sida la wariyey, Habar Yoonis dharbaaxo xun ku dhufteen. 

 

 

Maxamed Cumar ayaa warkii la gaadhsiiyey oo looga xogwaramay baqihii, diiftii iyo darxumuadii goobtii dagaalka ka dhacday. Gabaygan hoose ayuu dabadeed tiriyey isagoo Abraahiin ku boggaadinaya siday iyagoo kaligood ah uga adkaadeen Habar Yoonis, guusha tolkii usoo hoyatay ku dhaadanaya, Daarood dhammaantiina warka dagaalkaa gaadhsiinaya. 

 

Wuxuu gabayaagu si gaar ah dhawaaqa u maqashiinayaa uguna dhaga hadlayaa Dhulbahante oo wali dhulkiisii, sida Caynaba, Ceeldhaab iyo meelo kale oo Nugaal ka mid ah maqan yahay, Xaaji Cumar Cameey iyo Axmed Cigana aan rag u dhigma oo maqaawiir ah wali ugu aarin.  Wuxuu ku billaabay:

 

   

  • Rag hadaad dakano kala qabtaan, dil iyo qaad gaadhay

  • Waa lagu digtaa maalintay, xagashu daacdaaye

  • Doollo iyo warkii Bari, waan ku diirsaday e

  • Waataan dabaaldagay markay, soo dawariyeen e

  • Farxad baan la duubnaa intuu, kheyrku soo dagaye

  • Iidoor duliga gaadhay waa, roob gu’u oo da’aye

  • La durduuray doog iyo siddii, daribta caanoode

  • Daarood Ismaaciil na waa, u doogsin galabeede

  • Afartaa digtaan odhan jiriyo digashadaydii dheh

  • Rag baa gabayga deelqaafiyee digasho wayeel dheh

  • Darib iyo dibaax iyo amaan diiran oo kulul dheh

  • Malab dibnaha gaadhiyo waxaan badanku diidayn dheh

  • Deeqii Ilaahay iyo raxmaad da’ay masaalkii dheh

  • Diin iyo quraan waxaan ahayn, hal ugu duug roon dheh

  • Damiin hadalka waa lagu dacshee, kaygu waa dahab dheh

  • Tixdaa daayey oo waan dabraye, dood kalaan celine

  • Gaaskii la soo dumay colkii, duman ka soo duulay

  • Dabka guutadii loo shidee, waayo lagu daalay

  • Dirka Sugule Caynaanshe Dalab, duuda Habar Yoonis

  • Dunji Habar Magaadlaba colkuu, soo diyaar gariyey

  • Wareegada haddii lagu dilay, halable daanteeda

  • Goortuu ducaystee la yidhi, daawo aan u yeelo

  • Rag ilaalo loo diray haddii, dibada loo saaray

  • Dal yaqaan la aaminay haddii, dowga lagu joojay

  • Degmo gibin ah beel dagan hadday, dooyaddii aragtay

  • Dib salaan hadday ugu cesheen, hadal la doonaayey

  • Dagdagsiinyo loo qabay haddii, duhur la yaanseeyay

  • Duqaydiyo ninkii culus haddii, laga dawaareeyay

  • Cirkoo dadan habaynkoo dam yidhi, curashadii deyrta

  • Duul nabad usoo galay hadduu, caddow dul gowriiray

  • Dildilaaca waaberi haddii, weerar lagu daacshay

  • Oo laga dareersaday wareeg, dagalkii loo ooday

  • Darbigii iyo Idiin iyo hadday, Daawad ololaysay

  • Waa darajadeedee haddii, dumarku booyaayey

  • Dun carbeed la mood yeey cilaan, rag isu dayn waaye

  • Dab ayeey yaa lahaayeey markii, daawo laga yeeshay

  • Dabka qiiqa waxaa loo dhax galay, ololkii Dooyeyse

  • Ogaadeenku wuu durugsanaa, daayinkuu yahaye

  • Dalka kama dhawayn reer Subeer, laysku dilayaaye

  • Makaahiilna uma duul dhanayn, doodankii shalay e

  • Danwadaage iyo reer Cabdaa, dayro ku ahaaye

  • Dango lama amaanee Xirsoow, dirir Abraahiine

  • Nasab bay ka doorteen inay, dib uga laabtaane

  • Daliilkiyo waxaa loo cuskaday, diinta xoogga lehe

  • Dunbuqiyo markii laysku riday, danane dhowr qaad ah

  • Waa tay dulaameen kuwii, dabada aasnaaye

  • Nimankii adhxaha daacsanaa, damac ku beenoowye

  • Waa tuu waraabuhu dibxaday, daribtii Iidoor e

  • Dibjiraha dhurwaagii ahaa, Diiqa ka ibaadye

  • Dugaagii cunaan ugu jeclaa, dowladdii bahale

  • Danbaa marisay deyr oodan iyo, xagarkii Doolood e

  • Dariiqii qorraa iyo arliga, looga dacareeye

  • Habar Yoonis Hawd inay degaan, uma daymoodaane

  • Bari uma dabjeedaan haddii, dayr xumaad dhaca e

  • Dabra kale inay soo ceshaan, diiday rubadiiye

  • Ku didsade duleedada raggii, daadsanaa shalay e

  • Ku dareersha furihii Danood, dilla horweynkeeda

  • Ha durduriso deerooy kobtii, doogu uu u yiilay

  • Iidoorku inuu soo didshaa, loo dan lee yahaye

  • Dalka gaamay doolada baxdaye, dili ka dheeraatay

  • Haradaan diraacdiyo gudhaynin, duraha jiilaalka

  • Mar haddaan la daan daaninayn, dacarta doogeeda

  • Oo dabin iyo laguu rogay, digadii Oodweyne

  • Dubaax weeye geeridu haddaan, damug nidhaahnaaye

  • Alleelahay bagaa laysu dilay, Daahiroow sabanka

  • Xidid loo daryeeliyo bagaa, darajo loo waayey

  • Dagaal aan qarsoonayn bagaa, loogu kala duugay

  • Bagaa Dir iyo Daaroodba, qiiqu uga duulay

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.