Home

Galladaha Ilaahay

                                                  Maxamed Cumar Dage

 

 

 

Abwaanku wuxuu gabaygan tiriyey isagoo jooga degaanka Garlowgubay.  Waxayna sababtiisu ahayd, jiilaal abaareed oo Subaxyo Badane la odhan jiray oo aad dad iyo duunyaba loogu rafaaday ayaa ka dhacay degaankaa isaga ah ee uu abwaanku ku noolaa xiligaa.  Jiilaalkii markii laga soo doogsaday raxmaad badanna Illaahay dadkii siiyey, ayey waa dhalinyaro iyo caadkeede, niman barbaar ahi dhaanto, ciyaar iyo bardoodan bilaabeen. 

Habeen habeenada ka mid ah ayuu Maxamed isagoo ardaaga jiifa wuxuu maqlay dhaanto meel duleedka reerka ah laga tumayo.  Wuxuu aad ula yaabay dhalinyarada sida dhaqsaha badan u ilowday dhibkii la soo maray ee intii ay Alle u mahad celin lahaayeen, dhaantada iyo munkarka ku mashquulay.  Maxamed intuu hurdadii ka kacay ayuu dhaantadii dhinaceeda abbaaray si uu wax ugu sheego uguna soo caqliceliyo gurbaystaa duleedka reerka ka laaqinaysa.  Gabaygan ayuu dabadeed ka tiriyey goobtii dhaantadu ka socotay.  Wuxuu yidhi:

  • Nimanka gaardiyahayoow waxaan, idin garwaaqsiiyey

  • ….. gudhiye goortuu dhacaye, uunku kala giigay

  • Gaajada markii loo dhintiyo, gubayadii oonka

 

  • Garlowgubay in joogtiyo markii, gacalku eedoobay

  • Gabdhihii iyo xigaalkii markaan, garan aqoon wayney

  • Ee adhi haweenkii gabiyo, gabadhii raacaysay

  • Ee gara-habaas laga tagiyo, giiranoow sumalka

  • Gandaalkii haboonaa markii, giiran laga xooray??

  • Gurgur qaadku goortuu jilciyo, gaatiyaha owrku

  • Gallaydii Golweyn tiilay markaan, ganac ku soo waynay

  • Ee gaanidii naaxday iyo, goolkii la idlaystay

  • Geelii dhalaayey markuu, milicda gowriiray

  • Geeyaha habaaska leh markay, gabantu hoos tiilay

  • Ninkii gabal aroorshaba markuu, rarayey gaadiidka

  • Goglo iyo gayiga loo dagay iyo, Xero-xun gaafkeeda

  • Goofkii Tagaabeeye iyo, tan iyo Gees Dheere

  • Goon-ma-waaye intii, Toomo laga gaadho

  • Gaawaale Xaaxi iyo, Dhariye geestiisa??

  • Xidhkii Gowlalaale iyo gabriyo, Miiro gudahooda

  • Garasleey gargoorkii dusha, Gowlo iyo laago

  • Gummareey guryaha ilo Goonyo, iyo qaali??

  • Golduulaan Garaac iyo tan iyo, geeska Coboleey ah

  • Guro-koraadkii arlada markii, gooshin laga waayey

  • Galaal xoorku markuu dhacay ee, gaadhku na idleeyay

  • Gagabo xoog leh markii, goodir laga buuxshay

  • Gamco hoorsi midhihii markii, xoog la guran waayey

  • Giblo lama tumaynin iyo, gurbaan la gig siiyaaye

  • Waa tii ciyaar laga go’iyo, guuxi dibadeede

  • Waxa lagu gataataca hayaa, soo gu da’ay ma aha

  • War galladaha Ilaahay maxaa, gabay Abaalkooda

  • War gaardigeeniyo danbigu, soow guracan ma aha

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.