Gabay gabayadii
badnaa ee Maxamed Cumar Dage ku lahaa Silsiladdii Rayad ayaa waxaan
ka haynaa oo kaliya afartan meeris ee hoos ku xusan.
Wuxuu ahaa gabay
guubaabo iyo kicin ah oo ku wajahnaa Dhulbahante. Wuxuu ku
tirtisiyey inay rag madaxdoodii la laayey u dhigma dilaan oo ugu
aaraan Xaaji Cumar Cameey, Axmed Cige Siiarag iyo kuwii kale ee
kaska iyo maaga Habar Yoonis u laysay. Wuxuu leeyahay Shaybe,
Jaamac Shire, Col-ujoog iyo ragga noocaa ah haddii aydaan ku tuujin
nasab ma tihidin Daaroodna ma sheegan kartaan. Wuxuu yidhi:
- ...
-
Shaybiyo haddii aan la layn Ina Shiraha Jaamac
-
Haddaan shaqabka Col-ujoog ka tagay loogu shalow siinin
-
Aararsame shafkii ma aha iyo shaanki reer boqore
-
Hanna
sheegannina waxaydin dhalay baliyo shaydaane
-
...
Fadlan haddii aad ogtahay
gabaygan meel laga heli karo nala soo xidhiidh:
mail@doollo.com
|