Home

Mashaqo Weyn

                                                  Maxamed Cumar Dage

 

 

 

Gabaygiisii Murdud Reebe wuxuu Maxamed ku tilmaamay inaan geeljire aaro u noqon karin raggii Dhulbahante ee dhawrka ahaa ee Habar Yoonis laysay. 

 

Haddaba, xilli ku aadan 1948kii ayaa Ingiriisku shir u qabtay dhammaan degaanadii Soomaaliyeed ee xukunkiisii ku hoos jiray si uu u damiyo colaado u dhexeeyey qabaa’ilka Soomaaliyeed ee degaankaa ku dhaqan.  Shirkaa waxaa isugu yimid hoggaan-dhaqameedyo badan oo ka kala socday, Ogaadeen, Dhulbahante, Isaaq iyo Warsangali.  Waxaa ka mid ahaa ragga madashaa yimid Maxamed Cumar Dage oo ay gabayadiisii hore Dhulbahante gaadheen hase yeeshee ay qoonsadeen, halkii uu filayey hanbalyo iyo salaanna wax ka duwan oo uusan jeclaysan la soo gaadhsiiyey. 

 

Sida la wariyey, waxaa dhinaca Dhulbahante laga keenay hadal dhammaadkiisu ahaa “Rag waanu laynay ee si kale ayuu Maxamed Cumar noo xistiyayaa oo uu libinta aan soo hoyinay uu u sheegi la’ayahay.”  Hadalkaa ayaa Maxamed Cumar Dage dhibay oo hiil iyo abaabulkiisii uu qaadan waayey in wanaag mooyee wax kale loogu badalo.  Haddaba, shirkii ayuu ka dhex kacay, faraskiisii suugaanta jeedladay. 

 

Wuxuu Dhulbahante ku dhalliilay in guubaabadiisii diirin weyday, gabayadiisiina ay  qoonsadeen, intii ay ka dhiidhiyi lahaayeen dulliga haysta.  Sidaa haddii ay tahay, wuxuu gabayguba mudan yahay in oodda loo rogo maxaa yeelay wax wanaag ah oo laga gaadhayaa ma jiro, ayuu ku dooday.  Maxamed wuxuu doodiisa u gudbiyey Daaroodka kale.  Mar haddii Dhulbahante is dhaqaajin waayey, raggoodii u aari waayey, dhulkiisiina dhacsan waayey, waa in loo gacan dhaafaa oo Habar Yoonis rag maqaawiir ah laga laayaa, ayuu wax ku guubaabiyey.  Harti ayuu si gooni ah ugu xil saaray aaraha raggii xulka ahaa ee Dhulbahante laga laayey.  Wuxuu yidhi:

 

  • Mudaakarada geeraar hadday, mucurto kuu gayso

  • Marxalkaad u shegtiyo haddii, marinkii loo diido

  • Kol haddaad masaladaad tidhaa, loo miyirin waayo

 

  • Adoo maray Lillaahida haddii, eexo lagu moodo

  • Miyirdiin hadduu kugu qabsado, maansadaad tirisay

  • Murti iyo martabo loo xishiyo, muuno laga waaye

 

  • Murdud Reebe[1] gabaygaan kal horre, uunka maqashiiyey

  • Een midhaha Daarood dhex dhigay, mucurtiduu reebay

  • Ee  muunsanoowgiyo ahaa, hiil u mara xoorka

 

  • Een  muqadimiintii la jaray[2], ugu muraaqooday

  • Gabaygaan Hartiga maaxiyiyo, Mudug raggii joogay

  • Gabaygaan u maakibay  in loo, mudo masaalkooda

 

  • Martaan xidhanay Habar Yoonistii, murunku noo yiilay

  • Niman madaxyo weyn ahoo, muhindisoonaaya

  • Anigoo Macbuudbaw  hayee, malag la doonaaya

  • Gabaygaan magaalada lahaa, meyd halaga qaado

 

  • Abtir lagama maydhiyo nimaad, mini wadaagtaane

  • Ficil waa musiibee intaan, gibil madoobaaday

  • Lagu maadsay goortaan lahaa, waa la murugoone

 

  • Gabaygaan manaabada[3] lahaa, maqan ku raadcayso

  • Raggii aaro looguma maqnoo, waaba loomarag e

  • Malahay khasaaryeey sideen, ugu muraad seegay

 

  • Inay midigta qaadaan lawaa, miidha Habarwaaye[4]

  • Milgihii Shirshooraan[5] sugayn, muuno duul gob ahe

  • Mulkigii Garaad Faaraxoow,[6] idinka maaroowye

 

  • Dadku magaca waw wada jiray, midhaha Daarood e

  • Jifadaase lala maadhi jiray, maydh la oloshaaye

  • Wax maqaanihii la gala baxay, maanta Reer Hagar e

 

  • Inuu  miilo gabay Reer Cameey, maqal Ogaadeen e

  • Marwo jabbe markii lagu jarriyo, murankii qoolabe

  • Milgo xumo Bah Dahabaan lahaa, milicsan maayaane

 

  • Maxamuud Gureey iyo Bilow, malihii beenoowye

  • Mara-wenyta Reer Faaraxoow, deyse murankiiye[7]

 

 

  • Mayal-qabad[8]  ka dhimay Reer Cigaal,[9] meel uu joogaba e

  • Reer Maxamed[10] muuniyo ka samir, magac wanaagiiye

 

  • Haweenkuba martoo laga furooy, mahad ku sheegtaane

  • Macbuudkii abuuriyo siddaa, Maalligow galaye

  • Wax la mid ah qabiil magag  ahoo, miidha qaayibaye

 

  • Laga maarsay laba Muuse iyo, mohosho Reer Cawle

  • Warsangali u mari yaan Hartiga, gabalkii moogaane

  • Majeerteen u sheeg xaajadaa, waa mashaqo weyne

  • Kuwii ficilka maamuli ogaa, wada muhiibsiiya

  • Maxamuud Saleebaan u mari, madaxyo weyntiisa

  • Bal in ay dhabliga[11]  meeriyaan, aad u maqashiiya


 


[1] Murdud Reebe:  gabaygiisa kan ka horreeyey ee ka kaca Ha’da maanso hooyaale gabay, halalka geeraarka

[2] Muqadimiintii la jaray:  Rag dhawr ah oo Dhulbahante ah oo Habar Yoonis laysay.  Waxaa ka mid ahaa Caaqil Cumar Cameey, Axmed Cige Sii’arag, Jaamac Cali Nuur iyo Haybe Axmed Kaar. 

[3] Manaabo: dakano, dadka nimaan manaabo iga qabin, inaanan maagaynin waa kii Maxamuud Cali Beenaley lahaa

[4] Habarwaa: Magac kore oo Dhulbahante badankiisu ku arooro sida Shirshoore Habarwaa iyo Khaalid Habarwaa

[5] Shirshoore: Shirshoore Habarwaa.  Oday Dhulbahante badankiisu ku abtirsado sida Qayaad, Faarax Garaad, Maxamuud Garaad, Xaamud Ugaas, Xasan Ugaas, Xuseen Ugaas iyo Maxamuud Ugaasba

[6] Garaad Faarax:  Faarax Garaad (Bah Ararsame, Barkad iyo Axmed Garaad – Cali-geri, Reer Hagar iyo dhawr kale)  Wuxuu meerisyadaa kore iyo kuwa dabasocda ku qeexayaa in dhammaan Dhulbahante duudsi iyo ceeb qaayibay laf laf dhaantana aanay ku jirin

[7] Mara-weyn: eray sarbeeb ah, Soomaaliduna ku tidhaahdo ninkii ay dumarka la simayso.  Reer Faarax Hagar weeye nimanka uu ujeedo

[8] Mayal: gaashaanka kobta la qabto ee gacantu ka gasho ayey Soomaalidu mayal u taqaan.  Mayal-qabad waa qof gaashaan-qaad ah ama dirir gali kara waxna ka keeni kara.  Wuxuu ujeedaa nimankaa Dhulbahante inay maato yihiin oo aysan lahayn nin diriri kara.  Mayalka waxaad ku xusuusataa meerisyadii Cabdullaahi Dhoodaan ee ahaa: Mayalkaan u hayniyo wax badan maalin dirireede, muruqbaan ku daafici jirriyo xoog mataano ahe

[9] Reer Cigaal:  Reer Cigaal, Reer Faarax, Reer Hagar, Axmed Garaad, Faarax Garaad, Dhulbahante.  Waa lafta ay Reer Faarax Hagar Samatar Baxnaan iyo Aadan-carabba kaga arooraan.  Waxay kasii yihiin Samatar oo Reer Maxamed ah iyo Aadan-carab oo Reer Axmed ah

[10] Reer Maxamed: Reer Maxamed Cigaal.  Waa lafta Samatar Baxnaan ahaa. 

[11] Dhabli: Ceeb, dhabligaad qamlaynayso ee, laga qalaalyoodo waa kii Maxamuud-bidhiidh lahaa

 

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba| Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.