|
Reer Cali (Ogaadeen) iyo Ciidagale
(Isaaq) ayaa
dagaalamay. Doorar badan ayaa dagaalkaa ku go'ay, haseyeeshee guushii
waxay raacday Reer Cali oo si ba’an birta uga aslay Ciidagale.
Arab (Isaaq) ayaa soo hiiliyey oo lasoo saftay Ciidagale.
Reer Cali ayaa Arabkiina ka daba geeyay Ciidagale. Gabayo badan oo
labada dhinacba ah oo dagaalkan si hufan uga sheekaynaya ayaa isla
xilligaa la tiriyey. Gabayadu, xataa kuwa nimanka Isaaq
tiriyeen, waxay isku waafaqsan yihiin in Isaaq darbad xumi gaadhay.
Maxamed Cumar Dage ayaa
haddaba ka mid ah dhinaca Ogaadeen ragga dagaalkaa ka gabyey, wuxuuna tiriyey
gabay sifayn, goodi iyo dhaadasho miidhan ah. Tahniyad iyo boggaadin
ayuu u diray Reer Cali, Ciidagale iyo Arabna wuxuu jabkii soo
gaadhay u raaciyey dhalleeco iyo bagga. Arab ayuu waliba si
gaar ah hadalka ugu goday isagoo gundhiciisu yahay maxay kasoo
dooneen gumaca Reer Cali. Wuxuu yidhi:
-
Warkii
xalay Awaariyo ka yimid, aradka Gaaroodi
-
Iidoor
galbeed iyo warkii, idhan ka soo duulay
-
Eraygii
xaqiiqoow hadaad, alalad moodeen e
-
Ooftuu
dhigay Ciida Gale, sidii ugaadheede
-
Siddii
aaran geel oo dideey, ooda jabiyeene
-
Mar
hadday indhaha jeediyaan, orod ma daayaane
-
Afkii
Ina Warsame Baashe iyo, amarkii beenoow ye
-
Ayaan
iyo ayaan buu, sanguhu daba ulaysnaaye
-
Oon
baa ku daayimay kuwii, daba aasnaaye
-
Abshir
dhaha Isaaq iilay oo, aarsay Reer Caliye
-
Afartaa
sidii alifka iyo aaayad, ma u sheegay
-
Ma
anafacay ilama adeeraday, waa u abaal gudiye
-
In
yar kalana waa iiladkii, uunka kala gaadhay
-
Irdaha
Reer Mataan iyo Cabdoow, ururta reer Muummin
-
Siddii
Orobadii Yurub haday eedi kala
gaadhay
-
Midkood
ilanka qaataba haddii, dirir la eegaayey
-
Edeb
xumo waxaa u soo hormaray, ey lasoo diraye
-
Umalkii
waxay kula dhaceen, adhi salaaxdiiye
-
Ido-maaladii
baa go’iyo, uuskii Guulane e
-
Asad
iyo ubad dhurwaa haddii, la isku aaheeyay
-
Waraabuhu
afmeer iyo hadduu, idhan kasoo qaylyey
-
Wuxuu
uubateeyaba markii, la isu soo ururay
-
Arbihii
madoobaa hadduu, uurka ka higooday
-
Orodka
iyo boodababa hadduu, ayda kala jeexo
-
Onkod
iyo siddii roob, loola amakaagye
-
Ma
adkaysto adhi gaadka, oo aar ku duufsadaye
-
Goortuu
intaa abasaxshaa, fiintu oloshaaye
-
Waxaa
u aaraha lagu dilaa, uufanaha weer e
-
Araayaha
maroodiga ninkii, agab usoo qaata
-
Ma
anfaco atoor guuyo oo, soo agjoogsadaye
-
Gaaniga
markuu ku ajaluu, ayaahiis bogane
-
Askar
amar ka diidaa kornayl, waa Allow sahale
-
Uubuu
galaa inan gumeed, ururta laa caaye
-
Aflagaado
waa loo dhintaa, eeqo duul gob ehe
-
Asxaan
ma laha Alamaan hadduu, aaladii hale e
-
Aji
iyo midgaba waa dilaa, uustar buuxsamaye
-
Waxaa
ololoy uubadii Samane eegadii hore e
-
Aabiga
markay ula tageen, ururta Caynaanshe
-
Anshigay
Gunbuur u edbiyeen, ma u ekaysiiyey
-
Waxaa ololay oobadii Samane eegadii hore e
-
Damal
Aadan iyo ha is arkeen, owrta Reer Caliya
-
Ugaasyadu
ha geelgeetamaan, amarka seegtaaye
-
Bal
muxuu asiib baa wadee, Arabna doonaayey?
Markuu
Maxamed leeyahay:
Afkii
Ina Warsame Baanshe iyo, amarkii beenoow ye...
Asxaan
ma laha Alamaan hadduu, aaladii hale e
Wuxuu
daba socdaa gabay uu Cabdi Gahaydh hadda ka hor tiriyey oo ay ka mid ahaayeen
tuducyadan hoose.
-
Warka xalay curaagtii tolkay,
ceelka laga keenay
-
Ee sida cilmiga Eebahay, lagu
cibaadaysto
-
Aniguba ciyaar baan is rogay,
coomirkaan ahaye
-
Ma ku caafimaadeen gobbay,
caadadeed tahaye
-
Sida caawa Habar Yoonis tahay,
Ciida-Gale diidye
-
Caqli male Afdiinluu haduu,
Caarad-dhuub helo e
-
Mar hadii cidhbaha loo rakibo,
curado naafeeye
-
Caruur looma dhiibine rijaal,
caarufaa helaye
|
|
|
|