|
-
Ingiriis
qabkiyo baanihii, wuu qalmahayaaye
-
Daarood
unbuu qaxar badaye, qaaday dunidiiye
-
Kuwii
qeyro dhaafay haday, qoomamo hayaane
-
Qabowga
iyo nabaduu jeclaa, yaa la qoonsadaye
-
Qaribaada
duulkii lahaa, qado mahaystaane
-
Waa
qaran bax gaalada ninkii, ugu quwad roonaaye
-
Jarmalkii
qasaaraha jeclaa, qaaday dunidiiye
-
Ka
quusay qooriga Suweys, qabashadiise
-
Maraakiib
qafilan baa badweyn, looga soo qaxaye
-
Qabro
sheegadkii lawaa, loo qodhlayn jiraye
-
Raaciyo
haddey qaabileen, qalab la’aaneede
-
Qabkii
Musaliini ha gudhee, qaaliga ahaaye
-
Qalalaasihii
lagu dhigeey, qabaxdi raaceene
-
Faransiis
ma qaalana siddii, Paris loo qodaye
-
Quruumaha
hortooduu ayaan, qubay silaaxiiye
-
Waxaan
qolada siinka leh ahayn, qaran ka duugowye
-
Qeyrada
Islaam marbaa, qeyr usoo dagiye
-
Qoladaa
ku jira Eebaheey, hayna qaalibe e
|
|
|
|
|
|
|
|
|