Home

Rukni Dhexe

                                                 Maxamed Cumar Dage

 

 

 

Qoyska uu Abwaanku ka dhashay oo yaala Ciid ayaa waxay Maxamed Cumar iyo nin ay ilma adeer ahaayeen oo la oran jiray Xirsi Maxamed is ku qabteen in cidda loo raro xaggaa iyo Hara Digeed iyo in halkeeda laysaga daayo oo aan la rarin. Maxamed wuxuu jeclaa in aan cidda la rarin isagoo eegaya dhinaca nabad galyada, Xirsina wuxuu door bidayey in la raro oo ay Haradigeed u fiican tahay xoolaha badankooda.

 

Xirsi wuxuu lahaa hal magaceeda la oran jiray Rabbo oo aad u caano badnayd, marka Maxamed Cumar ayaa xirsi gabaygan u tiriyey isagoo ku hal qabsanya Rabbo Xirsina ku duraya in uu raadinayo xoorkii (xunbada caanaha) Rabbo oo kaliya ee uusan war iyo wacaal toona ka haynin waxyaalaha adduunka ka dhacaya iyo amni xumada fooda ku soo haysa dhulkaas ay markaa joogeen. Wuxuu yidhi:

 

  • Rukni dhexe Xirsow warkii xalayto, raadyuhu keenay

  • Ka rafaad ninkii adduunraaxadeed qabaye

  • Roor oo dhig mooyee lawaa, raadkii nabadeede

  • Rug wanaagsan gaalkii lahaa, waa rucleeyahay

  • Ingiriis rogaal iyo colbaa ruuga, loo dhigaye

  • Nimankii rabayysnaan jiraa loo, ratibay gaadhe

  • Carabtii rumaadida ahayd rodol, ma miistaane

  • Raqiis laguma helo ashcaar, moodhar soo ragaye

  • Rugta yeedhi reemida dhacdiyo, raranka qiiqaaya

  • Quruumaha ridamaya ee, dagaalka isku reebi

  • Rubaanada kici intaan, waagu kala roorin

  • Raqda xeebta taaliyo bakhtiga, radadu keenayso

  • Inta roggan wax raad iyo naf laheen, ruuxna laga caymin

  • Daaraha ruqahayee madfaca, lugu rigaaxaayo

  • Malyuumadan ayaan lugu ridqeen, ruux kasoo cayman

  • Baabuurka reemahaya iyo, roorka lugu joogo

  • Ra’yigaaga unbaa ku yidh, Ramad ka caaneeye

  • Adunbaa raaxo raadiyee, raasamaal dhimaye

  • Rabbi tuugmo mooyee dadkii, hawo kale reebye

  • Intaad xoorkii Rabbadeed raadin, riiqan dunidiiye

  • Hunde ramaqa lagu sheegi, malaha raandhiis e

  • Laga raysan ruggihii banaan, ha u riyaaqina’e

  • War waa laysku soo raran yahee, hoos ha ii ridine

  • Inta reerka lay isugu imaan, haygu rogin Faafan

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. All rights reserved.