Home

Suuro Gooni ah!

                                                  Maxamed Cumar Dage

 

 

 

Gabaygani wuxuu ka mid ahaa gabayo ay Maalin Guur iyo Reer Warfaa (oo labaduba Ogaadeen ah) isu tiriyeen xilli horre.  Gabayadaas oo silsilad dheer ahaa muddana socday, rag badanina ka qayb qaatay waxay soo gabagaboobeen badhtamihii qarnigii tagay.  Haddii aad qaar ka mid ah hayso ama meel laga helayo og tahay nala soo xidhiidh.

 

Wuxuu yidhi: 

 

  • Sunihiisa gabay waayaan, saayiq ku ahaaye

  • Indhawayd ka saahiday codkaan, suuradayn jiraye

  • Sa’da kama akhriyo meeshiyo, subucii dayreede

  • Ma sifeeyo meeshii kal horre, surimadiisiiye

  • Sanahaabadii baan ku huray, salowgii shaydaane

  • Markaan saxana eed iyo danbaa, iiga saa’idiye

  • Markaan samir idhaahdana ragbaa, kicine sooyaane

  • Xalunbaa saqdii dhexe hurdada, saar la ii tumaye

  • Sidii aniga oo suufiyaa, layla soogsadaye

  • Sa’da bal aan ku dhigo caawa taan, siinka ka higaadsho

 

  • Afartaa suddaan odhan jiriyo, saani ma u sheegay

  • Sida sadarka diintiyo cilmiga, soohdin ma u yeelay

  • Ma ku simay sutaac xariiriyo, soohan midabkeeda

  • Sumad lagu aqoodiyo bidhaan, soocan ma u yeelay

  • Sa’daan kaga billaabiyo miyaan, surin ka leexsiiyey

  • Hadal lama sariigee caddaan, seef ma ugu gooyey

  • Saldho lagu fadhiistiyo rakaad, sare ma gaadhsiiyey

  • Sowd kalena waa xalay halkaan, seexasho u diiday

 

  • Haddii sahan rag loo diro dhulkoo, sano abaaraada

  • Oo suud madow iyo cagaar, siibtay la arkoodo

  • Sune weeye xoolaha haddii, saaca loo raro e

 

  • Nimaad sagal lahaydeen haddii, saymo lagu sheego

  • Oo sawd xun laga keeno iyo, si uu ku iimoobay

  • Sune weeye maalintaa inaad, suubisaa gabaye

 

  • Sahal waxaad ka dhigataa gadaal, wuu ku sababaaye

  • Sabanaba ninbaa Eebaheey, magac xun saaraaye

  • Sifo foolxunbaa laga waramay, Samatar Guuleede

  • Wiilkii af saa’ida lahaa, sawdka laga keenay

  • Iyo seexashadu waa ceeb, suu u hadi waayey

  • Iyo siduu anfaacigu u sabay, silligu noo keenye

 

  • Xagganaga sidduu yeelay waa, laga sadqaystaaye

  • Waa suuro gooni ah ninkay, dheefu sixirtaaye

  • Sunba nooga daran dhuunigaan, sooryo noo galine

  • Sabta iyo midguhu way nacaan, silicii ceebeede

  • Sawjadaha naaguhu kollaba, kumaba soocdaane

  • Ka subxaanalaa laga hayaa, suuqii Cadameede

  • Saajin iyo nin boqoruu ahaa, saatan ka horowe

  • Markaan saajucnimadii la waa, magacu saaraaye

  • Allay lehe salaankii la duul, sanadan Qoorleexe

 

  • Afartaa suddaan odhan jiriyo, saani ma u sheegay

  • Sida sadarka diintiyo cilmiga, soohdin ma u yeelay

  • Ma ku simay sutaac xariiriyo, soohan midabkeeda

  • Sumad lagu aqoodiyo bidhaan, soocan ma u yeelay

  • Sa’daan kaga billaabiyo miyaan, surin ka leexsiiyey

  • Hadal lama sariigee caddaan, seef ma ugu gooyey

  • Saldho lagu fadhiistiyo rakaad, sare ma gaadhsiiyey

 

  • Sibi iyo Sanaagyaha Galbeed, Sabadii Booraale

  • Sarta Adari suuqyada Jigjiga, salabkii Ceel Ciire

  • San Cadaad ma laga naadiyiyo, Sugun afaafkeeda

  • Ma sayaxay safkii Reer Burciyo, sawjarkiyo gaalku

  • Siidhiga miyey kaga tunteen, Sugule Caynaanshe

  • Sowd kalena waa Maalin Guur, socotadii gaadhay

 

  • Niman subax gadoomaa ka tagay, surinkii Ciideede

  • Salaad iyo salaadeeda kale, saa’id iyo caawa

  • Intaaseey sudaha maaxayeen, sool qar oodan ahe

  • Sibraar iyo ma sidan wiilashii, sahaydii caanoode

  • Saamaale awr iyo ma wadan, hilaygii saaraaye

  • Iyagoo sadoodo leh la gaadh, qeyro saraf weyne

  • Sinnaad looma maaxine la fahan, yaan ku simanaaye

  • Samaan ina adeer iyo tolnimo, laga sokeeyowye

  • Niman seediyaashi ah yuu u tagay, suramadiisiiye

  • Salka dhiga markay sugahayeen, sii socduu yidhiye

  • Iyaguba samuudlow horweyn, ma ay su’aaleene

  • Sangaha xoogga weyn iyo mindhaa, sumal ma doonayne

  • Xeedhyaha sanuunadan iyo barnida, Saaxil laga keenay

  • Wanka sabarka weyniyo goolalkii, Sibi kusoo naaxay

  • Waxba yuusan sogobyaalka u qalin, seero-daaqyada e

  • Waxba yuusan sadkii gobi taqaan, yaraha saaweyne

  • Suruq iyo harraad baa dilee, badhax koluu siiyo

  • Allaylehe surquun kalama tagin, seediyaaladiye

  • Bal aan sugo sancadan la ii waramay, waxay ku suurowday.

  

 

   

 
 
 
 
 
 
 
 

Dhoodaan| Sayid Maxamed| M.C.Dage| Qamaan| M.C. Beenaleey| Raage Ugaas| Kaadheeri| Guba|Singub

Copyright © 2002 Doollo.com. The largest online collection of Somali poetry.  All rights reserved.